|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
     
  Soomaaliya?.     Maqaalo kala duwan...

Sooyaalka dagaalka & Digashada sokeeye.  qaybta 1aad

Qaybta2aad Qaybta3aad Qaybta4aad

Apollo 11 ma gaaray Dayaxa. WD: Xirsi Faarax xayir

Dhamaan Dadka Reer puntland WD:Siciid C. Cali-Ilweyn

 

 

 
 

Sooyaalka dagaalka & Digashada sokeeye. (Waxaan ka bilaabaynaa 1990) ilaa iyo.......

WQ: Abdulmalik M. Farah (Gaas)

Puntland: Ridii Isnuuggida Tiqiin iyo Reerkii sugayay.

Tan iyo intii la' aas aasay Maamul gobaleedka Puntland bishii agoosto 1998 dadka reer Puntland waxaa ay ku mashquuleen in ay dhisme iyo ganacsiyo ka furtaan gobolada Puntland.

 sikastaba riyadii ahayd in Puntland ay noqoto unuga ugu horeeya ee ay Soomaaliya ka heli doonto laydhka dowladnimada weli su'aal ayaa kaga jirtay dadka deegaanadaas.

dadka reer puntland magacyo kala duwan ayay ula bixi jireen maamuladii soo maray, waxaa intaa dheeraa xitaa in loo helay magacyo dadka iyo magaalooyinka puntland. hal kudhagyada iyo magacyada ayaa waxaa kamid ahaa in loo yiqiin Dowladii ugu horeysay ee maamulka Puntland ee uu madaxda u ahaa col:C/lahi Yusuf loo baxshay madax ka nool taas oo lagu xaman jiray in shaqada ugu badan la qaban jiray ama ay ka socotay meesha ama gobolka uu markaa Puntland ka joogo kornaylka. hase yeeshee dadka ayaa waxaa ay ku haysteen xoogaa in tuugada aysan ku dhiirnayn in ay falal danbiya ah galaan.

taa waxaa xigay Maamulkii uu madaxda ka ahaa Col:Jaamac cali Jaamac ee isagu aan si toos ah u caga dhigan waxaa loo baxshay mahayo. oraahdaan ayaa malaha waxaa keenay rag Col:C/lahi Yusuf horey in uu wax siiyo uga bartay kana waayay Col:Jaamac Cali Jaamac.

inkastoo ay jirtay hardamid ka dhexaysay Jaamac cali jaamac iyo C/lahi yusuf, waxaa meesha soo galay Jen:maxamuud xiri muuse (cade Muuse) oo isagu hardamid iyo baalaxoofto dabadeed la heshiiyay C/lahi yusuf.

maamulkii sedexaad ee xiliga kala guurka ahaa jiray ee madaxda ka ahaa Maxamed Cabdi Xaashi waxba looma bixin maadaaama dadka iyo deegaankuba ay ku sii jeedeen dhinaca DKMG oo uu madaxweyne ka noqday C/lahi yusuf iyagoo u arkay in ay malaha tahay riyadii Puntland loo aas aasay oo qaangaadhay.

madaxweynaha afaraad ee Puntland ayaa noqday Jen:Cade muuse waxbadan ayaa loo riyaaqay qudbadii ugu horeysay ee uu jeediyay kadib markii uu sheegay in uu xuli doono dhinaca wasiirada rag cusb oo aqoon sare leh, hayeeshee balanqaadka ma wada fulin,inkastoo uu cade muuse la kowsaday xili loolanka siyaasadeed ee Soomaaliya uusan ku badnayn Puntland marka loo eego xilayadii kahoreyey maamulkiisa, ayaa waxaa uu mujiyay dul iyo qabow badan xaga shacabka ah ilaa dadka qaar ay sheegaan ama ubaxsheen in uu yahay nin maskiin ah oo aan waxbadan ka aqoon dhaqanka gobalada uu xukumo, maadaama uu ka yimid marka iyo koonfurta soomaliya.inkasta ay Puntland weli ka jirto deganaansho iyo xasilooni laakiinse waxaa la oran karaa kama aysan faa'idaysan mudadii ay jirtay 9 sanadood.

dhibka ma aha shacabka ee waa iyadoon wli lahelin maamul leh tayo kana maran musuqmaasuq iyo hantida in lagu tagri falo. ufiirso waxaa weli jira in canshuurihii iyo kala danbayntii ay shaqaynayso, hayeeshee waxaad mararka qaar aad maqlaysaa iyadoo la leeyahay Askartii xerada hebel ayaa Bangiga jabsatay xoogaagii yiilnay qaadatay.? ma is tiraahdaa waa loo fasaxay si aan loo xisaabtamin. ama laysku weydiin waxa yaal iyo waxa baxay.

Dadka maamulka ku jiraa waa ragii Kacaanka 21 oktobar la shaqeeyay, malaha iyagaa ugu dulqaad badan in ay lashaqaystaan nin madaxa oo raba in uu sii joogo xafiiska ilaa laga ceyrinayo.

taa oo kaliya maaha ee maba jiraan wax laga qabtay xaga arimaha bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada, amniga,dhaqaalaha, hantida dadweynaha, wadooyinka, garoomada.iwm.

Dadka oo intaa iyagu tabayay aayaa waxa kaliya ee ay isku ilowsiiyaan ay tahay in amniga uu dhaamo meelo badan oo Soomaliya ka tirsan, laakiinse waxaa imika muuqata in taasina ay sii diciifayso kadib markii ay keceen burcad leh magaca fay-cali ee boosaaso ama kuwa aan weli loo helin sumada ee ka howlgala Garoowe iyo aga gaarkeeda ee iyagu boobay, kufsadayna dadkii rakaabka ku ahaa gaari kayimid Boosaaso. falalka noocaan oo kale ah ee loo yaqaan danbiyada abaabulan, ayaa waxay calaamad ay uyihiin in ay jiraan dad qal qal gelin doona amniga Puntland haddii aan si adag loola xisaabtamin. waxaase layaab noqon doonta haddii ay dadkii kadanbeeyay noqdaan Askarta Puntland oo ka cabanaysa Mushaaro aan lasiin in muda ah.

Puntland maanta dadka qaar waxaa ay ku matalaan in ay tahay sida Ri' ay leeyihiin caruur agoon ah, oo uu mas'uul  uga yahay adeer la dhashay aabahood, hase yeeshee Rida ay taqaan in ay isnuugto, odayga adeera hadii uu rida gado waa uu kubalan furay walaalkii haddii uu gowracana caruurtuu hantida ka baa ba-shay, haddii uu sidaa udaayo caruurtaa caana beelaysa. maxaa lagudboon aan ka ahayn in uu caag ama daasad uu madaxa u gelsho si aysan isu nuugin.

tusaalahaan ayaan uga goleeyahay in ay muhiim tahay in lahelo qaab loo bad baadsho Puntland, iyadoon wax dhib ah aysan dhicin. maadaama maamulka uu yahay sida rida isnuugida taqaan oo aan lagu soo gaarayn hantidii dadka si wax loogu qabto umada. haddaba sidee wax looga qabanayaa, ma dagaal iyo fowdo oo gowricii ah, ma iska daayid(ilowsho) iyo dan ugelid la'aan oo ah dayicid shacabka reer puntlan Sidee loogu gelshaa Caag ama Daasad madaxda Puntland si aysan u cunin hantida.?

Dadka raba isbedelka waa kuwee.?

Qore: Abdulmalik M Farah(gaas)

Abdulmalikfarah@gmail.com

 

 

 

 

 

     
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net