
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Baabasiirka |
|
|
| Written by Hurdiwaa |
| Saturday, 10 September 2011 19:53 |
|
Joojin xanuunka dareemayaasha futada
Marmarka qaarkood waxaad jeceshahay inaad saxarooto sida caadiga ah, basle waxaa kaaga baxa tamar aad u badan sidii ay saxaradaas ku soo dhaafi lahayd halka futada u dambeysa. Waxaad isku daydaa inaad si xoog ah iskaga soo saarto waad soo riixdaa oo soo riixdaa. Halkaas waxaa ku dhacaya dareemayaasha jilicsan ee futada afkeeda iyo kuwa mindhicirada caloosha inay bararaan oo bararkoodu noqdo kuwo muuqda. Jawaabta waxay noqotaa xanuun yar ama mid badan, wuxuuna dhaliyaa inuu jirro u badelmo taasoo loogu yeero Baabasiir. Baabasiirkaas waxaa keena inta badan soo riixista saxarada layskaga keenayo si xoog ah, taasoo u sabab ah inay saxaradu adag tahay oo aysan kaligeed marinkii ka soo bixi karin. Waxa ugu wanaagsan waxay tahay in saxaradu noqoto mid jilicsan ayuu yiri dhakhtarka ku takhasusay cudurada mindhicirada Dr. Marvin Schuster waxna ka dhiga jaamacadda Baltimore.. Sida ugu sahlan oo taas lagu gaari karo waa iyadoo la cuno cunnooyinka wanaagsan. Saxaro jilicsanSida badan dadka Soomaaliyeed ma cunaan cunno ku jirta qamadiga sida Rootiga oo uu ku jiro wax qamadi u eg. Waxaa wanaagsan ayuu yiri Dr. Schuster in dadku uu cunno shan jeer ama ka badan khudrad, salad badan iyo Raatiga uu ku jiro qamadiga waxa u eg. Dadka waxyaabahaas cunna calooshooda waxay noqotaa mid saxaradeeda jilicsanaato dhibna aysan kala kulmin. Cabid badanWaxaad ka soo qaadaa inaad cunayso Laws, adigoon wax biya ahna ku liqin. Waxaa kugu adkaanaya inaad liqdo, miyeysan run ahayn?. Sidaas oo kale weeye oo calooshu ma shaqayn karto haddii aysan helin biyo ku filan ayey tiri Dr. Marie Borum waxna ka dhigta jaaamacadda qaybta dhakhtarnimada ee George-Waschington. Saxaradu waxay noqotaa mid adag, waana waxa dhaliya Baabasiirka. Samaysanka saxaradu samaysmayso waxaa ku dhexqasma biyo markay sii aadayaan mindhicarada xagga saxarada kaydiya. Haddii aysan helin biyo ku filan ama qofku uusan cunin waxyaabaha sida fudaarta iwm waxay saxaradu noqon mid adag.
Waxay dhakhtaradu kugu waaninaysaa inaad cabto maalintii lix ilaa sideed koob oo biyo ah. Biyahaas hal mar hawada cabin waxaa wanaagsan inaad maalinta oo dhan u qaybiso.
Yareynta XanuunknaHaddii uu ku hayo Baabasiir waxaa futada afka saxaradu soo marto ku samaysma burooyin yar(ama banaanka ayey ku samaysmaan ama gudaha), kuwaas ayaa riixa dareemayaasha meeshaas ku jira oo ah kuwo aad iyo aad u dareen badan. Waxaa jira cunnada la cuno in xanuunka lagu yareyn karo. Haddii uu kugu dhaco Baabasiir waxaa wanaagsan inaadan cunin ama cabin cunnooyinkaa.
- Kafeega: Kafeega wuxuu caroosha ku sameeyaa in xiidmuhu isku soo ururo, taasna waxaa laga baqaa inuu cadgo ku sameeyo unugyada ayuu yiri Dr. Schuster. Sidaas daraadeed kafeegu ma wanaagsana. Taas micnaheedu waa jirka oo biyihii badnaa waaya. Sida wanaagsan waxaa weeye in jirku u baahan yahay biyo badan marka uu Baabasiirku ku hayo.
- Khamriga: Khamriga waa sida Kafeega oo wuxuu kugu ridaa in saxaradaadu adkaato. Waxaa wanaagsan inaadan cabin marka uu ku hayo Baabasiirka. -Basbaaska: Haddii aad cunto Basbaas ama wax la mid ah waxaad ka dareemaysaa meesha saxaradu soo marto markaad mushqusha tagto. Ma wanaagsana iskana ilaali.
Waxaa wanaagsan inaad dhaktar u tagto markaad isku aragto inay dabada daloolkeeda ku xanuunayso markaad saxarooto. Meelkasta oo aad dunida ka joogto u tag dhakhtarka, isagaa kuu sheegaya cunnada wanaagsan ee jilcinaysa calooshaada.
Qore Hurdiwaa.
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






