top
logo

User Login




Home Akhriso oo ogsoonow Dhacdo Coca-cola waxaa ku jira Khamri
Coca-cola waxaa ku jira Khamri Print E-mail
User Rating: / 29
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Wednesday, 23 February 2011 12:29

koka-kolaShirkadda Yuhuudda ah ee leh Warshadda sameysa koka-kolada ayaa sirtooda la ogaaday sida ay u sameeyaan cabitaankaas, lana caddeeyey inay khamri ku daraan. Nin muslim ah oo dalbaday magdhaw 33 millyoon US-Doolar.

 

Sanadkii 1886 ayey markii ugu horreysay oo la soo saaro cabitaankaas lagu magacaabo coca-cola. Dunida waa cabitaanka loogu cabid badan yahay. Waxay dadka dunida ku nool isweydiin jireen ama isweydiiyaan waxa laga sameeyey cabitaankaas. Wixii ka horreeyey dagaalkii labaad waxay dad badan aaminsanaayeen ama la ogaaday in lagu daro maskaxdooriyaha kookaiin.

Waxay shirkaddu caddeysay in wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad aan lagu darin wax maskaxdooriya ah.

Waxaa wargeyska internetka ee lagu magacaabo thisisamerica.org lagu soo qoray maqaalkiisa 11.02.2011 inuu wargeysku helay maqaal lagu qoray wargeyska ka soo baxay Atlanta 1960, kaasoo ku sawirnaa buug yar oo loo haysto inuu ahaa buuggii uu qoray ninkii la oran jiray Asa Griggs Candler oo ahaa aabbihii helay cabitaankaas. Wuxuu ahaa nin bartay sida loo sameeyo daawooyinka. Wuxuuna qoraalkaas ku magacaabay 7x(7 shay) si aan loo ogaan loogana xadin. Wuxuu ka iibiyey nin yuhuud ah oo la oran jiray John Pemberton oo ahaa ninkii warshadda coa-cola bilaalay. Ninkaan gatay warqaddaas wuxuu ku xiray warqadda sanduuq ku yaal bangi ku yaal magaalada Atlanta USA.

Waxaa marakan la ogaaday in sida layskuugu daro cabitaankaas uu ahaa sidan 7 shay:

 227 Gramm Alkohol, 20 hdibcood saliidliin, 30 dhibcood saliidliindhanaan, 10 dhibcood saliid jaws, 5 dhibcood coriander oil, 10 dhibcood Neroli oil  iyo 10 dhibcood saliid qorfe.

 Nin ka mid ah dadka ku nool waddanka Yahuudda ayaa dacwad ku soo oogay shirkadda koka-kola sheegayna inuu waligii cabbi jiray isagoo u haystay inay ahayd mid aan ku jirin khamri, waayo ayuu yiri : Diintayda ayaa iidiidaysay inaan cabbo khamri, sidaas daraateed ayaan u doortay inaan cabbo cabitaankaas oo aan u haystay inaysan khamri ku jirin. Wuxuu ninkaas dalbaday magdhaw gaaraya 33 Millyoonan US-Dollar.

http://www.thisamericanlife.org/radio-archives/episode/427/original-recipe(Afingiriis)

http://de.news.yahoo.com/34/20110215/twl-website-lueftet-coca-cola-geheimnis-6ae0455.html(afjarmal)

 

 

Most Readed

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS