top
logo

User Login




Home Akhriso oo ogsoonow Dhacdo Maraykanka oo lacag been ah daabacanaya
Maraykanka oo lacag been ah daabacanaya Print E-mail
User Rating: / 10
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Friday, 26 November 2010 11:21

Lacagaha been abuurka ah ee yurub, maraykanka iyo Soomaaliya daabacanayaan yaa ku  horreeyey, Yurub 1,5 bilyan Yuuro, Maraykanka 600 bilyan Doolar, iyo Soomaaliya 200 Bilyan.

 

Maraykanka

Horraantii Bishaan Nofeembar ayey ahayd markuu Bangiga u sameeya lacagta waddanka Maraykanka ee lagu magacaabo Fedral Reserve(Fed) ku dhawaaqay inuu dowladda u sameeyanayo lacag dhan 600 bilyan Doolar. Taas uuga dhigay in waddanka maraykanka ku jiro dhaqaale xumo, shaqo la'aan iwm.

Waxaa ka qayliyey samaynta lacagtaas waddamada Hindiya, Shiinaha iyo Baraasiil oo labaduba u arkayey inay kobocday dhaqaalahooda markuu liicay doolarkii, kuna sifeeyey in haddii lacagtaan cusub la sameeyo ku dhacayo dhaqaalahooda dhaawac iyo iyadoo lacagtoodu hoos uga dhacayso qiimaha ay marakan joog. Cidina dhag jaq uma dhigin. Waxay isku dayeen inay dacwad u gudbiyaan IMF(International Monetary Fund).

IMF waxaa la aasaasay  22.Juulaay 1944 magaalada Washington(USA). ururkaan shaqadiisa waxay tahay inuu indhaha ku hayo sicirka badelka lacagaha, dhaqdhaqaaqa lacagaha, ganacsiga lacagaha imw. urukaan waxa uu  la walaal yahay uruka kale World bank, oo labaduba waddanka maraykanka lagu aasaasay. Madaxda ururkaan waxaa marwalba haya qof u dhashay waddanka maraykanka.

ururka IMF waxaa marakan xubin ka ah  dowladadu lagu qiyaaso 187 dowladood. Codka wadamada ku jira waxay u kala leeyihiin sida hadba qiimaha lacagta ay leeyihiin u kala sarraayso:

USA 15,85 %, Jabaan 6,84 %, Jarmalka 5,88 %, Faransiiska 4,86 %, Ingiriiska 4,86 % und Shiinaha 4,42 %. Wadamada Afrika micnahoodu waa madaxyo madow oo meel fadhiya kaliya. Halkaas waxaa kaaga caddaad u dacwoonaysid iyo ciddaad ka dacwoonayso inay isku qole yihiin.

Waxaad halkaas ka arki kartaa inaysan jirin cid baari karta inta lacag ee uu maraykanka sida sirta ah u samaysto, maadaama uu haysto madaxda ururka IMF.

 

Yurub

Sanadkii aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii bangiga dhexe ee Gaashaanbuurta Yurub ku dhawaaqay inuu waddamda ururka ku jira siiyey bangiyadooda dhexe lacag dhan 1,5 Bilyan Euro. Lacagtaas ma ahayn mid la daabacay ee waxay ahayd mid bangi kasta loo siiyey qaybtiisa inuu buugaagta xisaabta ku qorto inuu lacagtaas haysto(waa lacag been awaal ah oo bangiyadu iska qorteen).

Mar la waydiiyey lacagtaas waxa lagu samaynayo ayey bangiga dhexe ee yurub ku dooday inuu doonayo in dhaqaalaha yurub oo 2008 dhulka galay kadib dhaqaalihii dunida oo xumaaday ayuu yiri "waxaan doonaynaa in shirkadaha waddamadaas loo siiyo lacag ahaan oo iyagana ku qortaan bangiyadooda inay lacagtaas ahaystaan kaga iibsadaan dunida wax allaale iyo waxay doonaan".

Waxaa la yaab leh in lacag aan jirin dunida wax looga iibsado waxaa la waydiiyey madaxda markale in lacagtaas aan jirin u noqon karto lacag muuqata oo wax lagu kala iibsan karo. wuxuu ku jawaabay madaxa bangiga yurub: "Dadka deynta loo siinayo ayey tahay inay lacag cad bangiga ku soo celiyaan".

Noocaan lacagta cad ee la daabicin ee bangiga dhexe uranayo bangiyada kale ku qorta xisaabtiisa inay idiin taal lacag badan waa nooc laga isticmaalo wadamada horeyumaray. Faaiidadeedu waa:

- In lacagta waddankaas qiimo jab ku dhicin.

- In dunida aysan ogaan karin inta lacag ee been ah ee la samaystay.

 

Soomaaliya

Waddanka Soomaaliya waa waddamada lagu tiriyo inaysan ka jirin wax dowlad la oran karo sida Ciraaq iyo Afganistaan. Waxaana waddamadaas lacagtooda noqdeen kuwo madaxda haysata xukunka intay doonaan soo daabacda ama waddanka intiisa badan ku shaqeeyo lacagta Doolarka ah.

Bartamiihii sanadkaan ayaa Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Shiikh Shariif soo samaystay lacag dhan 200 Bilyan oo shillin soomaali ah. 

Dowladda soomaaliya waxay dowladaha yurub iyo maraykanka kaga duwan tahay waxaa weeye iyadoo lacagta beenta ah aan galin waddanka gudihiisa iyo inaysan kobcin dhaqaalaha dalka. Lacagahaas beenta ah waxay noqdaan mid dowladda ku badalato lacag adag sida Doolarka iyo Euro dabadeedna ka bixiya waddanka oo gaysta bangiyada dibadda, waddankiina ku sii jiro dhibkii ama mid ka daran.

Xaggee ku dambeeyeen 200 Bilyan Shillin Soomaali??????

 

ku soo dir rayigaaga

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 

 

Most Readed

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS