top
logo

User Login




Home Akhriso oo ogsoonow Dhacdo Isticmaalka Mobilka waxaa uu sababi karaa Kansar siiba da'yarta .
Isticmaalka Mobilka waxaa uu sababi karaa Kansar siiba da'yarta . Print E-mail
User Rating: / 1
PoorBest 
Written by Maxamuud Ilkacase Punlandi news   
Tuesday, 27 October 2009 10:14

Isticmaalka Mobilka waxaa uu sababi karaa Kansar siiba da'yarta .

Isticmaalka Mobilka waxey keeni kartaa cudurka dilaaga ah ee Kansarka,waxaa lagu ogaadey baaritaan mudo qaatey oo ay wada sameeyeen Hay´ada Caafimaadka Aduunka WHO iyo qaarka mid ah shirkadaha soo saara Mobilada.

Warbixintaan oo waqti yar ka hor lasoo bandhigey waxey cadeysey in istimaalka mobilku ay keeni karto 3 nooc oo cudurka kansarka ah,sababtoo ah qalabka laga sameeyo Mobilka oo qaybo jirka kamid ah toos ugu dira signal khatar u ah jirka,
Warbixintaan oo dheer waxaa lagu cadeeyey in signalka aan la arag uu wax weyn u dhimo madaxa isagoo u sii marinaya dhagaha.Warbixintaan oo baaritaankeedu ku baxdey lacag gaareysa 25 milyan oo dolara waxaa lagu cadeyey oo kale in jaaniska qofka isticmaalka badsada Mobilka in kansarkaan ku dhoco uu yahey 50%.

Qaarka mida culumada sayniska oo baaritaankaan ka qayb qaatey waxey soo jeediyeen in lagu khasbo shirkadaha sameeya Mobilada in sida baakadka sigaarka lagu dul dhajiyo ama lagu qoro calaamado sheegaya khatarta uu leeyahey.

Maahan oo kaliya ku hadalka mobilka ee xitaa qofka had iyo jeer mobilka jeebka gashada oo kuleylka mobilku jirka gaaro uu xitaa khatar yahey bay cadeysey warbixintaan.
kooxda soo saartey baaritaankaan waxey ku taliyeen in sida ugu macquulsan looga dheeraado isticmaalka mobilka,isticmaala fiilada dhagaha la gashado(Handsfree.håndfri) ee laga hadlo kana fogeeya jirkiina Mobilka bay ku taliyeen.
Handfree ga xitaa nooca bloutooth waa laga deyriyey,oo waxaa ka fiican fiilada.

Warbixinta waxaa hoos laga xariiqay xitaa in la iska fogeeyo mobilka marka la seexanayo ha kuu jiro hal mitir markaad seexaneyso bay tiri Dr. Elisabeth Cardis oo hogaamineysey kooxdii baaritaanka sameysey.

Caruurta :- aad baa looga hadley caruurta warbixintaan waxaana tala ahaan loo soo jeediyey waalidka iney ka dheereeyaan Mobilka caruurta, in laga ilaaliyo weeye in caruurto isticmaasho mobilka.

riix :-Waxaa hada qorey TV2 Norway 
handsfree kan waa ok

noocaan bloutooth-ka waa lamid mobilka



Puntlandi EU News Center
qaybta Oslo
Maxamuud Ilkacase

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS