|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
     
  Aayatiin bisha janaayo--abriil 2006.. Wejiga hore... Aayatiin bisha Maajo--luulyo 2006.. Wejiga hore   Akhrisoo Ogsoonow...

Mustaqbalka waxaa guriga kaaga adeegaya Robot(Boombalo)

Pop Benedikt XVI ayaa hadiyad ku helay 15.001. oo kabo ah

Magaalooyinka ugu waa weyn uguna dadka badan bariga dhexe.

Shiinaha waxay ku tijaabinayaan Daawooyinka Xayawaanka sida Shabeelka

Dhakhtar-xayawaanka oo Gacantiisa bidix uu ka goostay Yaxaas uu daawynayay.12.04.07

Musqulaha(Suuliga)ayaa ka nadiifsan Teebka kumbuyuutarka 07.04.07

Ninka ugu dheer aduunka oo guursaday Qoftuu jeclaa.06.04.07

Cayaaraha Kubbada Koleyga ee Jarmalka oo uu nin soomaali ah tababare ka yahay

Manuel Uribe waxaa uu kufarxay in uu gaaray culayskiisa 381kg, kadib markii uu fursad u helay in uu dibada uga baxo gurigiisa oo ku xayirnaa sanado badan.21.03.07

Haweeney  Rakaab ah oo ku dhex dhimatay dayuurada British airways, ayaa ula muuqday ninkii la fadhiyay qof degan oo aan shanqar rabin.19.03.07

Oslo:Siyasiyiinta Bergen ee ka soo horjeeda soo galootiga wadanka Norway, ayaa balan qaaday in ay ku cayrsan doonaan muslimiinta cagaha doonfarka iyo codad, haddii ay u isticmaanaaln faras magaalaha Bergen in ay ku tukadaan.

 Nin 91 jir ah oo isagu hagaagsanayay saqafka sare ee gurigiisa ayaa boolisku ay xireen

Xiriirka Telefishinka Shiinaha ayaa mamnuucay in laga soo daayo telefishinada wax doofaar ah xiliga dabaal dega sanadka doofaarka lagu jiro,Iyadoo lagu  Sharfayo dadka shiinaha  ee muslimka ah.

Dayax Madoowaad  hareeyayDanmark iyo meelo kale ee aduunka kamid ah  habeenkii xalay ahaa iyo iyadoo la Saadaalinayo in uu dayaxu madoowaan doono 21.Febrayo 2008.

Dayax Madoowaad la sheegay in uu harayn doono Danmark 03.maarso-04.marso.2007

Michael Jackson oo laga yaabo in uu Muslimo.

Nin Austaraliya udhashay oo kaluumaysta ah ayaa libaax badeed nool gacantiisa ku qabtay.

Teebka Kumbuyuutarka Waa meel ay ka buuxdo Bakteeriya Beerka infekshan ku dhalisa.

Dadka Cudurka Neefta(Asmada) qaba waxaa ka maqan Protiin Khaas ah.

Maskax oo  lamariyo skanin ayaa lagu ogaanayaa wa.xa uu qofka ku fekerayo mustaqbalka dhow.

Orangutangen oo qatar ku jira in gabi ahaanba la waayo

Ninkii ugu dheeraa taariikhda kubada baskitka oo lala galay heshis

Kalkaaliso afka sharooto kaga xirtay caruur markaa dhalatay  kadib markii ay dhibsatay oohintooda

Qofkii ugu weynaa aduunka inta diwaan gashan ayaa xalay ku geeriyootay  114jir.

Dadka qaniga ah ee aduunka

Wadamada ugu qatarsan aduunka xaga dilka

Waxar yar oo ku dhalatay iyadoo leh lix lug iyo laba Luqun Villa Vieje wadanka Kolombiya

Gawaarida Laxaday 2005 kuweeUgu badan Caalamka.waana Noocyadee.

NInka Ugu dheer Aduunka XI SHUN

Magacyada dhabta ahaa ee cayaaryahanada canka ah

Wadamada ay bulshadoodu Saacado badan horfadhiyaan Telefishinka. waa.

Shiinaha oo aad loogu dhinto Miina qodista

Wargelin aan loo diyaar garoobin oo mobilka laga sheegay

Dadka oo ka sii xiisa dhacaya isticmaalka waraaqaha qoristooda

Nin  udhashay wadanka japaan ayaa haysta bilada raashin cunida aduunka

Xaruumihii hore ee loo dalxiisi jiray oo imika la bedelay.

Dayuuradaha leh darajada koowaad(first class)kuwa ugu sareeya raaxada.

 

 

 

Soo saarihii Nalka Kala haga Baabuurta

WD:Xirsi Faarax Xayir

  Aarhus:(Aayatiin) Soo saarihii nalka kalahaga baabuurta.ku Akhri PDF ahaan Guji Halkaan

 

 

 

 

Morgan

Garrett Augustus Morgan wuxuu dhashay March 4, 1877, wuxuuna geeryooday  August 27, 1963. Wuxuu ahaa nin afrikaan-Maraykan wax cusub soo saara, aahaana nin beecmushtar ah. Wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey oo soo saara nalka kalahaga baabuurta. Wuxuu kaloo ahaa ninkii ugu horreeyey oo soo saara gas mask(ogsijiinka sanka iyo afka lagu xirto marka ay wax dhacaan), wuxuu kaloo soo saaray(alifay) waxyaabo kale oo badan. 

Morgan wuxuu ku dhashay Baariis(Paris, Kentucky USA). Wuxuu ahaa wiil ka mid ah 11 carruura ah oo uu dhalay nin adoonnimo ku shaqeyn jiray(xoog lagu haysto oo afrika laga kaxaystay). Waxaa la dhashay 10 carruur, isagana wuxuu ahaa lambarka toddobaad(4 way ka yaraayeen, lixna way ka waa weynaayeen).

Dugsiga wuxuu uuga tagay hoose/dhexe  markuu dhammeeyey.

1895 Markuu dhallinyaranimo soo gaaray ayuu u guuray magaalada Cincinnati, oo ka tirsan gobolka Ohio, isagoo ka raadsanayey fursad(shaqo).

Wuxuu caan ku ahaa samaynta mashiinada warshadaha waaweyn ku shaqeeyaan. Taasna waxay u suurta galisay inay shirkado badan jeclaystaan inuu u shaqeeyo.

1907 wuxuu samaystay shirkad uu isaga leeyahay waxna tosha(harqaan), waxna samaysa haddii dharka jeexmaan. 1909 waxay shirkadiisa noqotay mid caan ah, waxaana u shaqeynayey 32 qof. Mashiinadaha ay isticmaalayeen shaqaalihiisa wuxuu ahaa mashiino uu isagu soo hindisay(alifay). 

1920 wuxuu noqday nin caan ah, lacagna leh. Wuxuu iibsaday baabuur. Isagoo kaxaysanaya baabuurkiisa kuna dhexwata magaalada Cleveland ayuu arkay inay khatar xun tahay waddooyinka sida baabuurtu isku dhaafayaa iyadoon wax kala hagayana aysan jirin. Halkaas ayaa waxaa ka bilaabatay ku dhalashadii inuu sameeyo inaysan khatar noqon baabuur kaxayntu iyo waddada goynteeda.

Fikraddii(alifkii) sameynta nalka kalahaga baabuurta ayaa ku dhalatay. 

Tekstboks:

Markuu Morgan helay fikraddii ayuu 1923 dowladda ka diiwaangaliyey fikraddiisa waxaana la siiyey lambarka U.S. patent No. 1475024. Fikraddiisa Nalkaas wuxuu ahaa mid ah Qori dheer oo gacmo leh. Midabada nalalka waxay kala ahaa Guduud(Istaag), Cagaar(Soco) iyo guduud(istaag oo dhinac walba ku qoran).

Ushaas dheer waxay lahayd meel laga xukumo nalka.

Soo saarkaas uu soo saaray fikraddaas cusub wuxuu Morgan ku helay magac weyn. Wuxuuna noqday Nalkaas mid waddanka USA meel kasta laga isticmaalo.

Morgan wuxuu fikradaas(haysashada xuquuqda alifaha) ka iibiyey shirkad la oran jiray General Electric Corporation kana siiyey 40.000 US$(afartan kun). Lacagtaasna waxay ahayd waagaas mid aan laga sheekayn karin badnaanteeda.

 

Morgan wuxuu soo saaray oo kale gas mask(ogsijiinka sanka iyo afka lagu xirto marka ay wax dhacaan) patent No. 1090936, sanadkii 1914 Wuxuu kaloo soo saaray mask-gaha qiiqa layskaga celiyo patent No. 1113675, sanadkii 1912.

Wuxuu kaloo soo saaray Harqaanka sida sag-saaga ah wax u tolo, mashiinka timaha qalajiya oo toos ka dhiga, iyo kuwa lagu shanleeyo (patent No. 2763281, sanadkii 1956). Soo saaridda gas mask waxay ahayd mid aad iyo aad loogu mahadceliyo Morgan waayo wuxuu badbaadiyey intaas oo naf(dagaalada iyo dabka). Si uu u tusiyo mask-kaha qiiqa layskaga celiyo inuu wanaagsan yahay ayuu wuxuu isagoo xiran dhex maray kubri la olaliyey oo ku yaal Cleveland, Ohio, wuxuuna dhinicii kale ka soo baxay isagoon waxna qabin. 

Patent=Xuquuqda alifaha waxa uu soo alifay. Dowladaha horey u marayna waxaa jira xafiisyo lays ka diiwaan galiyo, laguna siinayo warqad sharciyan ah iyo lambar sheegaya adiga inaad tahay qofka kaliya oo waxaas soo alifay.

Haddii aad hayso fikrad wax cusub u tag waddanka aad joogto meesha u qaabilsan Patent, iskana diiwaan gali.

Xafiiskaas wuxuu baarayaa in fikradaada horey qof kale u soo bandhigay iyo in kale dabadeedna markuu waayo wuxuu ku siinayaa warqaddaas sharciga ah, waxaadna bixinaysaa wax yar oo lacag ah(lacagta la bixiyo way kala duwan tahay waddamada), waxaana jira iyana xafiiskaas diiwaangaliya fikradda inuu xataa diiwaangalin karo in fikradaada dhammaan dunida oo dhan laga isticmaali karin fikraddaas iyadoon qoraal sharciya adiga lagaa haysan. 

Waxaa jira shirkaddo badan oo intaas isha ku haya dadka fikradaha soo dira oo markiiba ka iibsada iyagana la wareega xuquuqdaas halkaasna soo saara waxaas cusub. Dad badan oo reer galbeed ah ayaa waxay intaas oo milyan ka helaan soo saaridda fikrad cusub iyagoon shaqo tagin, habeen iyo maalinna fikrad baara.

Waxaana ka mid ah in reer galbeedka dunida ku wareegaan oo wixii cusub oo ay arkaan markiiba ka diiwaan gashada dalalkooda.

Waxaa jira in dadka qaar la xiriiraan xafiiskaas diiwaangaliya fikradaha cusub, kalana soo baxaan fikradihii hore ee la diiwaangashaday markii wakhtigoodii diiwaanka uu dhamaado, taasna waa wax loo ogolyahay qof walba. Waxayna  ka badalaan wax yar oo diiwaangashadaan. Waxaa ka mid ah waddamada sidaas sameeya waddanka Hindiya oo intaas dadkiisa indhaha ku hayaan daawooyinka ay soo saaraan waddamada reer galbeedka ah. Markii daawadaas wakhtigii diiwaangalintu dhammaato, waxaa loo ogolyahay dadka hindida ah inay soo saaraan daawadaas oo kale, iyagoo wax dhaqaale badan ka galin oo koobi sameeyaan. Taasna weeye waxa ay hindiya dhaqaalaheeda kor u dhigay. Reer galbeedka arrintas way ka qayliyaan yaase dhag u dhiga. 

WD:Xersi Faarax Xayir

 

Isha:Aayatiin.net

 

Sidee kula tahay barnaamijka akhriso oo Ogsonow ku soo dir qiimayntaada Abdulmalik@aayatiin.net ama Aayatiin@aayatiin.ne

 

 


 

 

Dib ulaabo webmaster@aayatiin.net  
 
 
                                                                                       www.Aayatiin.net