Warfaa Waxuu jiraa 20sano
ma aaminsana in caasimadaha aduunku ay degan yihin, layaab
malaha in uu sidaa u fakeraa Warfaa waayo waxaa uu la kulmay
Caasimadii Soomaliya oo ay xabadu ka ifayso magacyo badana loo
yaqaan, haddii uu si kaduwan wax u arki lahaa waxaa uu daris la
yahay Geedi oo 45 jir ah aana weligiis arag magaalo ka horeysay
Muqdisho.
Mar Warfaa uu Idaacadaha
muqdisho ka maqlay iyadoo ka sheekaynaysa in mudaaharaad uu ka
dhacay magaalada soul ee wadanka kuuriya. boolisna ay kala
ceyriyeen dadkii halkaas isugu soo baxay ayuu fahmi kari waayay
in dad jooga magaalo oo waliba gaaraya kudhowaad 15000 oo qof
inta ay isu soo baxeen ay kala ceyrsheen dad la yiraahdo Booliis,
Warfaa oo la yaabay sheekadaas ay sheegtay Idaacada ayaa mar
qura soo dhex dhigay dad odayaal ah oo uu ku jiro Geedi waxaana
uu yiri sidee ku dhacday.
Geedi ayaa waxaa uu ku yiri
malaha waa dad weli ku jira kaymaha oo aan helin wax hub ah, ama
waa dad laga adkaaday oo looma ooyaan ah.
Oday horey u ahaa sargaal
sare laakiinse mudadii dagaalka sokeeye iska ahaa shaqo la’aan
dhinacna ka fadhiyay meesha sheekada ka socotay oo ah meel
biibito ayaa waxaa uu yiri dadkaas waxaa ay leeyihiin Dowlad oo
Booliska waa ciidamada nabadgelyada oo ay lee dahay dowlada kana
shaqeeya nabad gelyada wadankooda, Geedi ayaa yiri Dowlad soo
maha tii aan iska ridnay.
Odayga ayaa yiri haa,
Geedi ayaa yiri oo may iska ridaan wuxu wax rag ah ma aha miyaa.
Odayga oo ka gaabsanaya in Geedi uu ku caroodo maadaama uu
markaas gacanta ku haystay qori AK47, ayaa yiri ma aqaan waxa ay
uridi la’ yihiin.
Warfaa ayaa yiri war
nagadaa wuxu ma aha wax jira, inta istaagay ayuu cirka u riday
AK47 dhowr xabadood. Nin meesha marayay oo yiqiin Warfaa ayaa
yiri war Warfaa Magaalada xabada ka daa’. Warfaa ayaa yiri oo
magaalo aan xabad ka dhacayn miyaa jirta. Waa runtii waayo waxaa
uu magaalada soo galay iyadoo ay ka dhacaysa xabad, dadkuna
qaxayaan, wuxuuna aaminsan yahay in uu ku joogo magaalada
Qorigiisa.
Geedi ayaa yiri ma jirto
magaalo aan xabad ka dhacayn laakiinse ma aqaan kuwaas haddeer
idaacada laga sheegayay oo ay iska ceer ceersanayaan Booliska,
anaga Boolis iyo koolis midna ma naqaan Qorigaan ayaan naqaan.
Meesha ayaana lagu kala tagay. Iyadoo weli warfaa iyo Geedi ayan
fahmin in magaalooyinka aduunka Degan yihiin.
Cidna uma maqna iyaguna isuma naxaan