|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport

 
 
 
  Booqashadii uu ku tegay Kuwait MDX. C/lahi Yusuf 03.maarso.2007
 
  Xildhibaan C/rashiid Ciro
   
     
   

 

Muqdisho:Gudoomiyaha Degmada Howl wadaag oo ladilay kadib markii uu soo gutay Salaada Maqrib.ISha:ALp

Muqdisho:Kooxo hubeysan ayaa goor dhow dilay Guddoomiyihii degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisa aan la garaneyn kooxaha geystay, hase ahaatee waxaa la aamisan yahay iney dileen kooxaha ka soo horjeeda maamulka gobolka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Degmada Howl-wadaag oo la oran jiray Xasan Cali Siyaad (Xasan Farey) ayaa dilkiisa waxaa geystay labo nin oo hubeysan iyadoo xiligii la dilayey uu ka soo baxay Masjid uu ku Tukuday Salaadii Maqrib.

Iridka hore ee masjidka ayey ku toogteen kooxahan hubeysan isagoo xiligaasna gashanayey kabahiisa, waxaana la sheegayaa in kooxihii ka danbeeyay dilkiisa ay baxsadeen.

Guddoomiyaha ayaa ku ruux baxay goobta lagu dilay iyadoo madaxa ay kaga dhufteen rasaas ka dhaceysay bastooladda.

Dilkan ayaa ah kii labaad ee loo geysto guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo mudo dhow kooxo hubeysan ay toogteen Guddoomiyihii degmada Huriwaa, dilalkan qorsheysan ayaa la aamisan yahay iney fulinayaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay dhowr jeer kooxaha ka danbeeya dilalka loo geysanayo mas’uuliyiinta sare iyo dadka wax galka ah haraadigii maxkamaddaha Islaamiga ee ku sugan Muqdisho.
 

ISha:Puna.()

aayatiin.net ama webmaster@aayatiin.net

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07

Växjö:Jaaliyada Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho 10.04.0700 oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii  sedexda maalin socda

Aarhus:Xaflad Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.

 

Aarhus:BAAQ TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07

Muqdisho:Diyaarad Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay damintiisa.09.marso.07

  Waraka Shalay iyo Maanta/hore: Muqdisho:Gudoomiyaha Degmada Howl wadaag oo ladilay kadib markii uu soo gutay Salaada Maqrib.01.06.07.ISha:ALp. Muqdisho:Madaxweynaha Soomaliya oo gaaray liibiya kuna sugan imika Magaalada Sirta.01.june.07  Muqdisho:Raysal wasaare Gedi oo ku soo laabtay Muqdisho. iyo Lacag dhan 8.5 milyan oo ku baxaysa shirka dib u heshiisiinta oo ay kala saxiixdeen UNDP iyo Gudiga dib uheshiisiinta qaran.01.june.07

Baydhabo: Madaxweyne C/lahi Yusuf oo ku celiyay Baarlamaanka KMG sharcigii ay horey u ansixiyeen ee ladagaalanka Argigixisada iyo Wasiirka Qorshaynta iyo  Maamulka G.banaadir oo si wada jir ah ula kulmay wafdi qaramada midoobay oo yimid Muqdisho.29.05.07

Nairobi: Raysal wasaaraha DKMG Soomaliya oo udhoofay Abuja si uu uga qayb galo caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Nayjeriya iyo Qaramada Midowday oo ka hadashay Xaalada soomaliya.28.05.07 

Boosaaso: Wafdi ka yimid Yaman oo ka soo degay Boosaaso halka Wafdi ganacsato reer Sacuudi ay ka dhoofeen Boosaaso iyo Wasiirka Maaliyada Puntland oo ka jawaabay su'aal ay ka weydiiyeen ganacsata Puntland arinta Heshiiska sucuudiga lala galay.28.05.07

Aarhus: Socdaalkii Xildhibaan C/Rsahid Ciro iyo kulan kiisii Jaaliyada Soomalida Denmark.18.05.07  New York: Maraykanka oo safiir u magacawday Soomaliya iyo Muqdisho:Taliyaha Booliska DKMG oo sheegay in ay nidaam diid yihiin kuwa qaska kawada Muqdisho.18.05.07

 Muqdisho:Xildhibaan Bare Hiirale oo wata Gaawaari  Gaashaaman  ayaa tagay Magaalad Baardheere xili ay isu diyaarinayaan Siyaasiyiin beeshiisa ah in ay qabtaan Jagadii laga qaaday ee Wasiirka Gaashaanndhiga DKMG.15.05.07 Muqdisho:Gudoomiyaha Degmada Heliwaa oo la dilay xalay.14.05.07 Muqdisho:Dekada Magaalada Kismaayo oo saakay bilwday shaqadii xili aysan jirin wax is afgarad guud oo la gaaray magaaladaas.14.05.07

 

 

                                           Kulaabo Boga Hore  
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net