Puntland:
Ridii Isnuuggida Tiqiin iyo Reerkii sugayay.
Tan iyo intii
la' aas aasay Maamul gobaleedka Puntland bishii agoosto 1998
dadka reer Puntland waxaa ay ku mashquuleen in ay dhisme iyo
ganacsiyo ka furtaan gobolada Puntland.
sikastaba
riyadii ahayd in Puntland ay noqoto unuga ugu horeeya ee ay
Soomaaliya ka heli doonto laydhka dowladnimada weli su'aal ayaa
kaga jirtay dadka deegaanadaas.
dadka reer
puntland magacyo kala duwan ayay ula bixi jireen maamuladii soo
maray, waxaa intaa dheeraa xitaa in loo helay magacyo dadka iyo
magaalooyinka puntland. hal kudhagyada iyo magacyada ayaa waxaa
kamid ahaa in loo yiqiin Dowladii ugu horeysay ee maamulka
Puntland ee uu madaxda u ahaa col:C/lahi Yusuf loo baxshay
madax ka nool taas oo lagu xaman jiray in shaqada ugu badan
la qaban jiray ama ay ka socotay meesha ama gobolka uu markaa
Puntland ka joogo kornaylka. hase yeeshee dadka ayaa waxaa ay ku
haysteen xoogaa in tuugada aysan ku dhiirnayn in ay falal
danbiya ah galaan.
taa waxaa
xigay Maamulkii uu madaxda ka ahaa Col:Jaamac cali Jaamac ee
isagu aan si toos ah u caga dhigan waxaa loo baxshay mahayo.
oraahdaan ayaa malaha waxaa keenay rag Col:C/lahi Yusuf horey in
uu wax siiyo uga bartay kana waayay Col:Jaamac Cali Jaamac.
inkastoo ay
jirtay hardamid ka dhexaysay Jaamac cali jaamac iyo C/lahi yusuf,
waxaa meesha soo galay Jen:maxamuud xiri muuse (cade Muuse) oo
isagu hardamid iyo baalaxoofto dabadeed la heshiiyay C/lahi
yusuf.
maamulkii
sedexaad ee xiliga kala guurka ahaa jiray ee madaxda ka ahaa
Maxamed Cabdi Xaashi waxba looma bixin maadaaama dadka iyo
deegaankuba ay ku sii jeedeen dhinaca DKMG oo uu madaxweyne ka
noqday C/lahi yusuf iyagoo u arkay in ay malaha tahay riyadii
Puntland loo aas aasay oo qaangaadhay.
madaxweynaha
afaraad ee Puntland ayaa noqday Jen:Cade muuse waxbadan ayaa loo
riyaaqay qudbadii ugu horeysay ee uu jeediyay kadib markii uu
sheegay in uu xuli doono dhinaca wasiirada rag cusb oo aqoon
sare leh, hayeeshee balanqaadka ma wada fulin,inkastoo uu cade
muuse la kowsaday xili loolanka siyaasadeed ee Soomaaliya uusan
ku badnayn Puntland marka loo eego xilayadii kahoreyey
maamulkiisa, ayaa waxaa uu mujiyay dul iyo qabow badan xaga
shacabka ah ilaa dadka qaar ay sheegaan ama ubaxsheen in uu
yahay nin maskiin ah oo aan waxbadan ka aqoon dhaqanka
gobalada uu xukumo, maadaama uu ka yimid marka iyo koonfurta
soomaliya.inkasta ay Puntland weli ka jirto deganaansho iyo
xasilooni laakiinse waxaa la oran karaa kama aysan faa'idaysan
mudadii ay jirtay 9 sanadood.
dhibka ma aha
shacabka ee waa iyadoon wli lahelin maamul leh tayo kana maran
musuqmaasuq iyo hantida in lagu tagri falo. ufiirso waxaa weli
jira in canshuurihii iyo kala danbayntii ay shaqaynayso,
hayeeshee waxaad mararka qaar aad maqlaysaa iyadoo la leeyahay
Askartii xerada hebel ayaa Bangiga jabsatay xoogaagii yiilnay
qaadatay.? ma is tiraahdaa waa loo fasaxay si aan loo
xisaabtamin. ama laysku weydiin waxa yaal iyo waxa baxay.
Dadka maamulka
ku jiraa waa ragii Kacaanka 21 oktobar la shaqeeyay, malaha
iyagaa ugu dulqaad badan in ay lashaqaystaan nin madaxa oo raba
in uu sii joogo xafiiska ilaa laga ceyrinayo.
taa oo kaliya
maaha ee maba jiraan wax laga qabtay xaga arimaha bulshada sida
Caafimaadka, waxbarashada, amniga,dhaqaalaha, hantida dadweynaha,
wadooyinka, garoomada.iwm.
Dadka oo intaa
iyagu tabayay aayaa waxa kaliya ee ay isku ilowsiiyaan ay tahay
in amniga uu dhaamo meelo badan oo Soomaliya ka tirsan,
laakiinse waxaa imika muuqata in taasina ay sii diciifayso kadib
markii ay keceen burcad leh magaca fay-cali ee boosaaso
ama kuwa aan weli loo helin sumada ee ka howlgala Garoowe iyo
aga gaarkeeda ee iyagu boobay, kufsadayna dadkii rakaabka ku
ahaa gaari kayimid Boosaaso. falalka noocaan oo kale ah ee loo
yaqaan danbiyada abaabulan, ayaa waxay calaamad ay uyihiin in ay
jiraan dad qal qal gelin doona amniga Puntland haddii aan si
adag loola xisaabtamin. waxaase layaab noqon doonta haddii ay
dadkii kadanbeeyay noqdaan Askarta Puntland oo ka cabanaysa
Mushaaro aan lasiin in muda ah.
Puntland
maanta dadka qaar waxaa ay ku matalaan in ay tahay sida Ri' ay
leeyihiin caruur agoon ah, oo uu mas'uul uga yahay adeer
la dhashay aabahood, hase yeeshee Rida ay taqaan in ay isnuugto,
odayga adeera hadii uu rida gado waa uu kubalan furay walaalkii
haddii uu gowracana caruurtuu hantida ka baa ba-shay, haddii uu
sidaa udaayo caruurtaa caana beelaysa. maxaa lagudboon aan ka
ahayn in uu caag ama daasad uu madaxa u gelsho si aysan isu
nuugin.
tusaalahaan
ayaan uga goleeyahay in ay muhiim tahay in lahelo qaab loo bad
baadsho Puntland, iyadoon wax dhib ah aysan dhicin. maadaama
maamulka uu yahay sida rida isnuugida taqaan oo aan lagu soo
gaarayn hantidii dadka si wax loogu qabto umada. haddaba sidee
wax looga qabanayaa, ma dagaal iyo fowdo oo gowricii ah, ma iska
daayid(ilowsho) iyo dan ugelid la'aan oo ah dayicid shacabka
reer puntlan Sidee loogu gelshaa Caag ama Daasad madaxda
Puntland si aysan u cunin hantida.?
Dadka raba
isbedelka waa kuwee.?