
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Cilmigii laga soo xaday muslimka sanadkii 1187 |
|
|
| Written by Hurdiwaa |
| Tuesday, 26 October 2010 18:40 |
|
Akhristaha Aayatiin wax walba og!
Waxaan jeclahay inaan halkaan ku soo qoro anigoo afsoomaali urogaya waxa uu wariyaha sheegayo iyo Filimka dambe:
Reer galbeedka waxay dadka muslimka ah u arkaan inay yihiin dad argagixiso ah, kharibana dunida. Maanta waxaan jeclahay inaan taariikhda dib u jaleecno, wakhtigii masiixigu weerarayeen waddamada muslimka ah. Masiixigu waxay ku kaceen tuugnimadii dunida ugu weyneyd kana soo xadeen dhammaan buugaagtii cilmiga ay qoreen dadka muslimka ah. Buugaagta dugsiyada laga bartana kuma qoraan inay waxaas sameeyeen, balse waxay ku qoraan in muslimka yihiin dad xun.
Wariye: Maanta waxaan khaas kaga hadlaynaa Cilmigii-sirta ee laga soo xaday muslimka. Sidaanu la socono muslimka waxaanu niraahnaa waa dad argagixiso ah, kharibana dunida reer galbeedka, sida dhabta ah diinta muslimka waa diin waxaas oo xun oo dhan laga helin, waana diin aan haweenka cadaadin. Waxaan jeclahay inaan maanta taariikhda dib u jaleecno wakhtigii masiixigu weerareen dhulkii muslimka qarnigii 11aad. Innaga masiixiga ah oo ku gabanayna magaca masiixiga, doonaynana inaan nabad ku soo badbaadino dunida ku dhaqaaqnay dhibaateyn iyo dilid dadkii muslimka ahaa. Waxaanuna ku dhaqaaqnay tuugnimadii dunida ugu weyneyd. Waxaase la yaab leh in dugsiyadeenna maanta aan lagu baran waxaanu samaynay iyo wanaaga aan ka helnay waxyaabihii aan ka soo xadnay dunida muslimka, wanaagsanaydna in looga mahadceliyo.
Sanadkii 1187 ayaa waxaa dagaal xooggan iskaga horyimid labo duni oo quwad waaweyn. Ciidamadii xoogga ee cududa waynaa ee muslimka,hogaaminayey hogaamiyihii Suldaan Saladiin, kana adkaaday quwaddii masixiiga. Waxaa halkaas ku ekaaday 88 sano hogaagii masixiiga ee reer yurub ay ku haysteen magaalada Juurisalaam. Dagaalkaas dhammaadkiisa waxaa halkaas ka bilowday tuugnimadii ugu weynayd dunida ee Cilmiga laga soo xaday waddamadii Muslimka(carabta). Cilmigaas sirta ahaa ee ay lahaayeen dadka muslimka ah waxay noqotay in la keeno waddamada yurub, lagana badalo magacyadii qoray cilmigaas iyo meesha laga keenay taasna waxaa sameeyey kaniisaddii masiixiga.
Maanta oo aynu joogno waxaa lagu qoraa cilmigaas laga soo xaday muslimka inuu soo saaray ninka lagu magacaabo Leonardo Da Vinci, taasoo boqol sano ka hor ay soo saareen cilmiyaqaanadii muslimka ahaa, isticmaalayeenna dunida carabta. Waxay kaloo soo saareen cilmiyaqaanadii muslimka ee dhakhaatiirka ahaa sida ay tahay dhismaha jirka biniaadanka iyo sida loogu daaweeyo dhirta dabiiciga ah. Waddamada yurub waagaas waxay cudurada iyo cudurada la kala qaado oo dad badan markaliya dila kula dagaalami jiraan inay ilaah u baryaan oo kaliya. Sanadkii 1200 waxay carabta haysteen budada madow ee gantaalaha cirka u dirta, Saacadda, khasnadda lagu xiro lambarka, qalabka wax lagu cabiro, xataa qalabka lagu dagaalamo sida dabaabadaha iyo qalabka dhulka lagu fasho(mashiino) waxayna ahaayeen waxyaabo aad iyo aad u wanaagsanaa waxay ay soo saareen dadkaa muslimka ah.
Barnaamijkaan khaaska ah ee Welt der Wunder lagu magacaabo lagana soo daayey telefisoonka jarmalka RTLII, wuxuu natusayaa in waxyaabo la yaableh waagaas la sameeyey. Kaamirada 3D iyo kumbiyuutar waxay na tusayaan sida cilmiyaqaanadii muslimka ay wax walba u qori jireen una samayn jireen . Waa wax lala yaabo lana hilmaamay qarniyo fog, lana doonayn in la ogaado.
Ma u malaynaysaa in nolosha marakan dunida ka jirta ay sameeyeen aqoonyahano yurub oo kaliya? Waxaa halkaan ku qoran oo kaliya sida casriga ah ee cilmiga!. Haddii aad buugaagta dugsiyada eegto kama helaysid waxna. Waxaase xaqiiqo ah in muslimku ahaayeen qarniyadii dhexe kuwo cilmiga iyo aqoonta dunida ugu horreeyeen. Waxay kaloo yaqaaneen sida waxyaabaha qaaliga ah meel loogu qufulo iyagoon quful isticmaaleyn, waxay kaloo heleen cilmiga xisaabta, cilmiga xidigaha , xagga cilmiga dhakhtarnimada iyo cilmiga farsamda. Yurubna aysan waxna aqoon waagaas . Sidaan ayey dhakhaatiirta muslimka qaliinka khatarta ah u qalijireen qofka, iyagoo isticmaalaya qalabkooda casriga ahaa. Waxa kaloo ay isticmaali jireen qalabkooda wax cabira iyo khariidad raggooda badmaaxa ah ee u kala socdaali jiray Gibralter iyo Hindiya.
Waxaan isku dayey inaan buuggaas uu wariyaha haysto gacanta ku soo dhigo, balse waan la’ahay ilaa iyo marakan. Waxaan goostay inaan bandhigga ku yaalla Frankfurt oo ah bandhig lagu soo bandhigo taariikhda muslimka iyo carabta oo uu yaallo buugga sidaan barnaamijkaan ka maqlay tago.
Taariikhda muslimka waa mid lagu heshiiyey inaan marna waxa wanaagsan laga sheegin oo la qoro oo kaliya waxa xun, dunida loo tuso inay yihiin kuwo aan waxna ku wanaagsanayn. Waxaase la yaab leh in waddamada muslimka ah ruuxooda faafinta waxyaabaha xun ee reer yurub la faafiyaan dhinacooda. Waxaad arkaysaa inaan dugsiyada waddamada muslimka ah buugaagta ay wax ka bartaan lagu soo daabaco ama kharajka ku baxaya bixiyaan waddamada la dagaalamaya jiritaanka muslimka ah, kuna qoraan waxay doonaan. Ma arkaysid waddan muslim ah oo taariikhda muslimka laga barto dugsiyada. Waxa laga barto oo kaliya taariikhda Nabiga NNK. Taasna waxay keentay in dhallinyarada muslimka ah ay ka faanaan dhaqankooda waayo lama socdaan sida uu ahaa waagii hore, kuna faanaan dhaqanka reer yurub oo ah mid casri ah.
Taas waa in la badelaa oo dadyowga muslimka ah iyagu qortaan buugaagta ay doonayaan inay carruurtooda baraan, ee aysan sheekooyinka reer yurub dhagaysan. Dugsiyada hoose/dhexe iyo kan sare lagu dhigaa taariikhda muslimka ee waagaas iyo sida ay dunida kale uga horreeyeen. Dhallinta yar ee muslimka ah ee ku dhaqan dunida reer galbeedka waa inay ogaadaan in muslimka waa dunida u talin jiray. Marakana iyagu haddii ay dadaalaan gaari karaan muslimiintii waagaas. waa haddii ay waxbarashada dunida reer galbeedka taal ku dadaalaan siday u baran lahaayeen, intay ku dadaali lahaayeen inay ku fakaraan oo kaliya inay isqarxiyaan iwm.
Daawo filimadaan kuna turjuban af-carabi waana 3 qeybood. http://www.dailymotion.com/video/x2idzs_das-geheimwissen-des-islam-teil2_tech qeybta 2aad http://www.dailymotion.com/video/x2iduk_das-geheimwissen-des-islam-teil-3_tech qeybta 3aad
Aragtidaada ku soo dir This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it ama Aayatiin.net
Das Geheimwissen des Islam (Teil1) by Rida-Germany |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow







