|
Dukaanka Ragga Lagu Iibsho.
sheeko xiiso badan oo uu qoray Qoraagab weyn ee Buuga Xilka iyo Qiimaha Barbaarinta. waa buug cusub oo xiiso badn
Magaalo weyn ayaa waxaa ku noolaa Dumar aad u fara badan oo guurdoon ah, iyo Ragg aad uga tiro yar Dumarkaas guur doonka ah ee ku nool magaalada. Kadibna waxaa laga furay magaaladii Dukaan weyn oo ay Dumarku ka soo iibsan karaan ninka ay ka doortaan Ragga. Qofkastana waxay xaq u leedahay inay Dukaanka gasho siay iyadu usoo doorato ninka dookheeda buuxiya. Dukaanka iridiisana waxaa ku qoran (gabar kasta waxaa loo ogal yahay inay Dukaanka hal jeer oo kalia gasho). Waxayna ka dooran kartaa ninka ay rabto; Dabaqa 1aad, hadii kalana kan 2aad, ama kan 3aad, laakiin marna looma ogola inay hoos ama gadaal usoo laabato. Hadaba gabar baa soo gashay Dukaankii siay u doorato ninkii ay nolosha lawadaagi lahayd, waxayna ka akhrisay irida dabaqa kowaad; Ragga dabaqaan joogaa waa;
* Ragg shaqaysta
* Damiir fiicana leh.
Balse gabartii wey sii gudubtay iyadoo is leh mindhaa Ragga dabaqa labaad ayaa kasii wanaag badan. Dabaqa 2aad iridiisana waxay ka akhrisay; Ragga dabaqaan joogaa waa; * Ragg shaqaysta, * Damiir fiicana leh, * Caruurtoodana aad u jecel. Waxayna usii gudubtay dabaqa 3aad, waxayna ka akhrisay iridiisa; Ragga dabaqaan joogaa waa; * Ragg shaqaysta * Damiir fiicana leh * Caruurtana aad u jecel * Soo jiidasha fiicanna Dumarka u leh. Aad bay u fikirtay, waxayna ku sigatay inay gasho, balse waxay door biday inay sii socoto, waxayna gaartay dabaqii 4aad, waxayna ka akhrisay iridiisa; Ragga dabaqaan joogaa waa; * Ragg shaqaysta * Damiir fiicana leh * Caruurtana aad u jecel * Soo jiidasha fiicanna leh * Haweenkoodana ku caawiya shaqada Guriga. Aadbayna u damacday inay gasho, iyadoo is tiri; intaa wax kafiican oon raadin lahaa maba jiraan. Balse waxaa qaaday Damac iyo wax badsi (wax badsana wax beel bay dhashaa) waxayna usii gudubtay dabaqii 5aad, waxayna ka akhrisay iridiisa; Ragga dabaqaan joogaa waa; * Ragg shaqaysta * Damiir fiicana leh * Caruurtana aad u jecel * Soo jiidasha fiicanna leh * Haweenkoodana ku abuura jacayl fara badan * kuna caawiya shaqada Guriga. Waxayna ku sigatay inay gasho, balse waxay u sii dhaaftay dabaqii 6aad, waxayna ka akhrisay iridiisa; (waxaa tahay Dumartii Nr. 4.363,012, dabaqaana wax ragg ahi majoogaan, waxaa loo furay in la hubsado inaan dumarka la raali galin karin). Aad baad ugu mahad-santahay booqashada aad soo booqatay Dukaanka Ragga laga iibsado. Jaranjarta tartiib uga-dag Markaad sii baxayso, waxaana kuu rajaynaynaa maalin wacan oo wanaagsan. Wax-badso wax beel bay dhashaa....!!! Axmad Cabdulahi Germany
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|