Aarhus:(Aayatiin)
Magaalada
Magdeburg. ee Danmark waxaa ka
dhacday in nin 91 jir ah oo kaligii guri uu isagu
leeyahay ku noolaa hinaca bari ee magaalada Magdeburg.
uu dhibsaday biyo kaga soo shubmayay guriga saqafka kore
oo isagu daloolay. ninkaan
waayeelka ayaa waxaa uu isku dayay in uu isagu
iska xaliyo mushkilada biyaha ay ku hayaan soo galaya
gudaha aqalkiisa. sida ay sheegtay Reuters.
dadka waa weyn ee wadamada reer
galbeedka ayaa iyagu inta badan la kulma dhib noocaan oo
kale ah ama ka xun, maadaama aysan la nooleen inta
badan caruurtooda iyo ehelkooda caawin kara.
odaygaan 91 jirka ah ayaa tafay
saqafka kare isagoo sii qaatay salad uu ku ritay wax uu
ku owdo duleelka.
Dariskii ayaa waxaa yay arkeen
odaygii 91 jirka ahaa oo dul saaran saqafka korkiisa,
markiiba waxaa ay weceen ciidanka Booliska iyo
Qolooyinka gargaarka deg dega ah, iyagoo usheegay
Booliska in uu odaygu rabo in uu iska soo tuuro guriga
dushiisa,si uu isu dilo.
markii ay yimaadeen booliska iyo
qolooyinka gargarka deg deg ah,waxay markiiba ugu koreen
dusha sare ee guriga waxaa ay si kadis ah u qabtee
odaygii 91 jirka ahaa. odayga ayaa isku dayay in uu
sharaxaad ka bixiyo waxa uu ka qabanayay dusha sare ee
guriga,hayeeshee cidna ma dhagaysan, waayo waxaa uu ku
jiraa da'da loo yaqaan qof aan isku filnayn caqli iyo
awood,
mudo kadib ayaa waxaa ay
ogaadeen boliska in uu odayga uu ku saxnaa
sharaxaadiisii.
Isha JP: SØREN MUNCH
Sidee kula tahay barnaamijka
akhriso oo Ogsonow ku soo dir
qiimayntaada
Abdulmalik@aayatiin.net ama Aayatiin@aayatiin.net