|

Maxamed waa wiil yar 12 jir kuna nool
Magaalada Gaalkacyo, weligii ma arag
Dowlad Soomali oo dhan ka talisa, Maxamed arinkaas waxaa uu la
qabaa raga kale ee ay isku filka yihiin iyo xitaa inta maanta
jirta 20 sano.
arinkaan oo ah mid aafo ku ah Soomaliya
jiritaankeeda danbe maadaama ay halkaas ku lumeen jiil dhan oo
la rabay in ay la wareegaan mustaqbalka hogaanka wadanka,
Maxamed sida ka muuqata sawirka waxaa go'an lugta oo uu ka
curyaamay kadib markii ay la kacday miino la dhigay jidka isagoo
oo waddada socda. yaa udhigay wiilka yar miinnada.?
malaha miinnada markii la soo ibiinyay looguma tala gelin in
ay lugta goyn doonto Maxmed yare balse waxaa taasi sameeyay
xilkas xumada raga majaraha u hayay Soomaliya 16 sano ee lasoo
dhaafay.
waxaa jira weli dayacaad badan oo ku aadan dhinaca ubadka iyo
dadka tabarta daran
Cidna uma maqna iyaguna isuma naxaan
lQore: Abdulmalik M Farah(gaas)
Abdulmalikfarah@gmail.com
|