| |
|
Muqdisho:Ciidamo
ka socda dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray
tuulada Halgan oo ka tirsan gobolka
Hiiraan kuwaasi oo wax ka qabanaya amni xumo halkaasi ku soo korortay
mudooyinkan danbe iyadoo xalay ay ka dhaceen deegaankaasi fal lagu
weeraray gaadiid ay saarnaayeen ciidamada Itoobiya.
Ciidamadan ayaa la wareegay sugida amaanka tuulada Halgan halkaasi oo
howlo baaris ah ay ka fulinayaan iyadoo sidoo kale ciidamadu ay ku
raad joogaan kooxo lagu tuhunsan yahay iney ka danbeeyaan falal amni
xumo oo ka jira tuuladda Halgan.
Dhinaca kale ciidamo ka tirsan dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ayaa
waxay xalay howlgalo baaris ah ka sameeyay tuulada halgan oo dhinaca
magaalada Baladweyne u jirta 70 Km, halkaasi oo ay ka haleen hub iyo
rasaas sharci daro ah.
Muqdisho:Magaalada
Kismaayo ee xarunta Jubada hoose ayaa waxaa ka dhacay Shalay bililiqo
ay geysteen maleeshiyaadka Magaalada gacanta ku haya.
Biliqadan ayaa waxaa loo geystay bakhaarada ganacsiga ee Magaalada
Kismaayo ,ayaa waxaa lasheegayaa in ay ka dhacday magaalada markii ay
ku soo laabteen maleeshiyaadkii ciidamada dawlada Soomaaliya ku
weeraray deegaanka Buula Guduud.
Dad goobjoog ahaa markii ay dhacday biliqadan ayaa waxa ay sheegeen in
ay arkayeen ,kooxaha magaalada gacanta ku haya oo dadka leh goobahaasi
ganacsiga ku amraya in ay furaan goobahooda oo la xiray ,markii
magaalada ay ku dagaalameen ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kooxo
horay ugu tirsanaan jiray ciidamada dawlada Soomaaliya.
Kooxaha haatan ku sugan magaalada kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in
ay amaanka wax ka qabanayaan ,balse ma muuqato wax natiijo ah oo laga
gaaray dhinaca amaanka ,magaaladana waxaa wali dhexmaraya maleeshiyaad
fara badan oo ka cabsi qaba dulaan uga yimaada ciidamadii DFKMGS.
Dhinaca kale warar aanu ka helayno degmada Afmadow ayaa waxa ay
sheegayaan in ay halkaasi ka soo ambabaxeen ciidamo ka tirsan dawlada
Soomaaliya,oo ka mid ahaa ciidamadii ka baxay deegaanka Buula-Guduud.
Ciidamadaasi ayaa lugu waramayaa in ay magaalada Kismaayo ujiraan 50
Km ,ayagoo ku sugan deegaanka Jani Cabdale.
Magaalada Kismaayo haatan kama jiraan,wax amaan ah waxaa magaalada ka
dhacaysa rasaas aan xadi laheyn ,waxaana lasheegayaa in aysan
magaaladu daganeyn ,inkastoo kooxo sheeganaya in ay ka tirsan yihiin
dawlada Soomaaliya.
Ciidamada
dawlada Soomaaliya ee maalintii doraad ka baxay saldhigyadoodii
Buula-Guduud ayaa waxa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan ,agaagarka
degmada Kismaayo.
Wariye Madax banaan oo ku sugan degmada Afmadow ayaa wuxuu sheegayaa
in ay halkaasi soo gaareen masuuliyiin iyo ciidamo uu horkacayo
gudoomiyaha gobalka Jubada hoose Ilyaas Badal Gaboose ayna xubno ka
yihiin Taliyaha guutada 1aad Col.C/risaaq Afguduud.
Warkan ayaa wuxuu sheegayaa in ay masuuliyiintan saakaba bilaabeen ,ka
wada hadlida arimaha ka socda Magaalada Kismaayo ee ay wadaan kooxo ay
ugu yeereen argagixisada caalamigaa.
Sarkaal ka tirsan ciidamada DKMGS oo ka warbixiyay dagaaladii ayaa
wuxuu sheegay in ay dagaaladaasi ay soo qaadeen ,kooxo doomo kaga soo
haajiray magaalooyinka Muqdisho iyo xeebaha Sh/hoose oo ka mid ah
haraadigii Maxkamadaha.
ISha:Puna.()
aayatiin.net
ama webmaster@aayatiin.net
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri
Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG
aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo
Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07
 Växjö:Jaaliyada
Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa
waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada
Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho
10.04.0700
oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii sedexda maalin socda
Aarhus:Xaflad
Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali
Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland
ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.
Aarhus:BAAQ
TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07
Muqdisho:Diyaarad
Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu
guulaystay damintiisa.09.marso.07
|
|
Waraka Shalay iyo Maanta/hore:
Muqdisho:Ciidamo
ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa
maanta gaaray tuulada Halgan,Magaalada Kismaayo
ee xarunta Jubada hoose ayaa waxaa ka
dhacay Bililliqo iyo
arimo amni xumo,iyadoo ay Gudoomiyaha Gobolka Ilyas Bedel iyo Col:C/rasaaq
afguduud ay joogaan meel u jirta 50Km Kismaayo.24.06.07
Muqdisho:Gudoomiyaha
Degmada Howl wadaag oo ladilay kadib markii uu soo gutay Salaada
Maqrib.01.06.07.ISha:ALp.
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya oo gaaray liibiya kuna sugan imika Magaalada Sirta.01.june.07
Muqdisho:Raysal
wasaare Gedi oo ku soo laabtay Muqdisho. iyo Lacag dhan 8.5 milyan oo
ku baxaysa shirka dib u heshiisiinta oo ay kala saxiixdeen UNDP iyo
Gudiga dib uheshiisiinta qaran.01.june.07
Baydhabo:
Madaxweyne C/lahi
Yusuf oo ku celiyay Baarlamaanka KMG sharcigii ay horey u ansixiyeen
ee ladagaalanka Argigixisada
iyo
Wasiirka Qorshaynta iyo Maamulka G.banaadir oo si wada
jir ah ula kulmay wafdi qaramada midoobay oo yimid Muqdisho.29.05.07
Nairobi:
Raysal wasaaraha
DKMG Soomaliya oo udhoofay Abuja si uu uga qayb galo caleemo saarka
madaxweynaha cusub ee Nayjeriya
iyo
Qaramada Midowday oo ka hadashay
Xaalada soomaliya.28.05.07
Boosaaso:
Wafdi ka yimid Yaman oo ka soo degay Boosaaso halka Wafdi ganacsato
reer Sacuudi ay ka dhoofeen Boosaaso iyo Wasiirka Maaliyada Puntland
oo ka jawaabay su'aal ay ka weydiiyeen ganacsata Puntland arinta
Heshiiska sucuudiga lala galay.28.05.07
Aarhus:
Socdaalkii Xildhibaan C/Rsahid Ciro iyo kulan kiisii Jaaliyada
Soomalida Denmark.18.05.07
New
York:
Maraykanka oo safiir u magacawday Soomaliya
iyo Muqdisho:Taliyaha
Booliska DKMG oo sheegay in ay nidaam diid yihiin kuwa qaska kawada
Muqdisho.18.05.07
Muqdisho:Xildhibaan
Bare Hiirale oo wata Gaawaari Gaashaaman ayaa tagay
Magaalad Baardheere xili ay isu diyaarinayaan Siyaasiyiin beeshiisa ah
in ay qabtaan Jagadii laga qaaday ee Wasiirka Gaashaanndhiga DKMG.15.05.07 Muqdisho:Gudoomiyaha
Degmada Heliwaa oo la dilay xalay.14.05.07
Muqdisho:Dekada
Magaalada Kismaayo oo saakay bilwday shaqadii xili aysan jirin wax is
afgarad guud oo la gaaray magaaladaas.14.05.07
|
|