top
logo

User Login




Home Akhriso oo ogsoonow Dhacdo GURYO BADAN AYAA KU BUR BURAY KHUURADA HABEENKII DARTEED.
GURYO BADAN AYAA KU BUR BURAY KHUURADA HABEENKII DARTEED. Print E-mail
User Rating: / 14
PoorBest 
Written by Abdulmalik M. Farah   
Wednesday, 29 October 2008 00:51

snorkenMararka qaar waa ay adag tahay  in la sheegaa in guryo badan oo dhisnaa ay u bur bureen sabab dhibaato ka dhalatay Hurdada mid kamid ah labada lamaane.

Khuurada habeenkii waxaa ay dhibaato badan  gaarsiisay lamaane badan oo aad ujeclaa in ay noloshooda wada dhamaystaan iyagoo wada nool, sida uu sheegay khabiir ku xeel dheer qaabka loo seexdo rug caafimaadna ku leh Denmark dhakhtarkaan  layiraahdo soren Berg xaruuntiisa waxaa lagu magacaabaa Scansleep. Inta badan bur burka waxaa uu ku yimaadaa lamaanaha ukalaha shaqada islamarkaana yimaada iyagoo daalan guriga, marka lagaaray xiliga hurdada ayaa waxaa dhacda in labadooda kii quurin jiray uu sabab u noqdo in kan kale uu gam'i waayo taasna ay noqoto mid soo  laa laabata. sababta kale waxaa weeye in dadka Khuuriyaa ay inta badan calool leeyihiin waxaa yaraata hamigooda dumarka (Inta badan waxaa aad u Quuriya Raga) tan saddexaad waxaa jira dumar badan oo aad u jecel in ay barkadaan gacanta saygooda xiliga ay hurdaan taas waa ay adag tahay haddii uu yahay mid Quuriya. 

inta badan labada lamaane ee uu midkood Khuuriyo haddii ay ka bad baadaan bur bur qoys waxaa ay ku  kala guuraan hurdada oo midkastaa waxaa uu seexdaa qol gaar ah. waxaad arkaysaa rag badan oo jeefafadhiga. inta badan qaar ayaa waxaa ay isticmaalaan goojada sanka lagu buufiyo hayeeshee iyadana dhibkeeda ayay leedahay. Waxaa inta badan laga yaabaa xiliga haasaawaha in la isweydiiyo Yurub maquurisaa.

WQ:Abdulmalik M. Farah (Gaas)

Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS