|

Aarhus: waxaa ay
u ahayd taariikh lama ilaabaan ah Soomaalida ku nool wadanka Denmark,
kadib markii si kadis ah ay ugu timid Wasiirada horumarinta Qoyska iyo
haweenka DGSoomaliyeed ee Puntland Marwo Caasho geelle Diiriye iyadoo ay
ku wehlisay safarkeeda Marwo faadumo Jibriil oo ah, wafdiga oo ku
yimid Denmark casuumad ay ka heleen Dowlada Denmark iyo ururada Puntland
aid service iyo Somali relief organisation. intii ay joogeen waxaa ay la
kulmeen wafdiga mas'uuliyiin kala duwan oo ka socday Denmark iyo waliba
Soomalida degan wadankan.

Cali nuur oo ah mudanaha u fadhiya Soomalida Golaha deegaanka
Aarhus isla markaana ka tirsan xisbiga talada dalka haya ayaa siiyay
warbixin wasiirada.
wafdiga ay hogaaminaysay wasiirada ayaa
waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda Labaad Denmark ee
Aarhus, waxaana ay halkaas kula kulantay oo ku soo dhaweeyay duqa
magaalada aarhus nicolai Warman iyo qaar katirsan golahiisa deegaanka.
Socdaalka ay ku timid Caasho geele iyo wafdigeeda waxaa ay u ahayd mid
taariikhi ah Soomalida Denmark waayo waxaa waxaa la suray calanka
Soomaliya xaruunta deegaanka magaalada aarhus taas oo aan abidkeed la
surin xafiis kamid ah wadankan.
 
taas ayaa waxaa ay soo jiidatay Soomaali badan iyo wali dadka aan ka war
ahayn imaashiyaha wasiirada ayaa markiiba doonay sababta loo suray
calanka Soomaliya xaruunta deegaanka gobolka. Intii ay joogeen waxaa ay
si khaas ah ula kulantay golaha deegaanka iyo duqa magaalada Aarhus
waxaana ay siisay warbixin ku saabsan Soomaliya iyo Puntland gaar ahaan,
waxaa ay ku nuux nuuxsatay sida ay muhiim u tahay iskaashi labada
dhinac,Duqa magaalada Aarhus Nicolai Warman ayaa aad u amaanay Soomalida
degan Aarhus isagoo ku tilmaamay dad imika haya wadada ugu sax san,
waxaa sigaar ah loo amaanay raga Soomaliyeed oo iyagu badankooda
Shaqaysta. ugu danbayntii waxaa ay saxiixday wasiirada buuga
martida.iyadoo uu siiyay hadiyad ka timid Degmada.
dhinaca kale waxaa wehlinay wasiirada
kulankaas Maxmuud Khaliif Faarax iyo Saalax siciid Diiriye
oo iyagu ahaa dadkii ka danbeeyay imaanshiyaha Wasiirada iyo wafdigeeda.

Wasiirada oo hortaagan Xaruunta magaalada
aarhus.-Denmark
Shirkii Soomalida Aarhus.
Caasho Geele iyo faadumo jibriil oo la sawiran Odayaal reer Odense ah.
kulankaas kadib waxaa ay kulan u
qabatay wasiirada Soomalida degan Aarhus iyadoo la kala kulantay laba
maalmood. warbixin iyo wadatashi kadib, waxaa sidookale aad uga muuqatay
goobtaas Faadumo Jibriil oo ah qof caan ku ah usocodka horumarinta
deegaanka, waxaa ay ku boorisay dadkii isugu yimid halkaas horumarka in
laga qayb qaato, iyadoo xustay in imika lagu jiro qorshe ladoonayo in
lagu dhiso Dekada laas qoray taas oo ay ka heshay taageero. horay waxaa
u yimid gobolkan Xildhibaan C/rashiid Ciro oo ula kulmay mas'uuliyiin
wadankan.
socdaalkii ay ku yimaadeen wafdigaas
ayaa ku soo gaba gaboobay si fiican. waxaan ay ahayd mid ku beertay
maskax cusub dadkii goob jooga ka ahaa madasha shirka.waxaa ay ugu
danbayntii Soomalida ay aad ugu mahad celsheen Ururadii soo qaban
qaabiyay kana dambeeya shirkaan in uu qabsoomo. oo kala ah.
- Puntland aid
Service,
-
Somalisk Dansk
Venskabs Forening
-
Somali Relief
Organisation
-
Somali Kvinde
Forening i Denmark
-
Brabrand Oplysnings
Forbund
WD:Abdulmalik M Farah
Abdulmalik@aayatiin.net
ISha:Puna.()
aayatiin.net
ama webmaster@aayatiin.net
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad
cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo
Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07
 Växjö:Jaaliyada
Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa
waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada
Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho
10.04.0700
oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii sedexda maalin socda
Aarhus:Xaflad
Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali
Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland
ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.
Aarhus:BAAQ
TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07
Muqdisho:Diyaarad
Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay
damintiisa.09.marso.07 |