top
logo

User Login




Home Akhriso oo ogsoonow Dhacdo Hargabka doofaarada oo aad kor ugu kacay wadamada yurub xiligaan Qaboowaha
Hargabka doofaarada oo aad kor ugu kacay wadamada yurub xiligaan Qaboowaha Print E-mail
User Rating: / 0
PoorBest 
Written by Maxamuud Ilkacase Puna.   
Thursday, 12 November 2009 00:01

Hargabkaan Doofaarka ayaa baryahaan wuxuu farakulul ku hayaa wadamada Scandinevianka,Danmark,Norwayiyo Sweden waxaa qaadey cudurkaan dad ka badan 800,000 qof sida maanta la xaqiijiyey, waxaan la xiriirney dhaqtar bal inuu talo naga siiyo sidii aan uga hortagi laheyn cudurkaan noqonkara mid dilaa ah, gaar ahaan dadka horey u qabay cudur kale.

Oslo/Copenhagen:Dad badan baa aaminsan in cudurkaan laga qaado cunida qaansiirka, taasina ma ahan wax jira, xaqiiqdu waa cudurkaan maadaama asalkiisii uu ka yimid qaansiirka saas ayaa loogu baxshey Hargabkii doofaarka.

Waxaa la isugu daartaa sida hargabka caadiga ah, waxaa laga yaabaa inaad ka qaado qof aad kursi kula fariisatey sida tareenada ama basaska,amaba adoo jid maraya aad ag martey qof qaba ama aad salaantey.

Dhakhtar aan booqaney oo aan wax ka waydiiney cudurkaan ayaa saas noo sheegey wuxuu yiri, la xiriira dhakhtarkiina si laguu talaalo, fdadka waayeelka ah ee ka weyn 65 sano waa lacag la´aan talaalkaan iyo waliba dadka qaba cudurada joogtada ah, dadka kale waa lacag aan saas u badneyn (250 kr) Danmark ahadaad dagan tahey,Norway hadaad dagan tahey la xiriir dhakhtarkaaga si aad u hesho talaalkaan.

Dhakhtarku wuxuu talo ahaan noo sheegey sidan "" hadii hargab kugu dhaco sida ugu dhakhsaha badan ula xiriir dhakhtarka wxaadna uga badbaadin kartaa hargabkaas dadka kula dagan guriga adoo sameeya sidan

  • Qofkii hargabku dhaco ula dhaqan sidaan ilaa dhakhtarku ka cadeynayo inuu qabo hargab caadi ah ama hargabka doofaarka,waayo labadfaan hargab waa isu egyihiin marka hore, Dadka horey u jiranaa ee aan u adkeysan karin Jeermiska(Virus) waa iney istalaalaan waa khasab taasi waana u lacag la´aan dadkaas. hadaba hadii qof kamida qoyskiina uu hargab ku dhaco ku dadaal sidan inaad sameyso inta dhakhtarka aad u tagayso
  • Waa in mashiinka lagu dhaqaa dharka guriga yaala dhamaan
  • qofka qaba hargabka waa in aan la taaban jirkiisa, haduu ku taabto saabuun ku dhaq gacantaada.
  • qof kasta oo guriga kula nool qofka hargabka qabaa waa inuu dhaqaa gacmaha markasta.
  • alaabta uu isticmaalo qofka qaba hargabka sida koobabka,qaadooyinka iyo wixii lamida waa in gaar loo dhaqaa.
  • waa in laga ilaashaa qofkaas inuu taabto shayada(Alaabta) lawada isticmaalo sida Ramuutka TV-ga.
  • Qolka qofka hargabjka qabo ku jiro waa in albaabka ama daaqada loo furaa si hada gurigu isu badasho oo hawo nadiifa usoo gasho,guriga inyiisakale xitaa u fur hawada.
  • waa in qofka hargabka qabaa la huuriyaa si uu kulayl u helo,cabna biyo nadiif ah oo badan.



Taladaan dhakhtarku nasiiyey waa sida ugu fudud ee aad isaga ilaalin karto hargabkaan aadna uga ilaalin karto reerkiina hadii qof kamida ku dhaco.
Hargabka doofaarku hada sidii waayaduu bilowday halis uma ahan .
Dad badan ayuu ku dhacaa hada waliba xiligaan qaboobuhu bilowday, dad badan ayaa hada qaada iyagoon dhakhtar u tagin ayuuna ka baxaa qaarna waa laga daweeyaa.
Wadamada Danmark iyo Norway ugu yaraan 1.4 milyan oo qof ayuu ku dhacey hada sida la aamin sanyahey.

wixii su´aal ah waad nasoo waydiin kartaa ama waydii dhakhtarkaaga


 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS