
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Cudurka dhiig karka |
|
|
| Written by Hurdiwaa |
| Thursday, 05 May 2011 10:16 |
|
Waxaa lagu magacaabaa cudurkaan dilaagii tartiibta. Inkastoo aysan jirin wax caddeynaya in qofku uu u dhintay dhiig kar, ayaa la ogaaday in qofka u dhinta wadnaha oo istaaga, dhinac qalala iwm ay sabab u tahay dhiig karka. Dhiig karka waa cudur uusan qofku garan karin inuu hayo iyo inkale. Siyaabaha lagu garan karo waxaa ka mid ah madax xanuun badan iyo wareer badan. Waxa kaliya oo looga hortagi karo waxaa weeye qofka inuu badsado inuu cuno khudaar iyo salaad bdan.
Afka laatiinka waxaa lagu yiraahdaa Hypertonie, micnaheeduna tahay xanuunsan adigoon dareemin. Cudurkaan waxa uu wax gaarsiiyaa halbowlayaasha dhiigga qaada, kaasoo xinjiraha ku dhexsamaysma dhiiga uu si xoog ah u raaciyo dhiiggii soconayey dabadeedna wadnaha wax gaarsiiya ama ka xira dhiiggii socday. Waxa keena cudurkaan ilaa iyo hadda lama hayo, waxaase lagu tuhunsan yahay inuu keeno: kolostarik oo badan, Halbowlayaasha dhiigga qaada oo xayr xirta, kalyaha oo jirada iyo Cusbada wax lagu karsado oo badan. Waddamada horeyumaray waxaa lagu tilmaamaa cudurkaan inuu yahay dilaaga bulshada, waxaana qaba afartii qof oo weyn mid. Dadka Afrikaanka ah: Waxa ay dhakhaatiirka cudurkaan kuu takhasusay sheegaan in qofka ay wax u dhinto cusbada. Dhakhtar maraykan ah oo la yiraahdo Dr. Lawrence Apple ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda qaaradda Afrika ay u daran tahay cunida cusbada haddii ay qabaan dhiig kar. Cusbada waa shayga wax walba oo la cuno ku jirto, waxaase wanaagsan in 2,5 - 6 Gramm laga cuno maalintii ayuu yiri Dr. Kaplan. Waxaa wanaagsan in cunnada iyadoon cusbo lagu karin in la kariyo, dabadeena miiska lagu cunayo cunnada la soo dhigo cusbo qofka uu isagu ku darsado wax yar ama liin. Cunnada taal dukaamada waxaa lagu soo kariyaa cusbo ama ku jirto iyadoo lagu qoro magaca Natrium ama Sodium. Wax walba oo aad gadanayso ka eeg in cusbo ku jirto. Khudaarta Waxaa wanaagsan in qofka lagu sheego cudurkaan uu cunno khudaar badan sida Moos, Avocados, Aprikos la qalayey, sabiibka. Waxaa kaloo wanaagsan in qofku cuno digirta iyo baradhada. Waxaa kaloo wanaagsan in qofku uu dhamo caano aan xeyrtu ku badnayn.
Waddanka ingiriiska ayaa cinwaanadaan hoose ugu sharxayey dadka ku nool ee soomaalida ah ee akhri waxay ku qoran yihiin afsoomaali: http://www.mcedservices.com/medex2/PDFS/SOHBP.pdf http://www.nhs.uk/translationsomali/Documents/Blood_pressure_high_Somali_FINAL.pdf |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






