
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Dhaqanka Muslimka oo wali isticmaalaan yurub |
|
|
| Written by Hurdiwaa |
| Thursday, 14 October 2010 12:33 |
|
Inta hore buugga wuxuu ka soo sheekeeyey taariikhdii muslimka iyo sida ay ku bilaabatay sida aynu innaga xataa ku dhiganay dugsiyadeennii, basle intaan hoose ayeynaan ka baran dugsiyadeennii soomaaliya. Buugga Taariikhda ee dugsiyada sare(Gymnasium)Dhaqanka muslimka wuxuu aad iyo aad ugu dhexjiraa dhaqankeeda, taasina waa waxaan muran ka jirin. Waxaan isticmaalnaa tirada afka carabiga ah iyadoo naloogu badalay afkeenna. Afkeenna jarmalka(afafka kale ee yurub) ah waxaa ka buuxa erayo badan oo nooga yimid afka carabiga sida erayada Jeeg(Scheck),Khatar(Risiko), Alkool(Alkohol), Jimistari(Chemie) iwm. Soo qaadashada erayadaan waxay wateen inaan dhaqankoodana(muslimka) soo qaadano. Erayada waxay u badnaayeen kuwo laga soo qaatay sida Cilmiga dabeecadda, Cilmiga farshaxanka, Cilmiga dhismaha guryaha iyo waliba Cilmiga Juqraafiga.
Udub dhexaadka dhaqanka Muslimka waxay ahaayeen magaalooyinka kana dhisnaa Masaajidyo, Dugsiyo iyo Jaamacado. Maktabadana waxaa ka buuxay Cilmi walba oo la qoray loona qoray si habaysan oo xirmo walba Cilmi u gooni ah lahaayeen. Waxaana qormooyinkaas ugu caansanaa kuwa Cilmiga dabiiciga ah sida Cilmiga dhakhtarka. Ka helidoodii dhulka laga helay qaarkood iyo iyadoo qoraal ahaan loo hayaba waxay noo sheegayaan in dhakhaatiirtii muslimka ahayd samayn jireen qalitaano khatar ahaa sida qalitaanka indhaha iyo maskaxda dadka. Taasna waxay ku qaareen iyagoo cilmiga dhakhtarka u yaqiinay si xirfad ah(gacmaha ku bartay). Magaalooyinka Carabta waxay ahaayeen kuwo leh Isbitaalo iyo Farmashiyaal. Waxaanu kaloo ugu mahacelinaynaa muslimiinta buugaag badan oo ay ka soo tujumeen afka giriiga una turjumeen afka cariba oo dabadeedna annagana u turjumnay afafkeenna reer yurub ku hadlaan. Buugaagtaas waxay ahaayeen kuwo Cilmiyada laga barto oo la’aantood aanu gaarneen heerka aan maanta joogno.
Boqorkii xukumi jiray Silsiiliya ee Romanka ahaa ayaa qasrigiisa weyn waxaa wax ka bari jiray khubaraa muslim ah, masiixi ah iyo ku yahuud ah. waagaasna waa waa dadka muslimka ah meel walba laga jeclaa inay macalimiin ka noqdaan.
Kordooba(Cordoba) waa magaalo ka tirsan waddanka Isbeyn, xukumeenna xukunkii muslimka ahaa. waxaana magaaladaa lagu sheegi jiray magaalada hormoodka u ahayd cilmiga inuu soo gaaro waddamda yurub. Waxaa jiray khubaro muslim ah oo magaaladaa wax ka bari jiray dadka sida ninka lagu magacaabo Abuu Waliid Maxamed bin Axmed bin Maxamed bin Raschdi, reer yurub waxay ku magacaabaan AVERROES. Wuxuu ahaa nin ku dhashay magaaladaas ahaana Qareen, Dhakhtar iyo Filsafadyaqaan(Philosophy). Wuxuu ahaa nin afka laatiinka yaqaanay oo buugaag badan u turjumay afka carabiga. Buuggiisii ugu magacdheeraa waa buugga lagu magacaabo „Kitaab al-kulliyat fit-tibb“. Wuxuuna ku saabsanaa buuggaas Cilmiga dhakhtarnimda. Wuxuuna noqday mid aad iyo aad wixii ku qornaa ilaa iyo marakan la isticmaalo. Waxyaabihii uu ka hadlayey buuggaas waxaa ka mid ahaa Habdhismeedka lafaha(Anatomie), dhismaha jirka(Physiologie), barashada cudurada(Pathology), barashada nafaqada iyo daaweeynta, nadaafadda iyo jimisiga. Meelaha ay waxyaabo badan ka qoreen muslimka waxaa ka mid ahaa oo aynu ilaa hadda isticmaalo: Cilmiga Xisaabta, Cilmiga xidigaha, fiisigga, kimistari iyo cilmiga dhakhtarnimada, iyo Farmshiga, Cilmiga Falsafadda sida cilmiga indhasarcaadka iyo cilmiga sirta ah. ------------------------------------------------------------------------------------------------------------------- Dadka muslimiinta ah waxay ismoodaan kuwo laga awood roon yahay oo aan waxba dunida ka ahayn. Ogaada muslimka marbuu dunida xukumi jiray. Taariikhdaa raadsha una sheega ilmihiinna u haystaan in muslimka waxba ahayn si niyadoodu u dhisanto. Kuna dadaala inaad carruurtiinna iyo idinkaba isku wadataan aduunka iyo aakhiraba sidii muslimkii hore.
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






