|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
  d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
   
   
   
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

   
   
   
  Booqashadii uu ku tegay Kuwait MDX. C/lahi Yusuf 03.maarso.2007
 
  Xildhibaan C/rashiid Ciro
   
     
   

 

 Somaalidii South Afrika Dukaamadii Horana way la mashaqaysan yihiin kuwo kalena way furayaan.

Soomaalida kunool Koonfur Afrika waxa ay yihiin qaxootiyada ugu badan ee
wadanka jooga,hadana marka la fiiriyo isku xidhnaan la'aantooda iyo ninba
gees u orodkiisa waxaad moodaa nooca ay wadanka kujoogaan in uu yahay qaab
aan qorshaysnayn,nolosha wadankanina waxaa kaliya oo lagu wajihi karaa nooc
isgarabsi iyo istaakulayn ah,ninkii kaligii isku daya in uu noolaado ama
ganacsadana waxaa hubaal ah in uusan ka baxaynin kacaakuf.

Shakhsiga Soomaaliga ahi markii uu wadanka yimaado waxa uu helaa fursad ayna
helin dadka kale ee qaxootiga ahi,oo waxa uu ushaqeeyaa nin Soomaali ah oo
aan raashinkiisa iyo fasixiisa tooda xisaabinaynin,dhowr bilood marka uu
lashaqeeyo ayaa waxa uu ka madax taagaa shaqaalanimadii oo waxa uu uhanqal
taagaa in uu noqdo mulkiile (Boss) sidaas daraadeed ayaa waxaa laga yaabaa
in uu kazoo jeedsato dukaan wax yar dhaama shaqaalanimadii.

Hadaba dhibaatada ugu ubadan ee Soomaalida haysata waxa ay tahay ninku marka
uu dukaan furto isagoo kaligii ah ee uu helo faa'iido yar oo reerkoodii uga
tuuri karo dhadhamo yar ayaa waxa uu uhanqal taagaa in uu furo dukaan
kale,shaqada dukaamadu waa shaqo aad u adag oo aan ka duwanayn lo' ladaab
ah,marka ruuxna xoogiisa,kanshihiisa iyo fikirkiisu kama badnaan karo hal
dukaan,marka meesha loo baahnaa in ninku xoogga isugu geeyo sidii uu ula
tacaali lahaa dukaankaas ee ugu ilaalin lahaa madhashad ama adeeg oo kala
go'a ayaa marka uu furo mid kale waxaa qaybsama fikirkiisii,xooggiisii iyo
fursadiisiiba,markaas ayaa waxaa laga yaabaa maadaama oo uusan qaybsami
Karin in uu labada dukaan oo midba hal nini joogo in uu mid lajoogo kii
kalena uu kaligii ahaado,waana sababaha ugu badan ee raggu udhintaan,marka
tuug oo dhan uu arko nin kaligii tukaan gadaya waxaa galaya hunguri ah in ay
fududahay dhicitaankiisu,oo wax cid kale oo looga shakiyo in ay waardi tahay
ayna carada joogin.

Taas waxaa kasii daran oo maalin kasta ishaadu qaban laba Soomaali ah oo
gartooda loo fadhiyo,waxa ugu badan ee la isku qabsadaana waa labo Arimood
oo kala ah:-
*

1-Dukaan laga agfuray Dukaan Kale:- *Waa garta ugu badan ee Soomaalida South
Afrika dhextaala,meeshii ninku uu ku farxi lahaa walaalkiisa soo dagay ee
wehelka uga noqon lahaa xagga nabad galyada,ka caawin lahaa xagga
ciidanka,kana qaadan lahaa sarifka ayaa waxa uu ka fiirin dhanka xun oo ah
in uu laqaybsanayo dadkii macmiilkiisa (customer ) ahaa,oo meeshaa iimaan
la'aani kaga dhicdo,waana arin ay kasiman yihiin Soomaalida South
Afrika,waxayna gabi haanba is dhinac mariyeen aayaadkii alle ee ahaa *in aan
ruuxna ruuxa kale irsiqiisa qaadanaynin*,kaaga daranta meesha uu walaalkii
udiidan yahay hadii uu soo dago nin kale oo aan Soomaali ahayni aabbo uma
laha uu kula hadli karo,marar badan waxaa dhacda arin noocan oo kale ahi ay
labo Soomaali ahi xaafadaha dhexdooda isku rasaaseeyaan oo dadku wadaniga
ahi ay qaadan waayaan dadka walaalaha ah ee waxan yarka ah isku
dilaya,markaasay dadku wada nacayaan oo la ogaanayaa in ayna dad jiraba
ahayn.

Garta noocaas ah oo aad usoo noqnoqotay laguna kala dhintay xal kalena loo
waayay ayaa gobolada qaarkood Soomaalida kunooli ay go'aansadeen in aan dib
dambe loogalin gar noocaas ah,oo cid kasta meeshii ay ka gayn waydo ay
dukaan kadhigato.
*

2-Labo shirko ahayd oo heshiin wayday:-*Soomaalidu inta aan arkay waa dadka
ugu xun ee wax wadaaga ama shirkooba, waa dad asalkoodu baadiye ahaa,oo nin
walba xoolohoodu ugu foofi jireen meel naq leh oo aan arkin kaleexo leh iyo
sharci lagu dabbaalayo,ninkasta xoolihiisu waa ugooni waligiina nin kale wax
iskuma ayna darsanin,dhaqankii noocaas ahaa ee kali noolaanshaha ahaa ayaa
magaalooyinkiina lala yimid markaas ayaa dadka nin walba kaligii wax
yeelanayaa oo meel cidla ah oo aan ciidan lahayn uu cadawgu kuhelaa,hadaba
waxaa dhacda in labo ama sadex ay shirkoobaan,ha isu dhowadaan ama haba kala
dheeraadaane,maddo markii ay isku caana maalaan waa qasab in laheshiin
waayayo,markaas ayaa kii markii hore dukaankan shirkada lagu yahay soo helay
uu go'aansadaa in isaga looga dareero dukaanka,kuwa baxayaana waxa ay xoogga
saarayaan in mar hadii meesha laga saarayo ay kutagaan lacag dhabarjab
kunoqon ninkii dukaanka isjeclaysiiyay,waxaa laga yaabaa in dhinacna uu
tanaasuli waayo oo gartoodu bilo socoto,taasina marka dambe laga yaabo in ay
dhaxalsiiso is la isu hub gurto amaba la isu adeegsado gaalo mad-madoow oo
sacabbada wax ka maqla.

Anigu markaan darsayna waxa dadka isku sii kahribayaba waa garta odayaasha
loo dhiibayo ee hadii lagu kala boxo sharciga wadanka la joogo, dhibabkani
mayna soo nownoqdeen,ugu yaraan nin walba waxa uu ka baqi lahaa Lowyarka uu
qabsanayo ee qaadanaya lacagta adag,waxaad dareemi in nin walba isagoo ushu
meel uga go'an tahay in uu odayaasha galinayo gar uusan ku qanci doonin
hadii guuldaradu xagiisa noqoto.

Sida ay hadda wax usocdaanna waxaa xaqiiqo ah in Soomalida dukaamada kuleh
tuulooyinka ay kasoo wada bixi doonaan iyadoo ninna uusan haysanin wax fara
qabsi ah,taas sababteedu waxa ay tahay maalin kasta dukaamada Soomaalida
waxaa gata rag Bangladesh ah iyo kuwo Itoobiyaan ah,oo dukaankii aad shalay
ku ogayd nin Soomaali ah ayaa barri waxaad uun ugu tagi nin Bangladesh ama
Itoobiyaan ah.

Raga Bangladeshka ahi waxa ay ushirkoobayaan 10 nin ama 20 nin,intooduba
waxa ay kawada shaqayn dukaanka mushaar yarna mid walba waa lasiin,kadib
markay muddo 5 illaa 6 bilood ah joogaan ayaa waxa ay furayaan dukaan
kale,waayo ciidankiisiina way hayaan lacagtii lagu furi lahaana way
hayaan,deedna maalin kasta dukaan Soomali ah oo dariskooda ahaa ayay
lawareegaan illaa Locationkii ay kaligood kunoqdaan oo maciishadda ay gadaan
qiimihii ay doonaan,Itoobiyaanka ayaa iyguna noocaas ah oo tala wadaag
leh,ninbaa utalin shaqaduna way uqaybsan tahay,gar tood ah oo lagali
majirto,waayo meel gar laga gooyaba kama ayna imaanin,waana dad isu samra oo
dhiiggoodu qabaw yahay,wada shaqaysigooduna waa Soomaalida Cagsigeed,waxay
mideeyaan cududdooda,ciidankooda iyo fikirkooda,dadku markay sidaas noqdaan
in ay wax helaan way dhacdaa.

Dhimashada ugu badan wadanka ee dad qaxooti ah loo gaysto waxaa ugu badan
Soomaalida,boobka dukaamada lagu sameeyo ee ka dhaca tuulooyinkana 90 % waa
Soomaalida,waayo markay tuulo yar oo qaadi lahayd 5 dukaan laga furo 25
dukaan,dadku inkasta oo dukaamada badan ay dantooda yihiin hadana dhinacaas
kama fiirinayaan ee waxa ay fiirinayaan cudurkii ay qabeen ee ahaa in
dhulkooda uu qaxootigu qaadanayo,ninkii wadaniga ahaa ee dukaanka yar
lahaana hogaanka ayaa ugo'ay oo markaas waxa uu maleegaayi waa uun cadaawad
kadhan ah Soomaalida.

Hadaan Tusaale usoo qaadano meel mageceeda layidhaahdo Jeffers pay oo Port
Elizabeth dhinaca Cape town uga jirta 65 Km oo dukaamadii Soomaalida ahaa ee
kuyaalay la boobay "Bishii January ee 2008 kii" ragga kumaada kulahaa waxaa
kamid ahaa nin lahaa 3 dukaan iyo mid kale oo isnalahaa 3 dukaan,qaar kalena
in ay jiraan waa laga yaabaa,dukaamadaas faraha badana nin walba mid mooyee
inta kale dukaan muusan ugu talo galin ee waxa uu udhisay boos celin si aan
qof kale oo Soomaali ahi uusan meeshaas usoo dagin,nimankaas oo kaliya ma
aha ee dhamaan Soomaalidu waa wada qaabkaas.

Arinta kale ee Jita Wadanka dhexdiisa Soomaalidu marba gobol ayay uwada
hayaamaan,nin dukaan fiican haysta ayaa waxaa laga yaabaa in nin kale uu
lasoo hadlo oo uu kuyidhaahdo gobol hebel ayaan dukaan kahelay,isagoo aan
midig iyo bidix fiirinin ayuu dukaankii iibin oo u wareegi gobolkii loo
amaanay,markuu tago ee uu waayo wixii uu filayay ayaa waxa uu iska dagi meel
dani kugu qabatay ah,oo laga yaabo in ay hoos uceliso,sanadkii 2000 kii
illaa iyo 2004 kii waxaa lagu yaacayay Gobolka Eastern Cape, sanadkii
2005-2006 na waxaa lagu yaacayay gobolka Western Cape, sanadkii 2006-2008 na
waxaa lagu sii qulqulayaa Gobolka Gauteng, Northwest, Lipombo iyo Mpulanga.

Gobolkii dhowr dil uu ka dhacana waa lawada nici,kii ninkii daganaa uu ku
nabad qabayna intii la iska soo buuxiyo ayaa yool laga dhigi oo uusan
nabadgalyo sii ahaanaynin.

Isku soo wada Duuboo "*Halkudhag Soomaaliyeed ayaa ahaa Hebel Waylihii
Horena wuu ubiyo la'yahay Kuwa kalena wa biyo barayaa*" Soomaalidii South
Africa Dukaamadii horena way la mashaqaysan yihiin kuwo kalena way furaayaan


--
Gundid
 

ISha:Puna.()

aayatiin.net ama webmaster@aayatiin.net

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07

Växjö:Jaaliyada Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho 10.04.0700 oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii  sedexda maalin socda

Aarhus:Xaflad Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.

 

Aarhus:BAAQ TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07

Muqdisho:Diyaarad Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay damintiisa.09.marso.07

  Waraka Shalay iyo Maanta/hore:      
 
                                           Kulaabo Boga Hore  
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net