
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| "Udub dhexaadka dunida oo aan la aqoon" |
|
|
| Written by Aayatiin |
| Tuesday, 07 September 2010 15:38 |
|
Qoraagaan wuxuu u shaqeeyaa shirkad daabacda buugaagta ardayda dugsiyada dhigta wax ka bartaan. Wuxuuna ka mid yahay khubarada qorta buugaagtaas. shirkadiisa ayaa ka codsatay inuu qoro buug ka sheekaynaya taariikhda dunida. Wuxuu qoray buug aad iyo aad loogu dacaayadeeyey, waayo wuxuu ku soo qaatay taariikhdii Muslimka intan laga xoog badin. Markii dambe waa la ogolaaday in la daabaco. Wuxuu qoraaagu ka hadlayaa in dunida ay hilmaameen dhulkii u dhexeeyey Masar iyo dhulkii Mesopotamin(waxaa mara wabiga Tigris waa nawaaxiga u dhaw) xukumi jireena xukuumadii muslimka ahayd. Wuxuu si wanaagsan uga sheekaynayaa xukunkii muslimka laga soo bilaabo Nabi Maxamed (NNK) ilaa Khaliifaadka. Waa buuga aad iyo aad u wanaagsan waxaana uu marakan soo gaaray waddamada yurub oo waddamo badan ayaa u badeshay afkooda sida waddanka jarmalka oo buugaas lagu magacaabo"Die Unbekannte Mitte der Welt". Wuxuu qoraagu caddeenayaa in xukuumaddii islaamka ay ahayd xukuumad jirta lana doonayo in taariikhda dunida lagu soo qoro ooaysan noqon oo kaliya in lagu qoro waxyaabaha xun oo kaliya oo ay sameeyaan muslimka. Qoraaga waxaa dhalay waalid aabaha Afaganistaan, hooyada maraykan-fiinish ah. Wuxuuna ku dhashay wadanka Afganistaan 1948. Wuxuuna Maraykanka tagay 1960 ilaa iyo haddana ku nool yahay. ku dadaal inaad carruurtaada barto taariikhda dunida Muslimka ah. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






