|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
  d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
   
   
   
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

   
   
   
  Booqashadii uu ku tegay Kuwait MDX. C/lahi Yusuf 03.maarso.2007
 
  Xildhibaan C/rashiid Ciro
   
     
   

 

*Dagaalka Ogaadeenya kasocda waxa uu difaac uyahay masaajidada Soomaaliya*

Itoobiya oo ah waddan guun ah isla markaana caan ku ah diinta masiixiga
waliba madhabka xagjirka ah ee
*Orthodox*<http://www.google.co.za/search?hl=

en&sa=X&oi=spell&resnum=0&ct=result&cd=1&q=Orthodox&spell=1>
 ka
ayaa waxay waligeed loolan xoog leh kula jirtay muslimiinta Afrkikada
Bari,iyadoo hamigeedu ahaa in Asmara illaa bad-waynta Hindiya ee ay
Muqdishokufadhido gacanta ku dhigto oo ay ka dhigto meel masiixiyaddu udbaha
dhigatay.

Sidaas daraadeed iyadoo garab istaag xoog leh ka haysatay wadamada reer
Galbeedka,ayaa waxay xoogga saartay siday gacanta ugu dhigi lahayd Geeska
Afrika,waxayna ugu horaynba gacanta ku dhigtay dadka Oromada ah oo 90 %
ahaan jiray muslim,iyadoo masiixiyaddii ugu dhex talaashay si ba'an,taasoo
keentay in Oromadii kudhwaad 30 %kadhigtay masiixiyiin,muslinkii Oromada
ahaa ee soo hadhayna uu noqday mid aan awood badan ulahayn barashada iyo
adkaynta diinta muslimka.

Talaabadii labaad waxa ay noqotay Soomaalida, waxayna gacanta kudhigeen
caasimaddii muslimka ee Harar 1884 kii,waxayna hoos uga sii dagtay dhulka
buuralayda sare ah ilaa uu Ingiriisku ugacangaliyay dhulka Ogaadeenya 1948
kii iyo 1954 kii.

Hadaba inkasta oo Ogaadeenya gacanta lagu dhigay ma suurta galin  in sidii
Oromda gacantalahanto,waxayna dadka Ogaadeenya qaadeen irdho aad uwayn oo ah
in duulaan lagu yahay diintooda,waxayna taagtooda ku dadaaleen in Diinta
masiixigu ayna noqonin in bulshada dhex gasha,taasi si ay usuurta gashana
waxay culimadii iyo hogaamintii bulshadu xoogga saareen sidii mar walba loo
xoojin lahaa irdhada udhexaysa Itoobiyaanka iyo dadka Ogaadeenya,waxaa la
mamnuucay in iskuuladooda lagalo,taas baladkeedna waxaa aad loo xoojiyay
barashada quraanka iyo diinta muslinka,ninkii ilmo uu dhalay kudara iskuulka
Itoobiyaanka waxaa laga aamini jiray n in ilmihiisii gaaleeyay,arintaasi
waxay si wayn uhor istaagtay in macaamil iyo isfhan uu dhex maro labada
dhinac,waxyaalaha ay cunaan Itoobiyaanku oo dhan ayaa waxaa bulshada looga
dhigay in ay yihiin kuwo xaaraan ah oo asalkoodu wax xaaraan ah kayimid,iska
daa cunitaane ninkii taabtaana lagaadhsiiyay xad fog,gayaankana warkiiba
daa.

Xukuumdihii kala duwanaa si ay dadku usoo dhawaadaan talaabo kasta way
uqaadeen,mar waa la sasabay oo duqaydoodii lawada bokhray,dadkiina siyaabo
kala duwan loo soo jiitay,taas markii ay kusoo dhawaan waayeen waxaa hadana
lagu dayay layn iyo gumaad baahsan oo larabay dadku in a y noqdaan in
dhimata iyo  in ogolaata gacanta dawladda,taasna midho badan lagama
guranin,dadku waxa ay ahaayeen xoolo dhaqato,siiba waxay ubadnaayeen
Geelleey,sidaas daraadeed,waxay miciin bideen geelooda iyo ayda,cidii
halkaas ugu timaadana awooddii ay dooniba ha lahaatee way la dagaalameen.

Bulshadii waxa ay noqty mid laga quustay,waxyna gaadhay heer ay labadii ruux
ee isku xanaaqa ay isku caayaan (*Axmaar,Axmaar dhalay*)taasoo aad ka garan
karto heerka fogaanshuhu gaadhay,intaas oo dhan majirin cid qaadatay diinta
Masiixiga,marka laga reebo dhowr ruux oo ay qasab ku qafaasheen oo ay
geeyeen Galbeedka Itoobiya oo ay wakhti aad ubdan hayeen isla markaana ay
wax walba ka badaleen,ilaa iyo mantadan lajoogana majirto reero gaaloobay
ama dad badan oo gaaloobay,waxayna taasi kutimid adkaysiga iyo caqiidada
adag ee dadka Soomaalida Ogaadeenya.

Hadaba  in badan oo Soomaalidii xorta ahaan jirtay kamid ah ayaa marka  ay
cabirayaan fikirkooda ku aaddan dadka Soomaalida Ogaadeenya waxa ay ku
sifeeyan in dadkaas yihiin dad duur-joog ah oo aan lacarbin karin ee
dawladda Itoobiya ay la noolaan karaan,. kana heli kraan saamigooda
xuquuqeed,halka dadka Ogaadeenya qaar kamid ahina ay aaminsan yihiin in
hadii dadkaOgaadeenya ayna meeshaas daganaadeen,amaba ayna dagaal ku wadeen
Itoobiyaanka ay masaajidada kuyaalla Muqdisho,Kismaanyo,Boosaaso iyo
Hargaysba ay noqon lahaayeen kaniisado.

Taas waxaa daliilkeeda ah Soomlidii Xorta ahayd waxa ay Itoobiy is arkeen
burburkii Soomaliya 1991 kii,waxayna dadku ad ugu qexeen Itoob iya,hase
ahaatee dadkii Soomaalida Ogaadeenya ahaa ee meesha sii daganaaye  iska
daaye waxaa aad uyaabay dadkii Itoobiyaanka ahaa oo aamini waayay in dadka
siday udabacsani ay yihiin dadkii Soomaalida ahaa,waayo waxay malaynayeen
mar hadii Soomaalidii sii daganayd iyo kuwan soo qaxayba ay Soomaali wada
yihiin in dhaqanka adag ay  iskaga mid ahaanayaan,waxaa wakhti yar lagu
arkay Addis Ababa Soomaali badan oo kaniisadaha kujirta,kuwo badan oo qaba
naago Itoobiyaan ah iyo gabdho Soomaali ah oo ay qabaan rag Itoobiyaan
ahi,kadib waxa ay Itoobiyaankii bilaabeen in ay dadkii Soomaalida ahaa ee
daganaa magaalada Addis Ababa iyo meelo kale ka qaadaan baad, oo ay qasb
kaga dhigaan in ruuxii xawaaladda lacag kasoo qaataaba in uu gunno siiyo mid
Itoobiyan ah oo ay daris yihiin,waxaa la arki jiray Itoobiyaan badan oo
bisha aakhirkeeda xawaaladaha agohooda fadhiya oo ninba kiisii
sugayo,talaabadaasi xataa waxay Saabatay dadkii Soomalida Ogaadeenya ilaa
waagii dambe ay dadkii Ogaadeenya ee daganaa Addis Ababa dileen Itoobaan
badan,taasoo soo afjartay in dib dambe  cid Soomaali ah lagu qashqashaado
Addis Ababa.

Aad uma wayna Irdhada dhex taala Soomalidii Xorta ahaan jirtay iyo
Itoobiyaanku markaad fiiriso sida loogala dhaqmayo Somaliland iyo
Puntland,Muqdhishna inkasta oo dagaal lagaga wado hadana waxay dad badani
sheegeen in aroosyo fara badan oo Itoobiyaan ah manshaxaradooda laga maqlo
mgaalada iyo siyaabaha maalmaha mudnaanta uleh Itoobiyaanka looga xusay
Muqdisho iyo Hargaysa.

Soomalida oo dhan waxa ay xidhiidh lasamaysteen Itoobiyaanka iygoo aan
luuqad aqoonin,dhaqan aqoonin isla markaana aan fahmi karin
dhagartooda,hadaba qaabka hab-dhaqanka Soomaaligu ufalceliyo  hadii ay dadka
Ogaadeenya yeeli lhaayeen mjireen magaca Soomaaleed,taasoo ah,mar hadii
Itoobiyaankii tartan loo galay oo waliba loo mijin qabtay dadkii
Ogaadeenya,waxay fal-celinta Soomaligu noqon lahayn in dadka Ogaadeenya ay
noqdaan Itoobiyaan rasmi ah oo iskaba ilooba afka Soomaaliga iyo isirkaba oo
markaas iygoo Af-Axmaari ku hadlaya qabsadaan dhulka Soomliyeed oo
dhan,taasoo diin iyo dalba faraha ka bixin lahayd,lakiin taas waxay ka door
bideen in ay ku mintidaan diintooda iyo jiritaankooda,marnana ayna
unuglaanin cadwga,indhahana ka laabtaan Soomaalida habowsan ee Itoobiyaanka
magansaday.

*Lasoco qaybta labaad*


Mukhtaar Gundid" <gundid@gmail.com>

ISha:Puna.()

aayatiin.net ama webmaster@aayatiin.net

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07

Växjö:Jaaliyada Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho 10.04.0700 oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii  sedexda maalin socda

Aarhus:Xaflad Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.

 

Aarhus:BAAQ TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07

Muqdisho:Diyaarad Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay damintiisa.09.marso.07

  Waraka Shalay iyo Maanta/hore:      
 
                                           Kulaabo Boga Hore  
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net