|
Inaa lilaahi wa
inaa ileyhi raajicuun!!! Waa sheeko naxdin leh.
Waa arrin caadi ah in rag iyo dumar is
shukaansadaan. Waana wax waligeed soo jirtay kana dhaxalnay
waalidkeen, iyaguna ka dhaxleen waalidkood.
Sidii dagaalkii
sokeeye u dhacay ama haddaba si dadban u socda, dadka soomaaliyeed
waxay noqdeen kuwo u kala yaacay dunida, hadba meeshuu ilaahay ugu
talagalay in naftaas ku noolaato oo ku badbaado.
Dhallinyaradii
guurdoonka ahayd waxay caado ka dhigteen in mid walba uu shukaansi u
doonto waddamado kale(waddan aan ahayn waddanka ay ku noolyihiin).
Kadib markay isfahmaan labadaas qof waxaa dhacda in midkood kan kale
ka soo bixiyo tigidhka.
Haddaba su’aasha dadka
qaarkiis isweydiiyaan waxaa weeye maxay dhallinta isku waddanka
joogta isku shukaansan waayeen???.
Jawaabtii dumarka: Maxaan ku falayaa nin aan
aqaan wuxuu subixii ilaa gabaldhicii sameeyo, waxaa ii dhaama mid
anigana i aqoon, anigana isaga aqoon, dabadeedna labadeenaba isku
cusboonaanno.
Jawaabtii ragga: Maxaan ku falayaa dumarka jooga
waddanka aan joogo, waan la socdaa waxay qabtaan marwalba.
Arrinta sidaas ah
waxay Rag iyo dumar badday waxaan laga sheekeyn karin. Sheekadaan
aan idiinkaga sheekaynayo ayaa ka dhalatay.
Waxaa isbartay labo
qof oo dhallinyar. Waa wiil iyo gabar soomaaliyeed, ma doonayo inaan
sheego magacyadooda iyo waliba dalalka ay joogaan, waayo waa arrin
aad iyo aad xun waxay la kulmeen kana baqayo inay noloshooda iyo
dadka la xiriira waxyeelo gaarsiiyo.
Gabarta waa gabar
soomaaliyeed, da`deedana waxay jirtaa 21, waligeed maysan guursan.
Waxay ku nooshahay waddanka Ingiriiska.
Waxay waddanka
Ingiriiska soo gashay horraantii sagaashankii, taasoo ku soo gashay
baasaboor sixiibteed oo waddanka ingiriiska deggan lahayd, kana soo
gashay waddanka Kenya. Gabadha saaxiibadeed ayaa u noqotay macalimad
tusta sida waddooyinka loo maro iwm.
Gabarta waxay kenya
uuga soo kacday gabar walaasheed ah iyo hooyadood. Wiil ay walaala
yihiinna wuxuu deggan yahay USA.
Wiilka waxaa halkaas u
kexeeyey reero ay isku bah meel ka soo wada jeedaan oo u soo baxday
dalkugalka waddanka maraykanka, kuna kaxeeyey inuu wiilkooda yahay
1991.
Wiilka iyo gabarta
waxaa iskuugu dambaysay sagaashankii.
Waxaa jira waayadaan
dambe in soomaalida ku dhaqan dhammaan dunida oo dhan ay ku wada
xiriiraan internetka. Waxaa jira meelo badan oo ay ku wada
sheekaystaan dadka sida midka caanka ee ay soomaalida ku wada
sheekaystaan oo la yiraahdo PALTALK.
Paltalk waa khaanad
lagu sheekaysto oo internetku leeyahay, wuxuuna u qaybsamaa afaf
badan. Afka soomaalida dadka soo galaa waa ay badan yihiin. Qof
walba qolkuu doono ayuu galaa. Waxaa jira qolal badan sida qolka
qabiilka, shukansiga, quraanka, odoyaasha, qolka khaniisyada(waxaad
arkaysaa nin raadinaya nin utaga) waana soomaali.
Paltalk waxaa qolka shukaansiga isku
bartay labada qof ee aan dusha ku soo sharxay. Sida caadiga ah qolka
shukaansiga dadka soogala waa dad magacyada ay isticmaalaan bedelay
iyo emailkoodaba. Waxaa halkaas isku bartay labadii qof ee
dhallinyarada ahaa qof walba wuxuu qofka kale u sheegtay waddanka uu
deggan yahay mid aan ahayn iyo waliba magac been.
Labadii qof waxay
muddo badan wakhtigoodii ku dhumay siduu midba u korfadhiyey
kumbuyuutarka oo ay sheekooyin isku dhaafsanayeen, dhan walba waa ay
ka sheekaysteen xagga galmada, xagga muuqaalka qofwalba uu leeyahay
iwm.
Wiilka wuxuu aad u
jeclaystay gabadhaas sida wanaagsan ee ay u hadlayso, wuxuuna uga
sheekeeyey wiil ay aad u saaxiib yihiin. Gabadhiiba gabadii
saaxiibteed ahayd ayey uga sheekaysay wiilka ay baratay.
Palktalk wuxuu sahlaa
waxyaabo badan in labada qof ay isla hadlaan ama kaamiro isku soo
horfariistaan oo halkaas iska daawadaan, wada sheekaystana.
Wiilkii wuxuu ka
codsaday gabadhii inay kaamiro soo gadato, isagana waa uu soo
gatay. Wiilkii saaxiibkiis ahaa ayuu u sheegay in gabadhii soo
iibsanayso maanta kaamiro si layskaga arko. Wuxuuna ka codsaday inuu
caawa raaco oo arko gabadha siday u egtahay.
Labadii qof sidii u
caadiga ahayd ayuu qofba dhankiisa ka soo galay paltalk. Qofba
qofkii kale ayuu arkay isagoo ku dhexjira. Waa laysi salaamay.
Muddo markay
sheekaysanayeen ayaa wiilkii ka codsaday haddii ay kaamiro soo
gadatay inay u shido kaamirada, kana codsaday iyadoo qaawan soo
horistaagto, kana bilowdo tusida jirkeeda lugaha korna ugu socoto
ilaa timaha.
Gabadhiina iyana waxay
tiri adiguna sidaas oo kale ayaad samaynaysaa oo adiga bilow. Muddo
markay isku jiid jiidayeen adiga horbilow maya adigu bilow. ayey
go’aan ku gaareen inay isku mar bilaabaan.
Sidaas ayey isku mar u
bilaabeen in qofba qofka kale tuso oo gadiisa.
Lugihii ilaa xabadka
qofba qofka kale waa uu la dhacay, oo qofba qofka kale yiri aad baad
u jir qurxoon tahay. (waxaan aad iyo aad idinkaga codsanayaa inaan
wax badan ka tilmaami karin sida xun ee ay jirkooda isku tuseen oo
ahayd wax aad u xun waxyaabaha ay kuwada hadlayeen sida kala qaad
lugahaaga iwm)
Wiilka saaxiibkiis aad
ayuu ula dhacay oo intaas suulka kor ugu taagayey saaxiibkiis kuna
adkaynayey inuu sidaas ku wado.
Hal mar ayuu wiilkii
kumbuyuutarkii ku soo booday oo damiyey markuu arkay wajigii
gabadha(laga yaabe inay iyadana sidaas u damisay). Saaxiibkiis ayaa
ku qayliyey oo yiri „miyaad waalan tahay maxaad nooga daminaysaa
kumbuyuutarka, noo daar aanu gabadha daawanee adiga haddii aadan
rabin anigaa rabee“.
„Haddii aad daarto
kambuyuutarka aniga iyo adiga mid baa dhimanaya!“ayuu wiilkii
shukaansanayey gabadha yiri.
„Maxaad ka wadaa“ oo
isku dayey inuu daaro.
Labadii wiil ayaa
gacan iskuula tagay. Saaxiibkii ayaa yiri ninyahow waxaaga xanaaq ka
weyne gabadha ma walaashaa baa?.
„Haa“ waa walaasheey.
Mana doonayo intaan duninda saaranahay in aan
arko.
Wiilkii wuxuu noqday
in marka dumar soomaaliyeed ku soo baxaan uu ka leexdo wadada
wuxuuna ku dhaw yahay waali.
Ka fiirsada
soomaaliyeey Paltalk!!!!
WQ: Dhaqane
M. Xiirey
dhaqane122@hotmail.com
|