Aarhus:(Aayatiin)manuel
Uribe haddeer waa un 381kg kaliya. wuxuu u baxay dibada sanado badan
kadib maanta.

Waxaa uu ahaa inta uusan
isticmaalin kahor baaskiilka lagu jimicsado, 561kg,
Manual Uribe oo imika ah 381kg ah ayaa u dabaaldagaya markii
ugu horesysay ee uu dibada u soo baxay 5 sano, wuxuu ahaa markii
hore culayskiisa 561kg, isagoo iska tuuray culays.
Cirka aad ayuu u
quruxbadan yahay waana Buluug oo qoraxdana diirimaad wanaagsanaa.ayay
ahayd ereygii uu yiri ee ugu horeyay.
waxaa kaloo looga dabaal
dagay Manuel Uribe in uu dibada u soo baxay markii ugu horeysay 5
sano, dariiqyada yar yar ee ku yaala Monterrey-forstad San Nicolas de los Garza
wadanka Mexico. dhibkiisa ugu badan waxaa uu ahaa in uu
culus yahay.
markii ugu horeysay ee uu
ubaahdo caawin waxaa uu ahaa 561,36 kg. culayskiisa. inta aan
loo keenin kahor baaskiilka gacmaha lagu wado.
imika oo uu yahay 381,82kg waa wax
lagu farxo hayeeshee ma aha wax la orankaro waa tii caadiga ahayd.
Manuel waxaa uu dibada u soo baxay asagoo dul saaran gaari kuwa
xamuulka qaada oo laga furay wixii ku dadnaa.
Ninkan 41 jirka ah, waxaa uu
dagaal ugu jiraa in uu dibada uga baxo
sariirta uu dulsaarnaa sanado. oo uu hawada carfoon soo qaato.
markii uu ka soo dul kacayay sariirtiisa waxaa ka soo dul qaaday lix
nin oo aad u xoogan.iyagoo soo riixayay si ay usaaraan sariirta
birta ahayd ee ku xirnayd gariga xamuulka.markii uu dibada u soo
baxay ayaa loogu dabaal dagay sida nin geesi ah oo guul soo
hooyay.waxaana lagu soo wareejiyay magaalada.

aad ayaan ugu farxay in uu dibada u
soo baxay oo hawo cuusb iyo qorax diiran uu soo helay, aniga haddaan
ahaan lahaa waan waalan lahaa ayuu yri.Guadalupe Guerra oo deris la
ah Manuel-
ugu horeyntii markii uu caruurta
ahaa ayuu manuel Uribe ahaa wiil culays leh,laakiinse waxaa uu
culayskiisa qarxay 1992, 10sano kadibna waxaa adkaatay in uu
sariirta ka dul kaco. oo uu dibada u baxo.
halkaas ayuu yiil, waxaa uu caawin
ka helayay hooyadiis iyo asxaabtiisa oo iyagu ka caawin jiray in ay
ka hagaajiyaan wax yaalaha uu u baahnaa,siiba kuwa u baahan in la
nadiifiyo.
Bishii janaayo 2006 ayuu ka muuqday
TV caalamiga ah, isagoo caawin weydiistay caalamka siiba
dhaqaatiirta iyo quburada Spanishka iyo Talyaaniga, waxaa ay u soo
bandhigeen in ay ku sameeyaan qaliin si looga jaro baruurta iyo
hilibka qaar
laakiinse waxaa uu doortay Manuel
in uu qaato caawintii ay u soo bandhigeen quburada ku xeel dheer
iscaateynta ee Reer Maksika.
waxaa uu ku raad joogay Uribe in uu
ka sal gaaro yoolkiisa iscaataynta isagoo iska tuuray markii horeba
130kg.
mar la weydiiyay yoolkiisa. ayuu
yiri waxaan tiigsanayaa in aan dibada uga baxo gurigaygan.anigoon
aan qofna i caawin. laakiinse waan ogahay in ay taas imaanayso si
tartiib tartiib ah,
marka uu kabaxo dhibkaan ayuu waxa
uu damacsan yahay in uu furo sanduuq lagu caawinayo dadka u baahan
in la caawiyo ee aadka ucul culus.
Isha:JP ekstra.AP
Sidee kula tahay barnaamijka
akhriso oo Ogsonow ku soo dir
qiimayntaada
Abdulmalik@aayatiin.net ama Aayatiin@aayatiin.ne