top
logo

User Login




Home Akhriso oo ogsoonow Dhacdo Qoys Deenish ah oo qaxootinimo weydiistay Masar
Qoys Deenish ah oo qaxootinimo weydiistay Masar Print E-mail
User Rating: / 29
PoorBest 
Written by Aayatiin   
Tuesday, 01 March 2011 09:29

Hvis der var krig i NordenWaa buug ay qortay haweeneey lagu magacaabo Janne Teller. buugga markii sii hore waxaa lays ku dayey in la joojiyo daabiciddiisa, waayo Qorayaal badan ayaa u arkay mid wax u dhimaya deenishka. Magaca Buugga: Hvis der var krig i Norden

 

Janne Teller waa qoraa deenish ah qortayna buuggaag badan. Waxay baratay dhaqaalaha, noqotayna lataliye xagga dhaqaalaha ururka UN iyo ururka midowga yurub una fadhin jirtay waddanka Tansaaniya, Niyuuyok, Buruksel iyo musambiik.

Buuggaan waxaa loo turjumay afaf badan. Waxaa marakan 7.03.2011 uu ku soo bixidoonaa isagoo afjarmal ku turjuman. Idaacad laga leeyahay waddanka jarmalka ayaa Janne Teller waraysi ka qaatay 26.02.2011(sabtidii la soo dhaafay), weydiisayna waxa ku kalifay inay qorto: Waxaa igu kalifay buuggaan inaan qoro waxay ahayd kadib markaan arkay 2001 sida xun oo loola dhaqmayo dadka shisheeyaha ah iyo sharciyo badan oo iyaga ka soo horjeeda oo la sameeyey. Waxaan doonayey inaan dadka deenishka ah tuso in dadka halkaan yimid ay u imaan inay dhacaan denmaark, balse u yimaadeen inay nabad helaan oo kaliya, umana imaan jeclaan balse keentay dhibaato ay ka soo carareen. Marka waxaan damcay inaan dadka deenishka tuso siday noqon lahayd haddii denmark dagaal ka jiro kuna soo duulaan iswiidhan oo dhammaan dadka deenishka ah waddamada carrabtana nabad iyo dhaqaale wanaagsan ka jiro aadaan waydiistaanna qaxootinimo.

Janne waxay u sheegtay radiyahaas in iyada ruuxeeda ka soo jeedo waddanka jarmalka iyo Osteeriya. "Hooyadey waa jarmal, Ayeydayna waa Osteeriya". waxaan dareemi jiray inaan ahay shisheeye markaan yaraa" ayey tiri. Buugaan waxaa lagu magacaa afjarmalka "Krieg. Stell dir vor, er wäre hier"

Sheekada buuggaan waxaan jeclahay inaan ka soo qaato wax yar:

Qoys deenish ah ayaa tagaya Masar oo weydiisanaya qaxootinimo. Waxaa la dajinayaa xero qaxooti. waxaa ku adkaanayso siday ku heli lahaayeen shaqo iyo warqadda joogista waddanka(sharci). 

Waxaa qoyskaa ku adkaanaya inay bartaan afka waddanka, dowladda masarna u diiday sharci. Gabar ay dhaleen ayaa jeclaanaysa wiil masar ah waxayna oranaysaa waan muslimayaa oo guursanayaa ninkaas. Reerka aad iyo aad ayey uga xumaanayaan in gabadhooda xirato xijaab iyo inay muslinto.........(akhris wanaagsan)

Buuggaan wuxuu noqday mid aad loo jeclaysto waddan kasta marka afkiisa lagu turjumayo waxaa laga dhigayaa in waddankaas dagaal ka jiro sida afjarmalka waxaa ku qoran in dagaal uu ka jiro waddanka jarmalka dabadeedna dadka jarmalka ah aadayaa waddamada carrabta. qoys jarmalka ahna tagayo masar(sidii qoyska deenishka). waxay tiri janne: waxaan doonayaa waddan walba inuu ogaado in dhibaatada iyaga taaban karto. haddii aan ku qoro af jarmal oo aan u daayo qoyska deenishka sheekada, akhristaha jarmalka ma iska soo qaadayo isaga ama qoyskiisa ee wuxuu u arkayaa mid isaga ka fog oo iska sheeka ah".

Waa sheeko aad iyo aad u taabanaysa dadka shisheeyaha ah meel kasta oo ay ka joogaan dunida.

wuxuu joogaa 138 kr. Waxaadse ka helaysaa maktabadaha buugaagta la soo deynsado.

  • Bandtyp: Häftad
  • Språk: Danska
  • Utgiven: 2004
  • Antal sidor: 52
  • Upplaga: 2
  • ISBN10: 8779960014
  • ISBN13: 9788779960015
 

Most Readed

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS