|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
  d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
   
   
   
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

   
   
   
  Booqashadii uu ku tegay Kuwait MDX. C/lahi Yusuf 03.maarso.2007
 
  Xildhibaan C/rashiid Ciro
   
     
   

 

*Xiliyadii adkaa ee ay Soo maray dadka Ogaadeeniya iyo halgankoodu*

Si aan u ifinno waxyaalaha ay ONLF  ka suura galisay caalamka iyo dadka
Soomaaliyeedba waxaan lama huraan ah in aan dib umilicsanno taarikhdii
madoobayd ee umaddu soo martay  iyo mushkiladihii faraha badnaa ee sababta
unoqday in dhulka Ogaadeenya uu ku dhowaado mid duudsi ah.

Qarnigii 20 aad horaantiisii markii halgankii daraawiishta ee dagaalka adag
kula jiray gumaystayaashii Ingirirrska,Talyaaniga iyo Itoobiyaba ayaa markii
lajabiyay dhaqdhaqaaqaas wadaniga ahaa 1920 kii,waxa ay Ingiriiska iyo
Talyaanigu xoogga saareen in la baabi'iyo qabiilkii uu kasoo jeeday
Sayidku,waxaana si adag loo hubeeyay qabaa'iladii kale  oo dhan oo ay ugu
horeeyaan kuwii Waqooyi Galbeed iyo kuwii Waqooyi bari oo ay kuyaaleen
xarumihii gumaystayaashu,mida kale waxaa iyaguna hawlgalka dabar-goynta wax
 ka waday oo dhinaca Galbeedka iyo Waqooyi Galbeedba laga soo hawl galiyay
Ciidamdii Itoobiyaanka oo xulufo la ahaa gumaystayaashii reer
Yurub,balan-qaadna ka haystay Ingiriiska in uuku wareejin doono dhulka
Ogaadeenya.

Xiligaas  oo dadka Ogaadeenya ay uyaqaaneen *Dagaalkii Rayadka* ayaa waxaa
dadkii loo gumaaday si aan kala qaad lahayd da' walba oo ruuxu yahay,waxaa
qorshayaasha qabaa'ilada lagu hawl galiyay kamid ahaa in aan la dhaafin
ruuxna da' kasta oo yahay, in aan loo daynin wax xoolo ah nooc walba oo ay
yihiin iyo in aan looga tagin xataa wax weel ah,Waxaa dabargoyntaas
qabiiladii waday halkudhag u ahaa (*Habari waa dad,Dabool waa weel*)
macneheeduna yahay Habartu waa dad e waa in ladilo,daboolkuna waa weel wax
lagu qabsan karo e waa in la duleeliyo amaba la jajabiyo,waxaa kale oo
Ingiriisku dadka usheegay in aan dadkaas fiigooda laga hadhin illaa uu
wabigu soo celiyo.

Dadkii way xoolo beeleen oo gaal iyo muslimba way iska
kaashadeen,noloshoodiina waxay noqotay dabato,meel ay ciirsdaan way
waayeen,kadib is abaabul dambe iyo qabsashadii Talyaaniga ee qaybihii uu
Ingiriisku ka talinayay dhulka Soomalida ayaa dadku waxa ay heleen waxoogaa
hub ah oo u suurt galiyay in ay dib uqabsadaan dhulkoodii.

Hadaba mrkii lasoo gaadhay xorowgii labadii gobol ee Soomalida 1960 kii
waxaa jirty rajo ah in dhulka Soomaliyeed ee ku maqan Itoobiya dib loo soo
dhicin doono,inkasta oo dadaallo badan ay sameeyeen xukuumdihii Soomaliyeed
ee kala dambeeyay hadana marna kuma ayna go'aan qaadanin waaqica dhabta ah
ee dhulkaas lagu hanan karay,dagaalkii 1977 kii iyadoo magaca aduunka laga
gadayay ee Soomaali Galbeed uu ahaa mid aan cuntmaynin,dawladdi Soomaaliyeed
markii ay wadamada Carabta,Shiinaha iyo kuwo kale oo badan ay taageero
waydiisanaysay waxaa qasab ku noqonaysay in ay sheegto magaca Ogaadeenya si
loola fahmo meesha wax loo doonayo,markii Soomaalida ay tahayna waxaa la
adeegsanayay Soomaali Galbeed,Dad badan oo jabhadda kamid ahaa iyadoo aan
dagaalka lagu fashilmin ayay sii saadaalinayeen cawaaqibka ka dhalan doona
talaabooyinkan ay qaadayso Soomaaliya,iyadoo jabhddu ay haysato dhamaan
degmooyinka iyo tuulooyinka wadanka ayaa Soomaliya waxa ay bilawday in
jabhaddii ay lambariso,macnaha in lambarkii miltariga Soomaaliya in ay
siiso,mushaarna loo ballan qaado,mar haday yihiin mutadhawiciin dhulkoodii
ka maqan yahay arintaas naftood hurayaashu dhamaantood way diiddeen,waxayna
usheegeen in ayna ahayn miltariga Soomaliya.

Kadib waxaaba si toos ah dagaalka usoo galay Ciidankii xoogga dalka
Soomaaliyeed oo astaamihii lagu yaqaanay oo dhan wata,si kasta oo dhul badan
loo qabsaday , Axmaaro badanna la laayay sida uu xaal ku dambeeyay ninna
looga sheekayn mahayo,oo xataa ciidamadii Soomaaliya waxa ay kaxaysan
waayeen baabuurtii shidaalka goostay oo intay Axmaaradii utimid shidaal ku
shubatay oo kusii eryatay,Mar hadii hawlgalkii fashilmay Soomaaliya waxa ay
xoogga saartay in dhamaan wixii jabhadda ahaa laga dhigo milatarigii
Soomaaliya,iyagoo reerohoodiina ay kujiraan xoro qaxooti.

Hadaba dadkii Ogaadeenya waxaa soo food saartay niyadjab xoog leh iyo
quusasho,isla markaana ay ceeb noqotay shakhsigu in uu sheego halka
dhulkiisu yahay amaba ay yax-yax noqotay in lahjadiisa uu si toos h ugu
hadlo, waxayna Ogaadeen in isku halaynta Soomaliya ay tahay lugooyo aan
hurumar lahayn,waxaa markaas la aas-aasay ONLF oo mar hadii la arkay
taageerada cid kale meesha ay gaadhsiisan tahay halkudhag ka dhigatay (*Mintid
iyo Iskutashi*) iyo in aan dib dambe la isugu halaynin cidna,waxaana
markiiba si hoose ubilawday abaabul adag oo dadka loo carbinayo halganka.

Sidaas daraadeed waxyaalaha ay xoogga saartay jabhaddu waxaa kmid ahaa:-

* 1*-La Dagaalanka cadawgu halkiisa ka joogee in horta la cadeeyo,waxa la
raadinayo,sida lagu raadinayo iyo cidda laga raadinayaba.

*2*-In Ogaadeenya duruufteeda ugoonida ah la daraaseeyo waddadeedana
lamaro,isla markaana laka qeexo  wadaagga isirka Soomaaliga ah  iyo kala
duwanidida dhulalka.

*3**-*In Sumadda dhulkaasi uu leeyahay ee gumaystaashu ay ubixiyeen,sida
kuwa kaleba ay iyagu ugu aqoonsadeen banaanka lasoo dhigo isagaana lagu
baadi goobo dhulka maqan.

*4*-In aad looga foogado in sawirka halganku noqdo mid Khilaaf xuduudeed,oo
ah labadii dabin ee ay horay ugu dheheen labdii halgan ee 1963kii iyo 1977
kii.

*5-*In Jiilasha dhalan doona loo sii xaadho waddo cad oo ay uqaadi karaan ka
midho dhalinta halgankooda.

Arimahaas oo dhan fulintoodu waxay ubaahdeen wakhti-siin iyo samir
kufilan,waxaase ilaahay mahddii  usoo baxay naftood huryaal bulshada ku
carbiyay halgan daba dheer oo aan ladhawaysanin gaadhitaanka yoolkiisa
dhabta ah.

Hadaba laga soo bilaabo aas-aaskii Jabhadda 15 August 1984 illaa maanta oo
ay ONLF kusii socota 24 jirsashadeedii ayaa waxaa soo maray marxaldo kala
duwan,sida :-

FXiligii qarsoodiga uu halganku ka ahaa Soomaaliya iyo Itoobiyaba,

FXilli uu jiray jaartarkii kala guurku oo bulshadu higsanaysay in
himiladeeda ay ku gaadho hanaan siyaasadeed oo nabadgalyo ah, bulshaduna
ahayd qaar  abaaro naafeeyeen iyo qaar kusoo naafoobay dagaalkii sokeeye ee
Soomaaliya.

FXilli ay jabhaddu dagaal ubaxday iyadoo aad u awood daran,dadkuna liqi
la'yahiin qaabka dagaalka ay  jabhaddu gashay.

FIyo Marxalad uu halganku tubta cagta saaray dhan siyaasadeed iyo mucaskarna
uu awoodaystay oo ay Itoobiya iyo caalamkuba qarin waayeen  awoodda
jabhadda.

Sidaas daraadeed waxaa oo dhan waxay jabhaddu kusoo jiidhay kani adayg iyo
samir iyo xubnaha halganka wada oo aan midho dhalka halganka
dhawaysanin,dadkana usheegin wax dhow oo mar dhow lagaadhi doono.

Hadaan marka hoosta ka xariiqno halgankan 24 jirsaday maxaa guulo ah uu
gaadhay dhan walba,halkee buuse maanta taagan yahay,oo ah ujeedada kaliya ee
aan qormadan ugu hinqaday ayaa Waxaan dhihi karaa waxyaabaha lagu dhaadan
karo ee jabhadda uqabsoomay  waxaa kamid ah :-

FJabhaddu waxa ay bayaamisay in dagaalka socdaayi uu yahay mid udhexeeya
gumayte iyo lagumayte ee uusan ahayn meel ay  isku  haystaan laba wadan oo
daris  ahi.

FWaxa ay suurta galisay in halganku yimaado saaxada caalamka,isla markaana
isku meel lagu qoro wadamada lagumaysto iyo dadyowga xornimo doonka ah ee
caalamka.

FWaxa ay suurta galisay in Soomaliyadii la tuhunsanaa in ay halganka dabada
ka waddo oo lafteediiay kujirto gacanta Itoobiya uu halganku gaadhay heerkii
ugu sareeyay,oo cadwgu loodin waayo cududda ciidanka Wadaniga Xoraynta
Ogaadenya.

FSoomalidii  oo qirtay guulaha halganku gaadhay isla markaana dhulka ugu
yeedhay magicii lagu garan lahaa ee dhabta ahaa.

FJiilal badan oo ku anqaray xoraynta dhulka Ogaadenya isla markaana ku
talaabsaday tircinta siyaasadda hufan ee halganka.

Isku soo wada duuboo waxaan maanta rajo laga qabin in dib dambe uu halganku
u marin habaabo,xili kasta oo uu qaato iyo  qof kasta oo ka qayb qaata
halgankana uu mari doono  kanaal aan laga leexan karin.


 

ISha:Puna.()

aayatiin.net ama webmaster@aayatiin.net

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07

Växjö:Jaaliyada Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho 10.04.0700 oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii  sedexda maalin socda

Aarhus:Xaflad Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.

 

Aarhus:BAAQ TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07

Muqdisho:Diyaarad Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay damintiisa.09.marso.07

  Waraka Shalay iyo Maanta/hore:      
 
                                           Kulaabo Boga Hore  
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net