
Aarhus:(Aayatiin)Dayax
Madoowaad la sheegay in uu harayn doono Danmark
03.maarso-04.marso.2007
waa markii koowaad tan iyo 2004 in Dayax
madoowaad laga arko Danmark,arinkaas ayaa waxaa la odorasayaa in uu
ku beegan yahay 03 marso.2007.
waxaa la sheegayaa habeenimada u dhaxaysa
03. maarso iyo 04.maarso in ay dhacyso. waxaa kaloo ay yiraahdeen
sanadkan wax Qorax madoowaad lama filyo Danmark. arinkaan in Dayaxa
uu madoowaan doona waxaa shaaciyay Tycho Brahe Planerarium.
madoowaadka ayaa ku beegan taariikhiyan inta
udhaxaysa. 03.marso iyo 04.marso.2007. saacada marka ay tahay 21:16.
ilaa iyo 03:26 waxaana lasheegay in ay madowga laga dareemyo dhulka.
waxaa kaloo ay sheegeen qayb ahaan in ay bilaabmayso saacada marka
ay tahay 22:30 iyadoo dhamaanaysa 02:12 sida lagu shaaciyay netka
Planetariet.
meelo badan oo kamid ah wadanka Danmark ayaa
looga diyaargarooway in la daawado.
Fiiro Gaar ah:
Dadka Muslimiinta ah, iyagu waxaa baray Rasuulka suuban
NNKH. haddii ay dhacdo in midkood uu madoowaado dayaxa ama Qoraxda
waxaa la inaka rabaa in aan u deg degno oo aan tukano Salaatu
khusuuf ama Kusuuf oo ah mid loo tukanayo si jamaaco ah, allana laga
baryayo in uu inaga leexsho ciqaabkiisa,
salaadana waxaa ay soconaysaa ilaa
uu Dayaxa ama qoraxda ay sideedii hore ka noqonayso.
fadlan weydii Culumada Diinta Islaamka si
aad uga fogaato qaladaadka oo idil.
Isha:/JP
Sidee kula tahay barnaamijka
akhriso oo Ogsonow ku soo dir
qiimayntaada
Abdulmalik@aayatiin.net ama Aayatiin@aayatiin.net
|