top
logo

User Login




Home Akhriso oo ogsoonow Dhacdo Tuuladdii Saadaasha Aayatiinka Afrika
Tuuladdii Saadaasha Aayatiinka Afrika Print E-mail
User Rating: / 10
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Monday, 30 November 2009 10:25

 

 

Waxaa tuuladaan yar oo ay ku noolyihiin dad lagu qiyaasay ilaa 1000 oo qof lagu tijaabiyey tijaabo ah in sida reer yurub laga dhigo oo qof walba la siiyo lacag cayr ah bil walba. R'ayigaan waxaa soo jeedshay nin iyo hawwen isqaba oo u dhashay waddanka Jarmalka. Lacagta waxaa bixinayey ururo lagu magacaabo Friedrich-Ebert-Stiftung iyo Kaniisadaha Ifangeelishka ee gobolada Rheinland iyo Westfalen. Lacagahaana waa lacago deeq ah oo ay ururadaan soo ururiyeen.

Tijaabadaan waxaa la doonayey in lagu ogaado in dadka afrikaanka ah haddii lacag bil walba la siiyo waxa ay ku isticmaalayaan. Waxaana la doonayey in haddii ay dadkaas wax wanaagsan ku isticmaalaan in waddamada afrika laga dhaadhico dowladdooda inay dadka u qoraan lacag joogta ah, oo ay dadku uga baxaan abaarta iyo gaajada. Waayo waddamada reer galbeedka ah waxay siiyaan waddamda afrika lacag ay ku magacaabaan deeq, balse aysan soo dhaafin dadka madaxda u ah afrika.

Tijaabadaan waxaa ka soo horjeestay dad badan oo dunida ku nool oo caddaan ah kuna macneeyey inaysan wanaagsanayn in afrikaanka lacag la siiyo iyagoon shaqaysan. Waxaana ka mid ahaa ururada ku dooda inay afrika caawiyaan oo intaas oo malyan oo lacag ah ka soo uruuriya waddamaa ay deggan yihiin dabadeedna aan la arag meesha ay ka baxdo lacagtaas iyagoo ku magacaaba inay u diraan oo ay ku saacidaan afrika iyo waliba dadka caddaanka ah ee beeralayda ah oo iyagana ka baqaya in tartan ama dagaal lagu soo qaado marka ay afrikaanka wax fahmaan.

 

Haddaba iyagoo iska indha tiraya arrintaas waxay qoyska jarmalka ah bilaabeen Janaayo 2008 -Diseembar 2008 inay lacagtaas u qaybiyaan dadka deggan tuuladaas Otijvero.

Waxaa aad iyo aad loola yaabay sida wanaagsan oo ay isticmaaleen lacagtaa iyo sida ay noloshoodii liidatay kor ugu soo qaadee. Waxaa magaalada markii hore ku badnaa tuugada iyo dadka khamriga sida xun u caba. Waxaa bilowday in qaar ka mid ah dadkaas samaystaan dukaamo iyo warshado yar yar oo iyaga loo sheeyo. Tuuganimadii  iyo dilkii, khamrigii aad iyo aad ayuu u yaraaday.

 

Sarah katangolo waxay ahayd haween ninkeedii dhintay oo haysatay 7 carruur ah. Waxay inay carruurteeda dugi gayso dabadeed  lacagta inta uga soo harta dugsiga bixintiisa iyo cunnada ay cunayaan waxay bilowday inay dooro ka beecmushtarto. waxay markii ugu horreeysay soo iibsatay labo dooro oo ay kala soo baxday kiiba 25 doolar. Lixbilood gudhood waxay haysatay 40 dooro. mid walbana ku sii iibisay 30 doolar. waxay noqotay qof leh meel doorooyinka lagu tabco.

 

Frieda Nembweye waxay ahay haween bartay sida rootiga loo dubo kana bartay reero jarmal ah oo ay booyaaso u ahaan jirtay. Waxaan reerkaas u shaqayn jiray subixii ilaa habeenkii waxayna isiin jireen bishii 32 doolar oo xataa ima siin jirin hilib ama caano oo aan carruurteeyda u gaysto. Reerkaas ayeyna ku soo kortay. Waxay leedahay 7 carruur ah. Haweentaan waxay ahayd haween aad iyo aad u nasiib badan toddobaad ka hor intaan lacagta la bilaabin ayey u soo tuuladaan. 100 Doolar ayey kala soo baxday kiish bur ah, qamii, horyo dab iyo warqad lagu dabeelo tootiga inta aysan dabka galin. Dulka ayey god ka qoday waxay ku shiday dab. waxay bilowday inay iibiso rootigii kiiba hal doolar. waxay noqotay haween laysku sheego oo rootiga raqiis iyo wanaag lagu amaano. Toban bilood ka dib waxay noqotay lacagtii faa'iidada ay ka heshay inay ku soo iibsato foorno. Waxayna noqotay inay maalintii samayso 250 rooti oo ay ka hesho 250 doolar.

Ninkalana oo isna furtay warshad samaysa bulukeediga.

Waxaa la ogaaday in dadka gaajada u gayso wax qabad la'aanta balse dadk afrikaanku  gaari lahaayeen haddii ay wax haystaan meesha ay reer yurub gaareen.

 

Waxaad sheekadaan iyo sawirada dadkaas kala xiriirtaa cinwaanka hoose . Waddankaad joogto afkiisa ku raadso adigoo qoraya oo kaliya magaca magaalada Otijvero.

 http://www.youtube.com/watch?v=C9CB0vPpNZI

 

Usoo dir Aayatiin aragtidaada. ama This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 Aragtidaada waa horumarka ummadda

 

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS