|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport

 
 
 
  Booqashadii uu ku tegay Kuwait MDX. C/lahi Yusuf 03.maarso.2007
 
     
   

 

Boosaaso: Wafdi ka yimid Yaman oo ka soo degay Boosaaso halka Wafdi ganacsato reer Sacuudi ay ka dhoofeen Boosaaso iyo Wasiirka Maaliyada Puntland oo ka jawaabay su'aal ay ka weydiiyeen ganacsata Puntland arinta Heshiiska sucuudiga lala galay.

 Boosaaso:Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso waxaa ka soo dagey Wafdi ka socda dawlada Yemen waxaana soo dhaweeyey xubno ka tirsan Xukuumada Puntland Iyo baarlamaanka Puntland.

Wafdigan waxaa lugu sheegay ujeedkiisa sidii ay Puntland wada hadal ulaga yeelan lahaayeen dadka sida xawliga ku galaya Wadanka Yemen inta aysan gaarin qaarkood ku dhintaan xeebaha udhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen.

Wasiirka Maaliyada ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf ayaa wuxuu ka mid ah xubnihii xukuumada ka socdey ee wafdigan soo dhaweeyey wafdigan wuxuuna sheegay in wada hadalo ay wada yeelan doonaan wafdigan.

Dhinaca kale waxaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso Wafdi ka kala socda wadamada Sucuudi carabiya iyo imaaraatka Carabta waxaana intii ay joogeen Puntland ay lakulmeen madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cade Muuse).

Wasiirka Maaliyada dawlada gobaleedka Puntland Maxamed Cali Yuusuf oo wafdigaasi sii sagootiyey ayaa wuxuu Puno usheegay in wafdigan dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ahaa fulinta heshiis horay udhexmaray maamuladan.

Wafdigan waxa ay shalay ka qeybgaleen xaflad xariga looga jiray dhismaha xarunta baarista xoolaha caafimaadkooda gaar ahaan xoolaha ka dhoofaya dekeda Magaalada Boosaso.

Boosaaso:Wasiirka Maaliyada ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa wuxuu ka hadlay war ay dhawaan saxaafada kasheegeen qaar ka mid ah ganacsatada dawlada gobaleedka Puntland kuna aadana heshiis ay dawladu lagashey shirkad laga leeyahay Sucuudiga.


Wasiirka Maaliyada ayaa wuxuu ku tilmaamay hadalkaasi ganacsatada in uu yahay mid been abuur ah isla markaana aysan jirina wararka sheegaya in nin sucuudi ah gacanta loo galiyay xoolaha ka dhoofo Magaalada Boosaaso.

Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa wuxuu sheegay in dawlada Puntland heshiiska ay lagashay shirkada lugu magacaabo Al-jaabiri oo looga gol leeyahay in ay shirkadu xoolaha ay Puntland ka qaadanayso loo iibgeeyo wadamo badan oo carbeed islamarkaana labalaariyo ganacsiga xoolaha Puntland.

Gaagaab wuxuu kaloo beeniyay in shirkadan ay doonayso in xoolaha Puntland ay ku qaadato qeymo ka hooseeya kii hore wuxuuna sheegay in qeymuhu yahay wax lugu heshiiyey ganacsatada Puntland lacagahooda ku aadan xoolahooda lugu siidoono Magaalada Boosaaso.

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay qaar ka mid ah gacansatada oo saxaafada lahadlay warka soo yeeray uu yahay kuwo laga leeyahay dano gaar,isagoo sheegay in loo baahan yahay in ka waantoobaan waxyaabaha ay wadaan.

Wasiirka Maaliyada dawlada gobaleed Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa wuxuu intaas raaciyey in heshiiskii dhexmaray Maamulka Puntland iyo Shirkada Al-jaabiri in dhawaan lafulin doono.

Ganacsatada dawlada gobaleedka Puntland qaar ka mid ah ayaa waxa ay ka soo horjeesteen qorshe Xukuumada Puntland heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay wadanka Sucuudiga.


 

ISha:Puna.()

aayatiin.net ama webmaster@aayatiin.net

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07

Växjö:Jaaliyada Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho 10.04.0700 oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii  sedexda maalin socda

Aarhus:Xaflad Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.

 

Aarhus:BAAQ TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07

Muqdisho:Diyaarad Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay damintiisa.09.marso.07

  Waraka Shalay iyo Maanta/hore:

Boosaaso: Wafdi ka yimid Yaman oo ka soo degay Boosaaso halka Wafdi ganacsato reer Sacuudi ay ka dhoofeen Boosaaso iyo Wasiirka Maaliyada Puntland oo ka jawaabay su'aal ay ka weydiiyeen ganacsata Puntland arinta Heshiiska sucuudiga lala galay.28.05.07

Aarhus: Socdaalkii Xildhibaan C/Rsahid Ciro iyo kulan kiisii Jaaliyada Soomalida Denmark.18.05.07  New York: Maraykanka oo safiir u magacawday Soomaliya iyo Muqdisho:Taliyaha Booliska DKMG oo sheegay in ay nidaam diid yihiin kuwa qaska kawada Muqdisho.18.05.07

 Muqdisho:Xildhibaan Bare Hiirale oo wata Gaawaari  Gaashaaman  ayaa tagay Magaalad Baardheere xili ay isu diyaarinayaan Siyaasiyiin beeshiisa ah in ay qabtaan Jagadii laga qaaday ee Wasiirka Gaashaanndhiga DKMG.15.05.07 Muqdisho:Gudoomiyaha Degmada Heliwaa oo la dilay xalay.14.05.07 Muqdisho:Dekada Magaalada Kismaayo oo saakay bilwday shaqadii xili aysan jirin wax is afgarad guud oo la gaaray magaaladaas.14.05.07

 

 

                                           Kulaabo Boga Hore  
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net