marka qofka neefta qabaa uu duray ku dhaco
ama qabow uu haleelo, ma aha oo kaliya waxa ka yimaada diif, iyo
dareere ee waxaa la socda bur bur yar, inta badan waxaa uu
sababaa in uu kordho oo uu kobco virus-ka durayga, kaas oo sababa
Neef (Asma) daran.
sabata waxaa weeye waxaa maqan walax
muhiim ah oo kala goyn lahayd durayga ama qabowga, protiinka ayaa
soo saara immunsystem, sidaas waxaa cadeeyay cilmi baare Ingiriis
ah sida ay qortay Time inline. Protinkan maqan ayaa lagu
magacaabaa Interferon, kaas oo hoos u dhiga Virus-ka.
Professor Sebastian Johnson, oo ka mid ah
kuwa ugu horeeya ee ku taqasusay aagaas Asmada, ayaa
soo bandhigaya 19 febraayo, sida ay suuragalka u tahay in loo
daaweeyo arinkaas iyo wixii baaritaankaas ka soo baxay.
waxaa uu baaray dad aan qabin Neef(Asma)
isagoo kabaaray dhuunta , waxaa kaloo uu baaray dad qaba Neefta,
dadkaas oo idil waa ay saameysay buu yiri duray ee qabowga,
viruskiisa,
hayeeshee dadka ay ku yar tahay
protiinka hoos u dhiga durayga qabowga, ay yihiin dadka ay neeftu
ku dhacday.waxaa uu yiri waxaa taasi loola jeedaa in dadka Neefta
qabaa haddii uu durayga qabowga asiibo aysan awoodin in ay hoos
isaga dhigaan ama iska difacaan viruska. dhuunta wadada neefta
ayaa cuslaata oo isxirta, waana ay sii korataa ilaa ay ka noqoto
qofku mid la ildaran Neef.
Daawada waxaa la helayaa mudo 5sano.
Sebastian Johnson waxaa imika ku hawlan yahay isaga iyo koox
daawada ku takhasustay, sidii ay u kobcin lahaayeen Antibiyootika
khaas ah taas oo lagu salaynayo jawaabtii cilmi baarayaasha.
Johnson sida laga xigtay Times
Online waxaa uu yiri haddii sida loogu tala galay u meel marto
daawada waxaa ay noqonaysaa mid si caadi ah looga helo dukaamda
Daawooyinka lagu iibsho 5 sano gudahooda.