|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
     
   

 

Ma qalab kaa dhex hadlayaa jira.?....   Sheekooyin xiisa leh.

Ma qalab kaa dhex hadlayaa jira.?. WD:Abdulmalik M.Farah

ALLAH, Maxaa  i qabsaday !!!------------WD: C.Salaad.C.  Dacas

 
 

sheeko Gaaban.

WD: Abdulmalik M. Farah-Gaas

Waxaa ay ahayd maalin cadceedu kulushahay xilli-guna uu xagaa yahay, dadku waa laga dareemayay in ay aad u rabaan diirsimaadka, meeshu waa Denmark magalo kamid ah.

 Warsame waa nin fur furan dadkuna jecel yihiin, waa uu shaqaystaa kuna filan xaaskiisa iyo caruurtiisa, waalidkana waa nin u roon, wax balwad ah maleh, waddaadse ma aha, hayeeshee waa nin Soomaalida sumcad iyo rabitaan kuleh, Warsame iyo xaaskiisa inbadan ayey isku dayeen in ay keenaan Islaanta Sodohdii wadanka Denmark si ay u hesho daaweyn. ugu danbayntii waa u hirgashay oo waa ku guulaysteen, waxaa loo keenay Islaanta sodohdii sedex bilood ka hor. Reerka farxad ayaa meel walba buuxisay, waayo waxaa guriga timid hooyo, sodoh iyo ayeeyo. Maasha allaah waa farxad weyn. Guraga waxaa maalin walba yimaada dada ad u tira badan oo soo booqanaya maamada timid kana timid Soomaaliya, si ay u waraystaan. Dabcan dadk soo booqanaya iyana waxaa ay wax ka weydiin jirtay wadanka Denmark, qaar ba si ayay wax ugu sheegi jireen, haseyeeshee waxaa in badan ay ku yiraahdeen waxaa dhalin yaradii wadankaan timid lagu arkay cudur Buufis layiraahdo(isku buuqid) arintii aad ayay maamada cusbayd ugu fajacday.

Warsame waxaa uu maalin 28 luulyo ku soo qaaday gaarigiisa Toyotada ah, islaantii sodohdii, si uu’ ugeeyo balan uu dhakhtar uga sameeyay, markii ay ka soo laabteen dhakhtarka oo aayan guriga soo gaarin,iyagoo sheekaysanaya  ayaa telefonka gacanta waxaa uu usoo dhacay Warsame, Sodohdii oo gaariga dhinaca danbe fadhiday ma aysan maqlayn wax telefoon ah oo soo dhacay, waayo waxaa uu ku xirnaa midka codka gudbiya oo dhegta ugu jiray Warsame wax fiila ahna aan lahayn, waxaa ay ka warheshay wiilkii ay sodohda u ahayd oo hadlaya, dhinacyada ayay fiirisay mise waa labadooda oo kaliya, gaarigana waa uu socdaa oo isagaaba wada, waxaa ay isku dayday in ay la hadasho mise waaba nin wax kale ka hadlaya, ganacsi iyo wax kalaysan maqal weligeed, yaab iyo ama kaag ayay ku noqotay, iyadoo sidaa u yaaban ayuu mar un qosol ku dhuftay mise waaba ka sii dartay islaantii, waxaa ay marqura tiri inaa  lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.!!!!

Islaanta oo aad u argagaxsan rumaysana in wiilka uu waashay, ayaa inta iska aamustay tiri Baloy yurub ku timi, war ninba intuu nin ka fir fircoon yahay ayaay lumusii oo waashaa…!!!

Sodhdii ayaa wax badan fikir gashay oo iskula hadashay ma gabadhaa ninka dhib ku haysa waa tii la lahaa yurub gabdhahaa raga dhiba,.!!! 

Intii ay guriga ka soo gaarayeen waa ay iska aamustay, markii ay guriga timid Warsamana wuxuu ku laabtay magaalada, inta ishayn kari waysay maamadii xitaa marti joogtay garan kari waysay in ay dib su’aasheeda u dhigato, ayay si kadis ah gabadheedii ku tiri, maandhay ninka Warsame ah ma ku ogaydeen isla hadalka.?

Gabadha ayaa tiri si fudud maya. Islaantii Sodohda ahayd kuma qancin jawaabta, markaasey weydiisay ninku kuma fiyooba sidaasee maxaa jira, Gabadha ayaa arinta garatay in maamada ay wax cusub la kulantay, gabadhu lafteeda arinta markay aragtay in maamada ay si dhab ah u leedahay hadalka ayay shakisay oo tiri Hooyo maxaad aragtay anagu qof caadi ah ayaan ku ogayn. Maamada ayaa tiri markii aan ka soo laabanay dhakhtarka ilaa aan guriga ka nimid waxaa uu isla hadlayaay, wax aan fahmi karana kuma uusan hadlayn, cid lajoogtay oo aan aniga ahayna majirin, anigana ilama uusan hadlayn, markaan wax weydiiyayna igama uusan jawaabin. Ninkana sidaan ku aqiin maha sidaas.

Gabadhii iyo martidii ayaa halmar inta ay fahmeen mawduuca iyo waxa uu ku hadlayay Warsame in ay Telefoonka gacanta uu ahaa(Mobil) mar qura qosol afka jabsaday ahh ahh ahh ah. …

Sodohdii ayaa inta isku naxday oo yaabtay, qolkeedii gashay iyadoon wax kaloo hadal ah oran, waxaana ay istiri waxaad u timid qolo waalan oo dadkuba kuwii aad ogayd ma aha.. fajac iyo mucjisay ku noqotay waayo sheekaday u sheegtay wax lagu qoslo kuma jirin, waxa ay sheegaysana waa wax laga naxo nin waashay qofkii loo sheegaa qosol lagama fisho…

Gabadhii ay dhashay oo inta shaah u soo shubtay hooyadeed ugu keentay qolkii. Mise weliba maamada iskama bixin jaakadii daanka ayayna gacanta ku haysaa, gabadshii ayaa inta cuudu bilaysatay tiri Hooyo jaakada iska bixi oo naso shaahaana cab. Ninka waxa uu ku hadlayay waxaa uu ahaa teloofoonka gacanta(Mobil)…

Maamada ayaa tiri oo Telefoonka lama arko miyaa..?

Gabadha haa laakiinse waxaa uu ku jiray jeebkiisa, dhagtaa mid yar codka gudbiya  oo aan la arkayn u surnaa.

Maamada maandhey ninku teleefoon kuma araga hadii uusan waalnayn.

Gabadha hooyo lama arki karo waa mid yar.

Maamada Teleefoonka ma jirkii ku samaysan yahay wax la maqlo ama ili qaban karto miyuusan ahayn.

Gabadha hooyo haa waa la arki karaa balse waa mid yar, .

Maamada maandhey ma waxbaa idin dhexmaray adiga iyo Warsame oo aad iga qarinaysaa maxaa ninka waalay.?

Gabadha  hooyo waxba nama dhex marin adiguba waad ogayd sedexdii bilood aad joogtay ma waxbaad naga dareenta.Maamada maandhey aniga waxaad sheegaysid ma garan, ee haddii la helo jawaabta dhakhtarka meeshaydii igu celiya.

Gabadaha hooyo naso oo shaaha cab ninku ma walna.

Kuma ayasan qancin Warsame sodohdii in uu san Warsame waalnayn, waqti  casar gaabadkii aha  ayaa waxaa yimid guriga warsame iyo saaxiibkii jaamac, waxaa loo sheegay Warsame qisadii maamada maanta ay la timid iyo wixii dhacay, Warsame iyo Saaxiibkii Jaamac ayaa iyaguna qosol la dhacay, iyagii oo qoslaya ayay u soo galeen maamada qolkeeda mise waaba ka daroo dibi dhal.

Maamada markii ay aragtay ninkii oo qoslaya oo qolka soo galay ayay sii shakisay wax eray ah ma ayasan oran, Warsame ayaa maamada u sheegay in uu ku hadlayay Telefoonka gacanta (mobil) ma ayasan rumaysan ilaa uu inta Dhegta u suray kii yaraa ee codka soo gudbinayay, mobilkana jeebka ugalshay soo wacay. Markii ay maamada aragtay sida wax u dheceen iyo in wuxu telefoon yar yahay ayay ogaatay in Warsame uusan waalnayn. Maandhow aniga yurub ma fahmin.

 

Sheekadaan oo ah mid si dhab ah u dhacday ayaa waxaa ay faa’iido iyo cashar u tahay dhallinta, in dadka waaweyn ay wax u tusaan si muuqata balse aysan ugu sheegin si warbixin ah.

 

WQ: Abdulmalik M. Farah   (Gaas)  

Abdulmalikfarah@gmail.com

 

 

 

     
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net