Aarhus:(Aayatiin)
Yaxaaska Niil. Caadi ahaan waxaa uu ku nool yahay Afrika waana
qatar,waana qatar caalami ah.Chang Po-yu gacantiisa bidix
ayaa loogu celshay halkii ay ka go'day.


Arinka Taariikhiga noqday ayaa caalamka oo idil ku fidy
ka dib markii Dakhtar xayawaanka (veternaria) uu isku dayay in
daawo siiyo Yaxaas, si uu afka u kala qaado ayuu fartiisa yar afka
usaaray.Haddii uu qof isku dayo in fartiisa afka ugeliyo Yaxaas
waxaa uu qatar ugu jiraa in gacanta oo idil in uu waayo. gacanta oo
iidl ayuu yaxaaskii afka gashatay isagoo markiiba goostay.
waxay noqotay arin naxdin leh oo ku keentay in la
shaqayn waayo Shaoshan Zoo oo ku yaal Taiwan.
Waxaa Dhakhaatiirta ay isku dayeen in ay ka helaan
Yaxaaska Gacanta Saaxiibkooda Chang Po-Yu oo uu afka ku sitay xoogaa
daqiiqada ah.Dhaqtarka Xayawaanka waxaa uu ahaa nin gacanta ku haya
xayawaanada qaarkood oo daawayn jiray, Yaxaaska gacanta ka goostay
ayaa ah 17jir, waxaana uu ka mid yahay laba yaxaas oo laga keenay
Nil afrika. kuwaas oo aad uga xaalad duwan kuwa kale, waxaa ay
deganaayeen Xaruunta xayawaanaadka. waxaa ay sheegayaa wararka qaar
in Dhaqtarka uu siiyay daawo kabadan tii caadiga ahayd taas oo
keentay in uu noqdo mid aan daganayn.
waxaa markii ugu danbaysay la go'aansaday in la toogto
Yaxaaska si looga celsho gacanta Dhakhtarka inta uusan liqin. waayo
waxaa aad looga fekerayay in la helo gacanta oo weli nool oo aan
tagin caloosha Yaxaaska.
Go'aankii ayaa ku soo bisho shubtay in la toogto laguna
toogto daawo suuxisa si looga fogaado in yaxaaska laftiisa la
waxyeeleeyo oo uu u dhinto .Hay'adaha u dooda xayawaanka ayaa
arinkaas aad ula dhacay.
si kastaba waxaa lagu guulaystay in yaxaaskii la toogto
gacantiina laga soo celsho. waxaa lagu toogtay tarasaas daawaysan oo
ah mid gudbi karta jirka adag ee yaxaaska.
Sidee kula tahay barnaamijka
akhriso oo Ogsonow ku soo dir
qiimayntaada
Abdulmalik@aayatiin.net ama Aayatiin@aayatiin.ne