top
logo

User Login




Home Akhriso oo ogsoonow Dhacdo Buugaagta ardayda dugsiyada sare ee Yurub oo lala yaabay!
Buugaagta ardayda dugsiyada sare ee Yurub oo lala yaabay! Print E-mail
User Rating: / 17
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Friday, 16 September 2011 09:35

Georg-Eckert-Institut for InternationalBuugaagta dugsiyada sare lagu dhigto ee yurub oo la ogaaday in qeybaha ka hadla taariikhda iyo nolosha muslimka ay khalad ugu qoran yihiin. Warbixintaana waxaa ku soo bandhigay Wasaaradda Arimaha dibadda ee Jarmalka Hay'adda caalamiga ah ee baarta buugaagta dugsiyada lagu dhigto....

15.09.2011 ayaa Hay'ad caalim ah oo lagu magacaabo Georg-Eckert-Institut baartana buugaagta ardayda dugsiyada ayaa 150 buug oo lagu dhigto dugsiyada sare oo ay ka kala keentay waddamada Jarmalka, Faransiiska, Isbeyn, Osteeriya iyo Ingiriiska ku baartay waxa ku qoran iyo sida carruurta loogu fasirayo taariikhda iyo nolosha dadyowga haysta diinta Islaamka.

Hay'addaan ayaa waxay si guntaabasho ah u baartay 27 buug kuwaasoo kala ahaa kuwa laga barto maadooyinka Bulshada, Siyaasadda iyo Taariikhda. Waxay ku arkeen buugaagtaas waxay noqotay mid aad iyo aad ula yabeen Hay'addaas. Waxayna sheegeen in buugaagtaas waxa ku qoran ay yihiin mid xoojinaysa aragtida dadka neceb Islaamka.

 

Buugga ugu yaabka badnaa ay sheegeen wuxuu ahaa buugga dugsiyada sare ee waddanka Isbeyn. kaasoo ku qornaa in diinta islaamka tahay mid ay leeyihiin dad reer guuraa ah, Beeraley ah, lana qabsan karin horumarka caalamka.

 

Hay'addaas Georg-Eckert-Institut waxay codsatay in buugaagtaas loogu noqdo saxid iyo in dadka muslimka ah aan laga dhigin dad iyaga gooni  ah oo ka baxsan ummada.

 

 

Hurdiwaa

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS