
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Gaalkacyo laguma qaadan karo xijaabka |
|
|
| Written by Aayatiin |
| Monday, 14 December 2009 20:24 |
|
Waxaanu helnay warbixin ku saabsan inuu wasiirka Arimaha gudaha ee Puntland jeneral C/laahi Axmed Jaamac "Ilka jiir"uu baarlamaanka Puntland kaga codsanayo arrimo in la mabnuuco. Waxaana warbixintaan oo sir adag ah u soo gudbiyey duqeyda,duqa iyo madaxda magaalada Gaalkacyo kadib markii ay si qarsoodi ah warbixintaan u ururiyeen ciidamada dharka cad. Waxaa warbixintaan lagu sheegay dhawr arrimood waxaana ka mid ahaa: 1. Xijaabka Xijaabka qaar ka mid ah waxaa lasoo ogaaday inay khatarta ka jirta magaalada gaalkacyo iyo waliba magaalooyinka Puntland ay qayb weyn ku leeyihiin. Waxaana taas ka mid ah in dilalka iyo qorshayaasha dilmada ah ee ka dhicay ama ka dhacaya marakan ay dadka fulinaya arimahaas ay xirtaan xijaabka aan qofka la garin karin inuu nin ama haween uu yahay. Waxaa la soo ogaaday ama baaritaan markii la sameeyey la helay dhar xijaabyadaas ah iyo hub badan oo noocwalba iskuugu jiro laga helay guryo ku yaala xaafadaha magaalada gaalkacyo. Waxaa warbixintaas looga codsanayaa wasiirka arimaha gudaha ee Puntland inuu mabnuuc ka dhigo xijaabka noocaas ah in lagu qaato gudaha Puntland. waa noocaas oo kaliya ee xijaabka kale waa caadi haddii haweenka wajigeeda la arkayo. 2. Cimaamadaha garabka ama madaxa lagu qaato Waxaa iyana warbixintaas sirta ah ku yaala in cimaamadaha dhallinyaradu garabka ama madaxa ku qaataan ay iyana ka tahay qayb weyn dilalka ka dhaca gaalkacyo. Dhallinyaradaas markay qof dilaan intaysan fulin qorshahaas ayey afka ku duubtaan cimaamadaas ama markay carraraan. Waxay ay warbixintaan qoraysaa in qofka loo ogolyahay inuu qaato cimaamadda uu noqdaa oo kaliya dadka da'da waa weyn oo kaliya. 3. Dhallinyarada iskuula socoto labo iyo wixii ka badan Waxay warbixintaan qoraysaa in dhallinyarada habeenkii wixii gaaraya labo iskuula socoto la baaro, haddii ay cimaamado wataana aad loo dabo galo. 4. Dadka ka soo jeeda koonfurta Dadka ka soo jeeda koonfurta soomaaliya ee deggan magaalada Gaalkacyo in indhaha lagu hayo oo waliba loo sameeyo aqoonsi iyo tiro koob si qofkii wax dambi ah galo laga qaado shircigaas laguna celiyo koonfurta. Sawirkiisana la galiyo meel walba oo boolis ah oo ku taal Puntland. Dadka aad iyo aad loo tuhunsan yahay waa dadka tuugsada, guryaha dhisa iyo kuwa ganacsiga ku leh magaalada. Dilalkii ugu dambeeyeyna iyagaa lagu arkay. Dadka ka soo jeeda gobolada Shabeelada hoose, Jubbada Hoose, Jubadda dhexe, Bay iyo Bakool. 5. Lacagaha doolarka ah iyo Xawilaadleyda Waxaa warbixintaan ku taal in lacagaha doolarka ah ay yihiin kuwa dhibka ugu badan ku haya soomaaliya oo idil, waayo ma jiraan meel lagu kontorooli karo iyo bangiyo ay dooladdu leedahay oo ilaalinaya lacagtaas. Waxay warbixintaan sheegaysaa inay ku yaalaan guryo magaalada Gaalkacyo lagu sameeyo lacagta doolarka ah. Lacagta haddii guryaha lagu sameynayo dadka soomaaliyeedka yihiin kuwo dhibaato lacag ah haysato ayey sahlaysaa in qof la yiraahdo lacagtaan qaado oo soo dil qofkaas. Xawilaadleydana waxay tahay dhibta ay ku hayaan dadka iyo dowladda waa iyagoon la ogeyn inta lacag oo hoos ahaan u sameeyaan doolar iyo lacag soomaali, iyo iyagoon wax tiro koob ah ama warbixin ah oo ay siiyaan ilaha ciidamada suga nabadda jirinqofka ay lacag u timaado. Taasna waxay keentaa in lacago badan la soo mariyo xawilaadleyda dabadeena dadka wax lagu yeelo.Waxaana warbixintaas lagu cadeeyey in nabadda puntland ay ku jirto in xawaaladaha la joojiyo oo puntland iyadu yeelato bangiyo iyagu lacagta sarifa oo kontoroola dadka lacaga sarifanaya. 6. Shirkadaha Taleefoonada Warbintaan waxaa ku cad in Shirkadaha Teleefoonada ay leeyihiin dad rayad ah oo dowladdu wax gacan ah ku lahayn. Waxaana shirkadahaas lagu eedeeyey inaysan sirta dadka la dabo galo ama dadka la tuhun sanyahay aysan warbixintooda aysan si wanaagsan ula shaqeyn ciidamada suga nabadda. Waxaa lagu codsanayaa warbixintaas in ciidamada nabad ilaalintu shirkadahaas la wareegaan oo dhageystaan dadka laga shaki qabo. ama dowladdu la wareegto shirkadaha Teleefoonada ee ka jira Puntland waayo waxay tahay mid aan laga maarmi karin oo ku xiran nabadda Puntland.
Warbixintaan oo aad iyo aad u dheer ayaa waxaa noo soo sheegay nin ka mid ah duqoyda magaalada Gaalkacyo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin. Waxaa warbixintaas ku cad in waxyaabaha kor ku xusan iyo kuwa kalaba haddii aysan dowladdu ku dhaqaaqin ay khatargalayso jiritaanka Puntland. Wuxuuna ninkaas odayga ah noo sheegay in dhawaan warkaan la maqli doono intaan sanadka cusub uu soo galin, lagana ansixin doono Baarlamaanka Puntland.
Akhristaha Aayatiin wax walba og! |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow



Waxaa soo socda sharciyo xijaabka qaarka aan qofka la garin karin inuu nin ama haween yahay looga mabnuuci doono Gaalkacyo, waana arrinta uu doonayo wasiirka Arimaha gudaha ee Puntland inuu hordhigo Baarlamaanka toddobaadyada soo socda.


