|
Qurbaha iyo doorka maqan ee aabaha
Mudo iminka laga jooggo sanad iyo badh ayaan
boggaga internetka ee Soomaalida qaarkood ku qoray maqaal aan
ciwaan uga dhigay “Aabo La’aanta Qoysaska Qurbaha”.
Ujeedada ugu weyn ee aan ka lahaa maqaalkaasi waxa uu ahaa in
bulshada Soomaalida ee qurbaha deggan aan ku baraarujiyo
asbaabaha keenay in aqalo badan oo ka mida aqalada Soomaalida ee
qurbuhu ay ahaadaan aqalo aan aabo joogin. Waxa kale oo aan ku
soo bandhigay maqaalkaas dhibta ka iman karta arinkaas. Mar
labaad ayaan jeclaystay in aan ku noqdo mawduucan sababtoo ah
mudadii intaas ka danbaysay maalinba maalinta ka danbaysa waxa
soo if baxaya in doorka aabaha Soomaaliyeed oo si toos ah ama si
dadban uga baxay dhismaha qoyska Soomaaliyeed (khaastan kuwooda
ku nool wadamada Galbeedka) uu ka mid yahay waxyaabaha asaaska u
ah dhibaatooyinka Soomaalida deggan wadamada Galbeedka.
Aabo..
saacad waqtigaaga ah maad iga iibin!!
Waxa
la soo wariyay in uu jiray aabo waqtigiisa oo dhan galiyay
xoogsi aduun. Waqtigiisu waxa uu u qaybsanaa waqti uu shaqeeyo
iyo waqti uu hurdo. Goor hore waqti ay caruurtiisu hurudaan ayuu
aqalka ka ka bixi jiray. Wuxuuna soo noqon jiray xili ay
caruurtiisu seexdeen. Inkasta oo aabahaa iyo caruurtiisu ay isku
aqal ku noolaayen hadana way adkayd sida ay isku arkaan.
Habayn
habaynada ka mida ayaa inan ka mida inamadiisii
uu
aabihi sugay ilaa uu ka soo hoyanayay.
Inanku waxa uu u soo jeeday in uu aabihii u soo bandhigo arin(in
mudo ah) culays wayn ku haysay. Aabihii markii uu aqalkii soo
galay waxa uu arkay inankiisii oo xili danbe suggaya. Doodan soo
socota ayaa dhex martay aabihii iyo inankiisii:
Aabo:
(oo yaaban) Aabo waa 12 kii habaynimo ee maxaa caawa xiligan ku
soo jeediyay.
Inan:
Aabo
waan seexan Kari waayay!
Aabo:
Aabo
siday wax u jiraaan miyaad xanuun sanyasaa?
Inan:
Aabo
maya ee arin aan rabay in aan in muddo ahba ku waydiiyo ayaan la
seexan Kari waayay!
Aabo:
Aroorta ayaynu ka sheekaysan arinkaas…waan daalanahay iminka ee
aabo orod seexo! Berito ha inoo ahaato Insha Allah (waanu iska
sii dhaqaaqay).
Inan:
Maya, aabo ma seexan karo caawa ilaa aan jawaab u helo arinkan?
Aabo:
(Aabihii oo xanaaqsan) waa maxay su’aashaadu?. Dhakhso! maantoo
dhan baan soo shaqaynayay …. waan daalanahay barina shaqo ayaa
i sugaysa ee... bal soo daa su’aashaada!
Inan:
Aabo su’aashaydu waxa weeye..…. saacadii imisa doolar ayaad
horta ku shaqaysaa?
Aabo:
(isaga
oo ka yaaban su’aasha inankiisa) arinka aad la seexan wayday ma
kaas baa aabo?!
Inan:
Haa.. aabo su’aashaas ayaa I wareerisay oo hurdada ii diiday!
Aabo:
(isagoo wali yaaban) labaatan doolar ayaan saacadii qaataa ee
maxaad ka rabtaa lacagta aan sacadii ku shaqeeyo!
Inan:
(lacag
yar oo uu uriyay ayuu shandad yar oo uu sitay ka soo saaray)
aabo laba doolar ma i siin kartaa?
Aabo:
(oo
cadhaysan) arinka aad la seexan wayday ma in aad laba doolar I
waydiisataa (labdii doolar ayuu u soo tuuray markaas buu yidhi)
waa inoo beri ee orad seexo.
Inan:
(Lacg
yar oo uu ururiyay intuu ku daray labdii doolar ee aabihii
siiyay ayuu aabihii u taagay oo uu ku yidhi) aabo hoo $20 ….oo
saacad waqtigagaa ah iga iibi.
Doorka maqan ee aabaha qurbaawiga
Sheekadani in kasta oo ay tahay mid la khayaaliya hadana waa mid
soo gudbinaysaa sawir kamida xidhiidhka ay qaar ka mida
aabayaasha Soomaaliyeed la leeyihiin ubadkooda. Intoodii
fiicanayd waaba inta ku mashquushay shaqo iyo xoogsi. Kuwaas
waaba loo garaabi …laakiin sidee loogu garaabi inta badan ee ay
aqalkoodii iyo tarbiyadii caruurtooda ay ka mashquuliyeen
makhaayadaha kofeega lagu cabo (ee siyaasada lagaga doodo) iyo
goobaha qaadka lagu cunaa?
Meelaha ay ku kulmaan ragga Soomaalidu ee lagaga doodo siyaasada
geeska aynu ka soo qaxnay waxaad arki iyadoo meel la kala
fadhiisto aanay jirin…laakiin marka ay timaado meelaha lagaga
hadlo dhibaatooyinka haysta bulshada Soomaaliyeed ee qurbaawiga
ah waxuun baad la kulmi hooyooyin(iyaguna haba yaraadeene).
Iskuuladii cida caruurtii gacanta haysaa waxa ay u badan yihiin
dumar. Macaamadihii Quraanka caruurtii waxaa keeni hooyo.
Barmaamijyada caruurta iyo qoysaska meelaha lagaga hadli waxaa
soo buuxin dumar. Meelihii cibaadada iyo khayrkii ragii waa ku
yaraadeen. Hadaba Su’aashu muhiimka ah ee aan ku soo
gabagabayn maqaalkaygani waxa waxa weeye ma
siyaasada geeska iyo goobaha sheekada ayaa odayaasha qurbaha ku
nool kala waynaatay tarbiydaynta, barbaarinta caruurata iyo
hogaaminta qoysaskooda.
Waa
su’aal aan jawaabteeda u dhaafi aabo kaste oo qurbaawi ah!.
Maqaal kale ayaan ku eegi doonaa doorka aabahu uu ku leeyahay
tarbiyaynta caruurta.
………………………………
W.Q.
Siciid Cali Axmed
said.ali.ahmed@gmail.com
Otawa-Canada
W.Q. Siciid Cali Axmed
----said.ali.ahmed@gmail.com
Otawa-Canada
WQ:
Cabdixabiib Salaad Cabdulle (Dacas) UK.
.
|