
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Markasta waxaa jira Magac lagu dilo dadka Soomaliyeed tan iyo 1921.2009 ka jawaab su'aashan |
|
|
| Written by Abdulmalik M Farah |
| Thursday, 02 April 2009 12:13 |
|
Weli waxaa lagu jiraa da'daalka lagu baajin lahaa dhiiga qubanaya ee bulshada Soomaliyeed. waxaa markasta jiray magac lagu dilo dadka Soomalida. 1921 waxaa lagu dilayay magac gumaysi. 1950-1960 waxa lagu dilayay magaca xornimo doon 1969-1990 waxaa lagu dilayay magaca Kacaan diid. 1990-2001 waxaa lagu dilayay magaca Qabiil iyo hogaamiye kooxeed. 2001-2004 waxaa lagu dilayay magaca Dowlad iyo Argagixiso. 2004-2008 waxaa lagu dilayay magaca dowlada iyo ciidan nabad ilaalin.2008-2009 waxaa lagu dilayaa magaca Shareecada oo ay qolooyin badan wataan. haddaba waxaa su'aashu ay tahay goormaa ayaa laga dayn doonaa in lagu dilo dadka masaakiinta ah in lagu dilo magac aysan saamayn ku lahayn cida matasha ama wadata.? Ma uyeeli kartaa doo'ddaada daliil la taaban karo aan ahayn waa layiri ama sax sidatan.? Maxaad filaysaa in lagu xukumi karo Soomalida.? Yaamudan xukunkooda.? Kawaran haddii lakeeno nin boqor u noqda Soomaalida aan ahayn nin u dhashay asal ahaan Soomali? fadlan isku day in aad kasoo jawaabto su'aalahaan laga yaabe in aad noqoto qofkii hayay ra'yiga looga bixi karo dhibka daba dheeraaday. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






