|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
     
  Aayatiin bisha janaayo--abriil 2006.. Wejiga hore... Aayatiin bisha Maajo--luulyo 2006.. Wejiga hore   Akhrisoo Ogsoonow...

Cayaaraha Kubbada Koleyga ee Jarmalka oo uu nin soomaali ah tababare ka yahay

Manuel Uribe waxaa uu kufarxay in uu gaaray culayskiisa 381kg, kadib markii uu fursad u helay in uu dibada uga baxo gurigiisa oo ku xayirnaa sanado badan.21.03.07

Haweeney  Rakaab ah oo ku dhex dhimatay dayuurada British airways, ayaa ula muuqday ninkii la fadhiyay qof degan oo aan shanqar rabin.19.03.07

Oslo:Siyasiyiinta Bergen ee ka soo horjeeda soo galootiga wadanka Norway, ayaa balan qaaday in ay ku cayrsan doonaan muslimiinta cagaha doonfarka iyo codad, haddii ay u isticmaanaaln faras magaalaha Bergen in ay ku tukadaan.

 Nin 91 jir ah oo isagu hagaagsanayay saqafka sare ee gurigiisa ayaa boolisku ay xireen

Xiriirka Telefishinka Shiinaha ayaa mamnuucay in laga soo daayo telefishinada wax doofaar ah xiliga dabaal dega sanadka doofaarka lagu jiro,Iyadoo lagu  Sharfayo dadka shiinaha  ee muslimka ah.

Dayax Madoowaad  hareeyayDanmark iyo meelo kale ee aduunka kamid ah  habeenkii xalay ahaa iyo iyadoo la Saadaalinayo in uu dayaxu madoowaan doono 21.Febrayo 2008.

Dayax Madoowaad la sheegay in uu harayn doono Danmark 03.maarso-04.marso.2007

Michael Jackson oo laga yaabo in uu Muslimo.

Nin Austaraliya udhashay oo kaluumaysta ah ayaa libaax badeed nool gacantiisa ku qabtay.

Teebka Kumbuyuutarka Waa meel ay ka buuxdo Bakteeriya Beerka infekshan ku dhalisa.

Dadka Cudurka Neefta(Asmada) qaba waxaa ka maqan Protiin Khaas ah.

Maskax oo  lamariyo skanin ayaa lagu ogaanayaa wa.xa uu qofka ku fekerayo mustaqbalka dhow.

Orangutangen oo qatar ku jira in gabi ahaanba la waayo

Ninkii ugu dheeraa taariikhda kubada baskitka oo lala galay heshis

Kalkaaliso afka sharooto kaga xirtay caruur markaa dhalatay  kadib markii ay dhibsatay oohintooda

Qofkii ugu weynaa aduunka inta diwaan gashan ayaa xalay ku geeriyootay  114jir.

Dadka qaniga ah ee aduunka

Wadamada ugu qatarsan aduunka xaga dilka

Waxar yar oo ku dhalatay iyadoo leh lix lug iyo laba Luqun Villa Vieje wadanka Kolombiya

Gawaarida Laxaday 2005 kuweeUgu badan Caalamka.waana Noocyadee.

NInka Ugu dheer Aduunka XI SHUN

Magacyada dhabta ahaa ee cayaaryahanada canka ah

Wadamada ay bulshadoodu Saacado badan horfadhiyaan Telefishinka. waa.

Shiinaha oo aad loogu dhinto Miina qodista

Wargelin aan loo diyaar garoobin oo mobilka laga sheegay

Dadka oo ka sii xiisa dhacaya isticmaalka waraaqaha qoristooda

Nin  udhashay wadanka japaan ayaa haysta bilada raashin cunida aduunka

Xaruumihii hore ee loo dalxiisi jiray oo imika la bedelay.

Dayuuradaha leh darajada koowaad(first class)kuwa ugu sareeya raaxada.

 

 

 

Cayaaraha Kubbada Koleyga ee Jarmalka oo nin soomaali ah tababare ka yahay

 

WD:Abdulmalik M.Farah (gaas)

Aarhus:(Aayatiin)Tartankii kubbada Koleyga ee dhallinta ka yar da’doodu 16 sno jir ee xaafadaha waddanka Jarmalka ayaa soo gabagaboobey.

Tartankaan waxaa ka mid ahaa xaafadda lagu magacaabo Lüdinghausen kana tirsan degmooyinka hoosyimaada magaalada Coesfeld ee gobolka Nordrhein Westfalen.

jadwalka sida ay xaafadaha ku kala galeen halkaan ka eeg
http://www.bbkms.de/tabellen/Ju%20U16mW.html

Kooxdaan ka socotay xaafadda Lüdinghausen waxay gashay kaalinta labaad kadib markii xaafadda Nordkirchen goolal tirsigii ku dhaaftay 28 gool oo qura. Labada xaafadood waxay noqdeen isku dhibco dhibcahoodii midkiiba waa 24  dhibcood.

04.03.07 waxay ahayd cayaartii ugu dambaysay oo ay ku kulmeen labadaan xaafadood Lüdinghausen iyo Nordkirchen. Waxayna guushii raacday xaafadda Lüdinghausen 85 iyo Nordkirchen 76.  Cayaartu waxay ahayd cayaar dadkii daawanayey oo dhan ay aad ula dheceen xaaladdii ay ku ciyaarayeen xaafadda Lüdinghausen, taasoo keentay inay haweenaydii tababaraha u ahayd xaafadda Nordkirchen si kalgacal leh ugu hambalyeesay Tababarihii kooxda xaafadda Lüdinghausen ee Xersi Faarax Xayir, kuna tiri:“xeeladdii aad soo bandhigtay waxay ahayd xeelad iga yaabisay guushana waad u qalantaa“ .

Cayaartaas tii ka sii horreeysay ee ay kulmaan labadaan xaafadood ayaa guushu ku raacday xaafadda Nordkirchen 115 iyo Lüdinghausen 65. isaragii dambe ayey u malaynayeen Nordkirchen inay sidii tii hore si sahal ah guusha u raacayso, balse waxay la kulmeen dharbaaxo xagga soomaaliya kaga timid. 

Cayaartii markay dhammaatay ayey dadkii oo dhan u sabciyeen tababarihii Xersi Faarax Xayir, qaarna way u yimaadeen oo gacan qaadeen.

Tababaraha xaafadda Lüdinghausen waa tababare soomaaliyeed in muddo sanad ah tababare u ah xaafaddaas. Xersi wuxuu tababaridda kubbadda koleyga u haystaa shahaado laga siiyey xafiiska Westdeutscher Basketball-Verbund e.V. Waa xafiiska waddanka Jarmalka  u qaabilsan kubadda koleyga ee gobolada galbeed. 

Fiiri Wargeys Afjarmal ku qoran  oo ka hadlay guusha Kooxda uu Xersi u yahay tababare. http://union08.de/basketball/aktuelles_u16_lokalderby_noki.htm
 

Xersi Faarax Xayir wuxuu ahaan jiray ciyaartoy kubadda koleyga, una ciyaari jiray kooxda warshadda sigaarka iyo Taraqa. Xersi wuxuu ka soo ciyaaray ciyaaro badan soomaaliya. Ciyaarihii sii ugu caansanaa wuxuu ka muujiyey markuu ciyaarayey dugsiga sare ee Banaadir, kaasoo ku hantay dhawr jeer inay kooxdiisu qaataan koobkii dugsiyada sare ee gobolka banaadir. Wuxuu kaloo soo noqday cayaar wanaagii ugu fiicnaa cayaarihii dugsiyada sare, kuna hantiyey billad sharaf uu siiyey wasiirkii isboortiga 1980. 

Xersi wuxuu ku rajo weyn yahay inuu mustaqbalka u noqdo tababare mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee dalka Jarmalka.  

Mar aan telefoon ku wareystay waxaan waydiiyey  Goortii uu ka soo dhoofay soomaaliya iyo in uu  kooxo dibadda ah u ciyaartay? 

Xersi: Waxaan soomaaliya ka soo dhoofay 1.06.1982. Waxaana soo maray waddamo kala duwan. Ugu dambeyna waxaan ku soo biyo shubtay waddanka Denmark oo aan soo galay Abriil 1987. waxaan isku dayey inaan koox raadsho una ciyaaro. Waxaase ii diiday inaan ciyaaro wakhtiga, markaas da’daydu waxay ahayd 24 jir. Waxaan aad u jeclaa waxbarashada taas ayaa ii diiday.

Waxaan mar helay koox la yiraahdo Viby oo ciyaarahooda kuwa waddanka Denmark ugu horeeya ahaa. Tababarihii ayaan iga codsaday inaan la qaato tababarka, kadib markuu i arkay anigoo maalin iska imid oo la sameeyey tababar. Wuxuu isku dayey inuu marar badan suuqa dhexdiisa inta uu ila kulmay i su’aalay waxa iga horistaagan inaan kooxdiisa ka mid noqdo. Runtii waxa iga horistaagnaa waxay ahayd waxbarashada.

Kadib waxaan duuduubay magacii kubadda koleyga oo dhan. Inaan marar iskala ciyaaro koox soomaaliyeed oo sidayda waa hore ciyaari jirtay mooyee waan iska daayey inaan ciyaaro. 

Hadda maxaa kugu soo celiyey inaad ku soo noqoto KK? 

Xersi: Waxaa igu soo celiyey inaan ku soo noqdo kubaddii koleyga=KK waxay ahayd kadib  markuu wiil aan dhalay igu yiri aabbe waxaan jeclahay inaan kubbada koleyga barto, waayo anigaa uuga sheekeeyey inaan ciyaari jiray. Wiilkayga waa 8 sano jir, gabadhaydana waa 12 sano jir wayna ciyaartaa iyaduna.

Waxaan arkay inay caruurta kk  jecelyihii inay bartaan oo ay ciyaaraan. Waxaan u tegay xaafadda aan degganahay una sheegay inaa hore u ciyaari jiray. Markay i arkaan sidaan u ciyaarayo ayey iga codsadeen inaan tababare u noqdo dhallinta da’da yar(lixiyo sano ka yar) iyo carruurta yar yar. Sidaas ayaana ku bilaabay waxbarashada tababaridda maadaama aanan sidii hore u ciyaari karin waxaan is iri xagga tababaridda u wareeg. 

Xaggee kala timid xeeladda  iyo waayo aragnimadaas? 

Xersi: Xaqiiqdii xeeladda aan wato iyo midda aan dhallintaas u gudbinayo waxaa weeye mid aan soomaaliya ka soo bartay tababaradaydii. Aad iyo aad ayaan u kala duwan nahay jarmalka. Qaar ka mid ah xeeladda waxaan ka bartay waxbarashii tababarida, qaarna waxaa weeye qaar aniga ila dhashay waxaan ka wadaa ila socda markasta oo aan soomaaliya kala imid. Tan aan soomaaliya kala imid weeye tay la yaabaan dhammaantood.   

Waxaan kuu rajaynayaa mustaqbalka Xersiyow adigoo koox soomaali ah gacanta ku hayo. 

Hurdiwaa

Isha:Wargeyska Aayatiin

 

Sidee kula tahay barnaamijka akhriso oo Ogsonow ku soo dir qiimayntaada Abdulmalik@aayatiin.net ama Aayatiin@aayatiin.ne

 

 


 

 

Dib ulaabo webmaster@aayatiin.net  
 
 
                                                                                       www.Aayatiin.net