Mid walba
wuxuu islahaa adigaa ugu darnaan doona, waase kala darnaayeen.
Jawaabahoodii waa kuwan hoos ku qoran.
Samatar
:Aniga maalin baan laba rati dhaanshey, wiil yar oo rajay ahna
aqalkii uga tegey. Goortaan gurigii cabbaar ka sii socdey ayaan
gadaal fiirshey, mise labadii rati mid baa maqan. Ratigii aan
wadey intaan geed ku xiray ayaan kii kale raadshey.
Meel uu
suul iyo ciddi dhigay ayaan waayey, markaasaan kaan geedka ku
ogaa ku soo noqday, saan waxaan u imid isagoo xariggii isku
bakhtiiyey, haamihiina caymo beeleen, oo jajabeen.
Anigoo
awrtii iyo haamihii ka fara maran yaan aqalkii dib ugu soo
noqday, oo wiilkii inta dhabarka u ritay ceelkii la aaday, illaa
waxaan biyo ugu keeno mahayee. Annagoo beer caddaad(aad u ooman)
ah, yaan ceelkii oo daasad dheg leh oo qarkiisa saaran, inta soo
qaaday maryahayagii inta isku gunguntey dhegta uga xiray oo
ceelkii u ridey. Markaan u laadlaadshay bay iga fara baxsatay.
Anigoo suxud saaxud laygu arag (qaawan), yarkiina sida
gacantaas(qaawan) yahay baan meeshii ka tagnay. In door ah
markaan soconey, ayaan ari daaqaya ku soo baxnay, ri’ dhashay oo
danbarkii ku taagan yahay, arigana noogu soo xigtey baan inta
lugta ku dhegey wiilkii qaruufiyey(nuujiyey).
Markuu
dhamaystay, yaan anna mid kala qabsaday . Anigoo sacabsanaya baa
naag ariga la joogtey ul ila dul martay.
Waan
dhugtay, mise waa soddohday, markey i garatay ayey inta go’ ay
huwaneyd ii soo tuurtay dibadda ku dhacday oo carartay. Waxaas
oo kale ma idin qabsadeen.
Saxardiid:Allaylehe inaan waxba kuugu dhicin. War aniga laba
wiil iyo gabar inan ah oo saddaxduba rajay yihiin ayaa dad laygu
arkay, dhega aduunyana dameer keliya. Waxaan kaloo lahaa doon
shiraac leh oo aan ku kaluumeysto, isla markaasna aqal aan ku
hoyano oo harsano noo ahayd.
Annagoo
ilaah mahaddii iska ladan, oo aan doonta dhexdeeda danbe kawtan
ku ciyaarayno baa markab meel fog ka soo muuqday. Siduu u soo
ganaa buu meel akteenna ah baroosinkii ku xirtay. Doontii baan
inta shiraaca u taagey markabkii ka war doonnay, mise niman
aanan af aqoon baa wata, markey garteen inaan dad masaakiina
nahay, bay xoogaa raashina nasiiyeen iyagoon ju’ noo oran.
Goortaan raashiinkii doontii saaray, baan kabahaygii middood
tebey, saan gabadhaydii baan ku iri aabbe kab baa iga maqane
markabka iiga soo fiiri inay iiga soo dhacday. Intay sara kacday
bay hal haleel u fuushay markabkii. Markay arkeen in gabadhii
markabka u soo fuushay, intayadii kalana aan doonta saarannahay,
bay markabkii dhaqaajiyeen.
Markaan
ogaaday inay inantii la baxsadeen ayaan doontii inta shiraacii u
dejiyey iskala daba rogey, markaan in door ah cayrsanayney, ayaa
duufaan yaab lihi baalka nagu qaadday oo na harqisay, anigoo
sidii kalluunka dabaasha u aqiin, alwaax jabkii aan gacanta la
helay baa igargaarey oo i badbaadiyey.
Doontii,
dameerkii, wiilashii iyo gabadhii aan mid loo dhigo habari
koolkoolin halkaasaa iigu danbeysay, ma waxaa i qabsadaa idin
qabsaday?
Samaale:Labadiinna midna wax maqabsan, anigu mar malagaygii baan
arkay marna waan ceeboobay, Waa marka horee annagoo siddeed nin
ah ayaa col na qabtay.
Dawlis
(Xarig dheer) ay siteen bay luqunta nooga wada xireen, oo na far
fariisiyeen. Anigu midigtaan u xigay nin aad u wanaagsan oo
Cirdaye la oran jirayna bidixda.
Mid iyaga
ugu xoogga badnaa ayaa inta seef galka ka jiitay Cirdaye madaxa
ka gooyey, oo ma joogsane lixdii noo dhexeysayna unuunka ka wada
jaray. Markuu aniga damcay inuu qoorta iga gooyo, oo uu seefta
kor u qaaday baan u gooyey, oo dibadda ku dhacay anoo dowliskii
jiidanaya.
Maalintii
oo dhan markay i cayrsanayeen, bay daaleen oo dan iiga hareen.
Afar caanamaal haddaanan dad iyo duunyo toona arag, yaan
reerkaan gabadha ka qabey guure ugu imid, markay diiftii iga
muuqatay arkeen bay biyo aan ku habaq beelay i siiyeen, raar
faraqu dheeraaday oo dumaashidey lahaydna aqalkii soddogey
la’iigu gogley. Wan subag madoobe ah oo iska caddaaday ayaa la
ii qalay. Intaan hilbihiisa sugayey, ayaa waxaa la ii keenay
toobke caana ah, oo hal ayaamahaa dhashay laga soo lisay.
Waxyar
haddaan joogey, baa xeero afku intaa la egyahay oo caddiin u
badan iyo baaquli maraq ah la ii keenay. Wixii oo dhan baan
feeraha dhigay, dabadeed madaxa iyo majaha duubay(seexday).
Gogoshaan
ku hurdey baan intaan jiifay ku banay (shubmay), illaa ninkaas
qatooyada ku raagey oo baruurta iyo caanaha geel iska badshay
baan ahayee.