|
Musharaxa u tartamaya
Jagada Madaxweyne nimmo ee DG-Puntland Dr: Aadam M: Ciise ayaa
waxaa uu socdaal ku marayaa wadamo badan oo yurub kuyaal. si uu
ugu soo bandhgayo Qorshihiisa Siyaasadeed ee uu doonayo in uu wax kaga
qabto DG-Puntland, Dr: Aadan Ciise Ayaa waxaa uu soo maray wadamada
Sweden(Stokholm) iyo Denmark magaalooyinka Aarhus iyo Kobenhagen,.

Musharaxa
Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu si hufan u qeexay waxa uu rabo in uu
qabto isagoo tilmaamay in ay tahay waqtigaan xiliggii lakeeni
lahaa maskaxdii bad baadin lahayd Puntland oo imika ku sugun xaalad ka
duwan Taariikhdii ay soo martay Puntland.

waxaa uu tilmaamay in
uu wax ka qaban doono Amniga, Dhaqaalaha, Waxbarashada, islamarkaana uu
xoogin doono Nabada iyo sidii loo wada heli lahaa nabad Gobolka oo idil.
waxaa uu sheeagay in siyaasadiisa Puntland ay tahay mid midayn doonta
umadda reer puntland isla markaana usamayn doonta asxaab badan oo jecel
dadkiisa.
Dr: Aadan Ciise ayaa
waxaa aad u xiisaynayay dadbadan oo markii hore shaki ka qabay kahor
inta aysan imaan madasha shirka in uu ka bixi karo jagadaas, balse
markii ay yimaadeen madasha oo ay weydiiyeen su'aalaha ay qabeen.
kadibna uu uga jawaabay Musharaxa Dr: Aadan Ciise, waxaa markiiba aad
maqli karaysay dadkoo aad ula dhacay in ay ku qanceen islamarkaana uu
yahay nin buuxin kara jagadaas.
Dr.Aadan ayaa waxaa
taageeray dhamaan jaaliyadii timid shirkaas Magaalada Aarhus Denmark,
taageerayaasha Dr:Aadan Ciise ayaa horay u ahaa taageerayaashii Mdx.C/lahi
Yusuf , Mdx.Cade , Xildhibaan Jaamac Cali jaamac iyo waliba
Culumadda Puntland. waxaa kaloo taageero badan muujiyay Haweenka oo
iyagu codsaday in loo duubo qudbadii Musharaxa Jagada Madaxweyne ee
DG-Puntland Dr: Aadan M. Ciise.
Aadan M. Ciise ma uusan joogin mudo
badan Denmark waxaa kaliya uu joogay wax kayar 24 saacadood
hayeeshee waxaa uu kasbadan taageerayaal badan la garab taagan in uu
jagadaas ka qabto Puntland. haddii maanta ay ahaan lahayd doorashada
waxaa soo bixi lahaa Dr: Aadan M. Ciise.
Dr: Aadan ciise waxaa uu ku sii jeedaa
wadamada Finland, UK. iyo Waqooyiga Ameerika, waxaase laga yaabaa in uu
tago wadamo kale oo carbeed kahor inta uusan tagin Puntland-Soomaliya.
lasoco wixii kasoo kordha socdaalna
Musharaxa MDX-Puntland
WD:Abdulmalik M
Farah
Abdulmalik@aayatiin.net
ISha:Puna.()
aayatiin.net
ama webmaster@aayatiin.net
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad
cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo
Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07
 Växjö:Jaaliyada
Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa
waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada
Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho
10.04.0700
oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii sedexda maalin socda
Aarhus:Xaflad
Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali
Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland
ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.
Aarhus:BAAQ
TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07
Muqdisho:Diyaarad
Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay
damintiisa.09.marso.07 |