| |
|
Baydhabo:
Madaxweyne C/lahi Yusuf oo ku celiyay
Baarlamaanka KMG sharcigii ay horey u ansixiyeen ee ladagaalanka
Argigixisada iyoWasiirka Qorshaynta iyo Maamulka G.banaadir oo
si wada jir ah ula kulmay wafdi qaramada midoobay oo yimid Muqdisho.
Baydhabo:Sida
uu saxaafada Soomaalida usheegay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee
Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore Madaxweynaha dawlada
Soomaaliya MD.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa baarlamaanka Soomaaliya wuxuu
ku soo celiyey sharciga ladagaalanka argagixisada oo horay
baarlamaanku u ansixiyey.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in qoraal uu gudoonka baarlamaanku ka
helay Madaxtooyada Soomaaliya lugu sheegay in dib loogu laabto
qodobada sharciga ladagaalanka argagixisada caalamigaa.
Cismaan Cilmi Boqore wuxuu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliya lala sugayo arimaha sharcigan uusheegay in horay
baarlamaanka Soomaaliya ay dhexdiisa ku dhexmartay dood dheer ka dibna
cod aqlabiyad leh lugu meel mariyey.
Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna ka
hadlay in madaxweynuhu awood uleeyahay soo celinta sharci baarlamaanku
ansixiyo wuxuuna sheegay in awood madaxweynaha wadanka uleeyahay soo
celinta sharciga hadii uuyahay mid aan dan u aheyn shacabka
Soomaaliyeed.
Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya qoraalka uu ka helay Madaxweynaha
dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay ka danbaysay ka dib markii lageeyey
sida wararku sheegayaan xaafiiska madaxweynaha Sharciga ladagaalanka
Argagixisada caalamigaa.
Horay golaha Baarlamaanka ayaa waxa ay u ansixiyeen sharciga
ladagaalanka Argagixisada oo ay baarlamaanka soo hordhigtay xukuumada
raysal wasaare Cali Maxamed Geedi.
Waa Sharcigii ugu horeeyey uu Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Md.C/laahi
Yuusuf Axmed ku soo celiyo baarlamaanka KMGS ee Soomaaliya.
Muqdisho:Wafdi
ka socda hey’addaha qaramada Midoobay ee dhinaca gargaarka ayaa maanta
soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana wafdigan hoggaaminaya madaxa
xafiiska arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Philipe
Lazeroni iyo xubno kale.
Wafdigan soo
gaaray maanta magaalada Muqdisho ayaa waxay kulamo looga hadlayey
arimaha gargaarka waxay hotelka Paradise kula yeesheen maamulka
gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayey Maxamed Dheere iyo wasiirka
qorsheynta iyo tiro koobka Cali Cabdullaahi Cosoble iyo xubno kale
iyagoo si weyn ugu hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen
hey’addaha qaramada Midoobay gargaarka bini’aadanimo ee la gaarsiinayo
shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Dheere oo kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhoweeyay howlaha
bini’aadanimo ee hey’addaha Qaramada Midoobay ka wadaan dalka
Soomaaliya, isagoo dhinaca kale ka codsaday in maamulka gobolka
Banaadir laga taageero dib u dhiska iyo nadaafada gobolka Banaadir.
Wasiirka qorsheynta iyo tiro koobka dowladda Federaalka KMG ah ee
Soomaaliya Cali Cabdullaahi Cosoble oo kulankaasi ka hadlay ayaa ugu
mahad celiyay wafdiga Qaramada Midoobay socdaalka ay ku yimaadeen
Muqdisho.
Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in hey’addaha Samafalka ee
Q.Midoobay ay ku shaqeeyaan magaalooyin ka halis badan Muqdisho,
wuxuuna ugu baaqay hey’addaha Qaramada Midoobay in ay ka howlgalaan
magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka.
Madaxa wafdigan Philipe Lazeroni ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda
ee Muqdisho uu yahay sidii ay u ogaan lahaayeen baahida iyo dhibaatada
dadka Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyay in ay diyaar u yihiin in ay
caawiyaan dadkaasi, wuxuuna sheegay in mudo labo maalmood ay ku
sugnaan doonaan magaalada Muqdisho, waxayna kulamo ay la yeelan
doonaan mudada ay joogaan Madaxda sare ee dowladda.
ISha:Puna.()
aayatiin.net
ama webmaster@aayatiin.net
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri
Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG
aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo
Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07
 Växjö:Jaaliyada
Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa
waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada
Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho
10.04.0700
oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii sedexda maalin socda
Aarhus:Xaflad
Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali
Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland
ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.
Aarhus:BAAQ
TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07
Muqdisho:Diyaarad
Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu
guulaystay damintiisa.09.marso.07
|
|
Waraka Shalay iyo Maanta/hore:
Baydhabo:
Madaxweyne C/lahi
Yusuf oo ku celiyay Baarlamaanka KMG sharcigii ay horey u ansixiyeen
ee ladagaalanka Argigixisada
iyo
Wasiirka Qorshaynta iyo Maamulka G.banaadir oo si wada
jir ah ula kulmay wafdi qaramada midoobay oo yimid Muqdisho.29.05.07
Nairobi:
Raysal wasaaraha
DKMG Soomaliya oo udhoofay Abuja si uu uga qayb galo caleemo saarka
madaxweynaha cusub ee Nayjeriya
iyo
Qaramada Midowday oo ka hadashay
Xaalada soomaliya.28.05.07
Boosaaso:
Wafdi ka yimid Yaman oo ka soo degay Boosaaso halka Wafdi ganacsato
reer Sacuudi ay ka dhoofeen Boosaaso iyo Wasiirka Maaliyada Puntland
oo ka jawaabay su'aal ay ka weydiiyeen ganacsata Puntland arinta
Heshiiska sucuudiga lala galay.28.05.07
Aarhus:
Socdaalkii Xildhibaan C/Rsahid Ciro iyo kulan kiisii Jaaliyada
Soomalida Denmark.18.05.07
New
York:
Maraykanka oo safiir u magacawday Soomaliya
iyo Muqdisho:Taliyaha
Booliska DKMG oo sheegay in ay nidaam diid yihiin kuwa qaska kawada
Muqdisho.18.05.07
Muqdisho:Xildhibaan
Bare Hiirale oo wata Gaawaari Gaashaaman ayaa tagay
Magaalad Baardheere xili ay isu diyaarinayaan Siyaasiyiin beeshiisa ah
in ay qabtaan Jagadii laga qaaday ee Wasiirka Gaashaanndhiga DKMG.15.05.07 Muqdisho:Gudoomiyaha
Degmada Heliwaa oo la dilay xalay.14.05.07
Muqdisho:Dekada
Magaalada Kismaayo oo saakay bilwday shaqadii xili aysan jirin wax is
afgarad guud oo la gaaray magaaladaas.14.05.07
|
|