
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Keenya oo heshay dhulbadeed weyn |
|
|
| Written by Aayatiin |
| Wednesday, 12 October 2011 11:01 |
|
Aayatiin.net iyo Puntlandi.com oo ah wargeysyo ka mid ah wargeysyada wax ku qora internetka ayaa wareysi dheer ka soo qaaday nin xubin ka ah baarlamaanka soomaaliya. Wareysigaan waxaan ku suáalnay ninkaas labo suàal b) waa maxay roadmap t)iyo hadalhaynta dad badan oo soomaali iyo shisheeye iskuugu jira in waddanka soomaaliya laga waayi doono khariidada dunida muddo dhaw. Ninkaan wuxuu naga codsaday in magaciisa oo sax ah lagu qorin wargeyska, waxaanse u bixinay Siidow Siciid(magac dahsoon) . Siidow Siciid: Bismillaah, waxaan la soconaa in dagaalada soomaaliya ka socda ay socdaan muddo aad u badan oo ah 21 sanno, taasna waa maskax yaraanta dadka soomaaliyeed. Dagaaladaan socda ee aan dhammaanayn waxaa wada maaha dadka soomaaliyeed ee waa dad aan soomaali ahayn, balse u adeegsanaya dadka soomaaliyeed sidii xabad iyo qori. Danta dadkaas aan muuqan ee dadka soomaaliyeed dabada ka soo riixaya waxaa ugu horreeya reer Yurub, Carabta, Afrika, haba lakala badshee. Reer yurub waxaa u sii cadcad waddamada Noorweey iyo Denmaark. Waddamada afrikana waxaa ugu cadcad waddanka Itoobiya, Keenya iyo Tansaaniya. Nasiibxumo waxaa ah in dadka soomaaliyeed ee hormoodka noo ah oo aan arag waxaas oo dhan. Haddii aan ku soo noqdo suáashaadii hore ee ahayd waa maxay roadmap?. Roadmap waa eray af ingiriisi ah micnihiisana waxaa weeye(afsoomaali toos ah waa khariidadii dhulka) in qorshe la doonayo in la gaaro oo lagu si tartiib tartiib ah.Magacaan wuxuu soo caan baxay markii uu madaxweynaha waddanka maraykanka George W. Bush 24.06.2002 uu khudbad ku yiri waxaan doonaynaa inaan roadmap samayno oo aan rabno inaan labo waddan oo deris ah ka dhalato bariga dhexe(israaíil iyo falastiin). Wixii ka dambeeyey waagaas waxaa bilaabatay in magacaas loo adeegsado in qorshooyinka kala qaybinta waddamada ama dhulboobida lagu hayo waddamada liita sida soomaaliya ay magacaan soo gashaan. Magacaan waa magac ama qorshe lagu kala qaybinayo waddanka soomaaliya sidii loogu qeybshay Baarliin 1885. Qorshahaan waxaa wata waddamada Noorweey, Itoobiya, Keenya iyo Tansaaya(waana waddanka uu ka soo jeedoMr. Mahiga) . Soomaalida waxay ku maahmaahdaa doqonta usha agteeda ku dhufo haddii aysan garan iyada ku dhufo. Qorshaha ugu horreeyo roadmap waxaa weeye in lagu dhaco badda soomaaliyeed, markii taas xal laga gaaro 19.12.2011. waxaa xiga xagga dhulka.Roadmap-ka qodobka ugu muhiimsan waxaa weeye kan ka hadlaya badda, inta kale waxay ka hadlayaa waxaan sidaas micne ugu fadhiyin. Madaxweynaha soomaaliya waa Mr. Mahiga sida dad badan qabaan, waayo isagaa arrimaha laga hadlo ama laga hadli doono iyo waliba qofka ka hadli doona soo qora. Baarlamaanka soomaaliya oo howshiisa u gudanaya sida baarlamaanada kale ee dunida ka jira ma aragteen. Laga soo bilaabo madaxweynihii C/laahi yusuf siduu u tagayba wax howl ah oo aan oran karo baarlamaanka soomaaliyeed waa qabteen ama fuliyeen waa ay yar tahay.Taasna waxaan oran lahaa waxaa weeye UN-ta iyo reer galbeedka oo helay madaxweyne siday doonaan ka yeelaan kaasna waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Madaxweynayaashii isaga ka horreeyey Cali Mahdi, C/qaasim Salaad iyo C/laahi yuusuf intaba lama hogaamin ee iyagaa wax hogaamin jiray, isagase waa la hogaanshaa. Waana tan keenaysa in damac ku yimaado dhulkii soomaaliyeed. Xubnaha baarlamaanka qaarkood ayaa yiraahda waxa loogu kordhiyey sanadka dowladaan shiikh Shariif waxaa weeye iyadoo la doonayo in arimo badan laga saxiixdo, waayo wasiiradda iyo maamulkuba waa kuwo aqoontoodu aad iyo aad u yar tahay xagga hogaaminta. Wariye: Waxaa jira dad ku doodaya 12nm(nautical miles) in lagu xadido dhul badeedka soomaaliya, maxaa keenay? Siidow Siciid:Waxaa jira dad qaba fikradda dowladaha la dagaalama burcad badeedka soomaalida, taasoo oranaysa haddii 12nm lagu soo koobo xadbadeedka soomaaliya waanu ugaarsan karnaa burcadbadeedka soomaalida, waayo waxaanu maraakiibteena 40 markab oo dagaal soo istaajin karnaa meelaan ka fogeyn dhulka. Wixii ka baxsan 12nm aysan jirin cid oran karta annagaa leh oo maraakiibta reer galbeedka way ka jilaaban karaan, qashinna ku qubi karaan, lagamana qaadayo wax lacag ah. Waddanka Keenya wuxuu 06.05.2009 dalbaday loona ogolaaday inuu 200nm ka dhigto markii hore wuxuu haystay 12nm. Marka waxaanka liidanaa Keenya oo doonaysa inay kororsato dhulbadeed, innagana ma wixii hore aynu u haysanay ayaan dayacaynaa. Soomaalida waxay ku dagaalamayaan marakan inay joogaan 200nm, laakiin waxaa la dayacay wax badan kadib markii heshiiska lala galay keenya oo halkaas lagu siiyey 200nm iyadoo horey u haysatay 12nm. Guusha waxay raacaysaa keenya haddii soomaaliya iyana aan loo kordhin. Dhibkana waxaa keenay heshiiskii dowladdii Cumar C/rashiid.
Exclusive economic zone An exclusive economic zone extends from the outer limit of the territorial sea to a maximum of 200 nautical miles (370.4 km) from the territorial sea baseline, thus it includes the contiguous zone.[3] A coastal nation has control of all economic resources within its exclusive economic zone, including fishing, mining, oil exploration, and any pollution of those resources. However, it cannot prohibit passage or loitering above, on, or under the surface of the sea that is in compliance with the laws and regulations adopted by the coastal State in accordance with the provisions of the UN Convention, within that portion of its exclusive economic zone beyond its territorial sea. Before 1982, coastal nations arbitrarily extended their territorial waters in an effort to control activities which are now regulated by the exclusive economic zone, such as offshore oil exploration or fishing rights (see Cod Wars). Indeed, the exclusive economic zone is still popularly, though erroneously, called a coastal nation's territorial waters. Waxaad halkaanka arki kartaa in Territorial sea claims waddanka Kenya uu leeyahay oo kaliya 12nm xagga soomaaliya ka leedahay 200nm Halkaan ka akhri xeerarka badda: http://en.wikipedia.org/wiki/Territorial_waters Waxaad hakaan ka daawataa waddamada isku haysta dhul badeedka afrika. Kuma jirto in soomaaliya iyo keenya isku haystaan dhul badeed, balse waxaa ku qoran in soomaaliya iyo yamen isku haystaan socotra. Waddanka Kenya waxay UN-ka 06.09.2009 u ogolaatay in looga dhigo Contineltal shelf 200nm lagana soo bilaabo baseline. Eeg halkaan : http://www.un.org/depts/los/clcs_new/submissions_files/submission_ken_35_2009.htm Eeg halkaan waa wax lala yaabo: Wariye: Maxaad ula jeedaa waxaa xiga xagga dhulka? Siidow siciid: waxaan ula jeedaa oo ay jawaab u noqonaysaa su`aashaadii labaad ee ahayd in waddan soomaaliyeed laga waayi doono dunida. Waxaa ku soo badanaya soomaaliya meel kasta in dad aan soomaali ahayn soo buux dhaafsheen magaalooyinkii soamaaliya sida Hargeysa, barbara, garoowe, boosaaso, baladweyne, hobyo, muqdisho, xudur, doolow iwm. Dadkaas waa dad amxaaro iyo oromo ah. Dadkaas waddankoodu waa u deggan yahay maxaa keenaya soomaaliya?, waxaa keenaya waxaa weeye marka hore iyagoo dowladda itoobiya siiso lacag dadkaas si ay u degaan magaalooyinkaas, halkaasna ku ilaaliso nabadooda, tan xigta in dadkaas la doonayo inay xuquuq ku yeeshaan soomaaliya markay degganaadaan muddo 50 sano ah(waana inta la doonayo in dagaalada soomaaliya la gaarsiiyo). Hal qof oo dadkaas ka mid ah laguma xiri karo xabsiyada soomaalida waxaa markiiba imaanaya ciidamo itoobiyaan ah ama telefoon soo diraya si loo siidaayo qofkaas. Waxaa kaloo qorshaha dadkaa qeyb weyn ka qaata waa UN-ta qeybteeda xaqootiga oo dadkaas siisa kaarar caddeynayaan inay qaxooti ku yihiin soomaaliya si aan looga saarin. Waxaa iyana si dadban qeyb ka qaata sharciyada cusub ee dadka soomaaliyeed laga dhaadhiciyey oo ah in xisbiyo badan la sameeyo. Waxaana imaan doono in dadkaas yeeshaan xisbiyo iyaga u badax banaan oo dabadeedna soo galaan baarlamaanada la doonayo in gobol walba dhisto. Xisbigaas ay dhistaan dadkaas Itoobiyaanka ah waxay la qabsan doonaan dowladooda Itoobiya oo gacan weyn marakan siisa. Waxaana imaan doonto in dadka soomaaliyeed ee iska daa dhulka ogaadeenya inay helaane dhul hor leh lagu waayo iyadoon wax dhiig ah oo uga daatana jirin itoobiya. Waana qorshaha ay wataan waddamada reer galbeedka. Dadkaas itoobiyaanka ah waxay kaloo wataan qorshe ah inay diinta masiixiga ku faafiyaan gudaha soomaaliya. Taasna waxaa ka dambeeya ururo isku sheega inay yihiin kuwo samafal oo ay leeyihiin waddamada reer galbeedka. Waxaa maqaal igu ah in dadka itoobiyaanka ah ku helaan lacag badan haddii ay soomaaliya yimaadaan oo ay faafiyaan diinta masiixiga, reer galbeedka waa dad aan innaga noo ekeen oo markiiba la tuhmi karo, balse dadka itoobiyaanka ah waa dad innaga noo eg sheegtana inay qaxooti yihiiin. Taasna waa dagaal cusub oo soomaalida wali fahmin.
Wariye: Maxay ku dhacday in baarlamaanka soomaaliyeed uga hadli waayeen ama uga doodi waayeen Khariidada dhulka(Roadmap)? Siidow Siciid: Waxaan suàashaadaas uga jawaabaayaa iyadoo wali Mr. Mahiga uu san ku amrin in laga doodo. Wariye: Ma isagaa laga sugayaa amar , waayo? Siidow siciid: Dowladda soomaaliya waa dowlad aan mushaar siin karin xildhibaanadeeda. Dadka xildhibaanadaas mushaarka siiya waa UN-ta. UN-tana waxay madaxweyne uga dhigtay soomaaliya waa Mr- Mahiga isagana wali ma amrin in laga doodo. Baarlamaanka iskama doodo haddii aysan jirin wax qorsha maalmeed ah oo laga doodo sida baarlamaanada kale ee dunida. Baarlamaanada dunida waxaa maalin walba horyaal qorshayaal badan oo ay ka doodaan meelna mariyaan goàamada ka soo baxa. Kan soomaaliya waa baarlamaan shaqooyinkiisa oo dhan lagu qabto Nayroobi oo uu qabto Mr. Mahiga, goàanadana noo soo gudbiyo dabadeedna si qarsoodi ah dowladdu u saxiixdo. Sida runta ah dadka soomaaliyeed dhibaatada ugu weyn oo haysata waa dowladdaan marakan dhisan. Waad aragtaa Raysalwasaaraha C/wali Gaas intaas inuu wareegayo dunida dacaladeeda ilaa iyo marakan ma jiro wax warbixin ah oo uu horkeenay baarlamaanka waana laga sugayaa wali. Safarkiisii Deenmark ka dib wuxuu tagay neeyroobi oo wali joogo. Runtii baarlamaanka soomaaliyeed waxaa horyaal howl badan oo laga doonayo in baarlamaanku ka doodo sida Roadmap-ka. Wali lama horkeenin oo si sax ah loogama doodin waxa uu xambaarsan yahay oo faaìido iyo khasaare ah, mana u maleyn doono in laga doodi doono, waayo waa arrin ay wataan dadka mushaarada siiya dowladda soomaaliya. Waxaanse oran lahaa Dr. Gaas inuu iska ilaaliyo hogga ay qodeen dowladihii isaga ka horreeyey, marakanna u eg mid 19.12.2011 uu isaga saxii doono. Dhibaatada ugu weyn oo wali aan laga gudbin baarlamaanka iyo dowlad walba waxaa weeye in qofkii xil wasiir loo dhiibo inuu isagu isku koobayo howshaas. Haddii wax laga waydiiyana aanu ka jawaabin, haddii la dabco in lala xisaabtamana ay qaylinayaan qabiilka uu ka soo jeeda ee ku jira baarlamaanka. Waxaa kaloo jira in wasiiradu markay muddadoodu dhammaato ay horey u qaataan warqadihii ay heshiisyada ku saxiixeen si aan loo arag. Wasiiro iyo safiirado badan ayaa u haysta inay u shaqeeyaan UN-ta waayo iyadaa lacag siisa. Taasna waa in laga gudbaa. Waxaan dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ka codsanayaa inay banaan baxaan oo ay qaataan boorar ay ku qoran yihiin waxaanu leenahay 200nm +150(continental shelf).waana inay soomaaliya heshaa 350nm, waayo keenya way heshay wixii ay doonaysay. Mahadsanid Siidow Siciid.
Akhri halkaan Heshiiskii soomaaliya iyo keenya kana dhacay keenya oo ay soomaalida ugu ogolaatay in keenya ay yeelato 200nm halkaan ka akhriso. Sidaan horayba ugu soo qoray keenya wixii ka horreeyey 06.05.2009 waxay la haayeen 12nm, taasoo ugu wacnayd iyadoo labada waddan ku dirirsanaa dhulbadeedka xuuuda ah oo aysan marna soomaaliya dooneynin in keenya hesho 200nm. Waxaase dhacday in oo uu maqaalkaan hoose muujinayaa in dowladda Noorweey ka shaqaysay sidii keenya u heli lahayd 200nm, waxaana u ogolaaday dowladdii Cumar C/rashiid , madaxweynaha soomaaliya Shiikh shariif iyo Ibbi. Heshiiskaan waxay keenya ka faaiday inay ku soo dhawaato Kismaanyo iyo jasiiradaha u dhaw. http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/preliminary/som_2009_preliminaryinfo.pdf
Halkaan iyana akhri: The Lie: Somalia has no 200nm Somali Waters Waxaan ka soo qaadanay International.to http://international.to/index.php?option=com_content&view=article&id=519:status-of-seized-vessels-and-crews-in-somalia-the-gulf-of-aden-and-the-indian-ocean-7-august-&catid=36:news&Itemid=74
Waxaad halkaan ka akhrisataa xataa ka daawataa Axmed walad Cabdall oo la suàalay intuu UN-ta u fadhiyey soomaaliya inuu Noorweey lacag ka qaatay kana caawiyey arrinta soomaaliya: http://www.innercitypress.com/los4somalia083109.html Waddamada loo ogolaaday 2009 inay 200nm ka dhigaan dhulbadeedkooda waxaa ku jira Keenya halkaan ka eeg http://www.fni.no/doc&pdf/DAV_Ch_23_offprint.pdf
Aayatiin.net Puntland.com
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






