top
logo

User Login




Home Maqaalada Maqaalada Reer galbeedka oo masaajidada carruurta quraanka lagu baro indhaha ku haya
Reer galbeedka oo masaajidada carruurta quraanka lagu baro indhaha ku haya E-mail
User Rating: / 33
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Sunday, 26 July 2009 14:10

Waalid walba oo soomaali ah wuxuu jecel yahay in carruurtiisu noqdaan kuwo dhaqankooda, hiddahooda iyo diintooda kaga deydaan waalidkood oo ay ku dhaqmaan. Dhallinyarada ku dhalatay ama iyagoo aad u yar la keenay waddamadaan reer galbeedka waxaa noloshooda ku hardamaya saddex waxyaabood oo kala ah: Waalidkood, Wadaadada sida xun kitaabka u fasira iyo dhaqankii reer galbeedka. Su’aashu waxay tahay ilmahaas soo koraya ama koray waddadee marayaan?

Walaalayaal qormadayda oo aad u dheeraatay ayaan jeclaystay inaan saddex qaybood u kala saaro  1.Waalidka, 2. Wadaadada sida xun kitaabka u fasira iyo 3. Dhaqanka reer galbeeka 

2. Wadaadada

Barashada quraanku waa wax wanaagsan in carruurtu bartaan diinta waalidkood haysto, kuna dhaqmaan, iyaguna sii siiyaan ilmaha ay dhali doonaan. Sidaas ayeyna nolosha bini’aadanka ku soo jirtay kuna jiri doontaa. Waxaa isweydiin leh xaggee ka baran karaan ilmuhu quraan.

 

Markii dhulkii hooyo ee aynu wadalahayn iska soo gubnay ayaan nabad darteed ku soo yaacnay waddamo aan nagula dhaqan, hiddo iyo diin ahayn. Waxayna nasiiyeen nabad ka wanaagsan tii aanu ku haysanay waddankeenii soomaaliya. Waxaa naloo ogolaaday inaan carruurteenna afkeenii soomaaliyeed baran karno, dugsiyadana waddamada qaarkood dad soomaaliyeed laga shaqaalaysiiyey si ilmuhu afsoomaali ku barbaaraan. Intaas oo wanaag ah markii nala siiyey ayaa waxaa bilowday in dhallinyaro yar oo diin jeceyl ah la soo baxeen seef diimeed. Umaddii soomaaliyeedna loo kala saaray qabaa’il diimeed sidii soomaaliya ka jirtay. Waxaa bilowday in masaajidyadii hab qabiil loo dhiso loona maamulo. Waa tabtii soomaaliya naga soo saartay.  Dhammaan wadaadada yaanan dusha ka wada saarin eed ee waxaa soo baxay wadaado lala yaabo(dhallinyarana u badan).

 

Diintii wanaageeda la yaqaanay ayaa la bilaabay in dhallinyaradii looga dhaadhiciyo oo kaliya in lagu jihaado, lagu laayo dad iyagana muslim iyo soomaali kula ah. Waxaanu ku nool nahay waddamada reer galbeedka waxaana naloo ka baahan yahay inaanu isku soo dhawaano oo aynaan kala yaacin. Ninka diinta barta waa sida ninka dhakhtarka barta, waxaana u gala jeedaa waa nin dadka oo dhan u dhexeeya, balse haddii uu fal kale dhexgalo taas waxay tirtiraysaa cilmigii uu soo bartay iyo kalsoonidii dadka u hayeen.

 

Waxaan waalidka u sheegayaa ilmaha markay yar yihiin intaysan gaarin 10 jir in lagu dadaalo in masaajidyada aysan joogin wadaadada si aan wanaagsanayn u fasira diinta la geeyo. Micnaha geynta oo kaliya maahee in waxa la barayo indhaha lagu hayo(la ogaado). Marka ilmuhu ka weyn yihiin 10 jir waxaa wanaagsan in siiba wiilasha marka ay tegayaan masaajidka aabbuhu raaco indhahana ku hayo wadaadada wax baraya ilmihiisa iyo waxa ay u sheegayaan. Waxaan kula talin lahaa Aabbaha inuu isagana la barto diinta wiilkiisa oo ay isla bilaabaan. Wiilkana wuxuu arkayaa in aabbihii wax la baranayo oo wuxuu ka helayaa meeshaa jeclaansho diineed iyo mid waalid.

 

Waxaa soo baxay in dhallinyaro aan qaangaar ahayn iyo kuwo qaangaar ah masaajidyada soomaaliyeed ee waddamada reer galbeedka ka dhisan laga kaxaystay lana geeyey muqdisho si ay uga dagaalamaan ulana jiraa ururka lagu magacaabo Al- shabaab.  Masaajidyadaas lagu tuhun san yahay waxaa ka mid kuwo ku yaal waddanka Maraykanka, Denmaark, Ingiriiska, Jarmalka, Holaan, Talyaaniga, Iswiidhan, Noorweey iwk.

Dhar cadka waddamadaan reer galbeedka waxay noqdeen kuwo indhaha ku haya masaajidyadaas, oo qaarkood magacyadoodu siiyeen waalidiin soomaaliyeed oo ilmahooda loo diray soomaaliya ama qaarkood lagu dilay soomaaliya. 

 

Waxaa soo baxay waalidiin soomaaliyeed oo ilmahooda ka saaray quraan dhigashadii ay ka dhiganayeen masaajidyada dadka soomaaliyeed dhistaan, waxayna geysteen dugsiyo lagu barto afka carabiga si ilmuhu u barto afka carabiga dabadeedna guriga ugu akhristaan quraanka. Arrintaan waxaa ii sheegay waalid soomaaliyeed oo aan kula kulmay waddanka ingiriiska magaalada London. „Wiil aan dhalay oo 16 sano jir ah, waxaan u raadiyey dugsi habeenkii laga barto luqadda af carabiga oo dad badan oo kala duwanna dhigtaan. Toddobaadkii labo habeen ayaa la dhigtaa anigaa raaca oo geeya kana soo qaada“ ayuu yiri aabbahaas soomaaliyeed. Taasna waxaa igu qasbay ka dib markaan arkay dhaqankii wadaadada soomaaliyeed oo aan ku kalsoonaan waayey. 

 

Wadaadada soomaaliyeed marka la eego dhaqankooda waxaa meesha ka soo baxayso inay u dhaqmayaan sida Aabbeyaashe soomaaliyeed oo subixii intay ka baxaan gurigooda fariistaan mukhaayado ku sheegga ilaa habeenkii laga gaarayo goor dambe oo aan carruurtiisa midna ka soo jeedin. Markaasna guriga aadaan. Wadaadada qaar ayaa iyagana aan waxna ka duwaneyn aabbayaashaa, waxaa la ogaaday inaysan wax caawina ah siin xaasaskooda subixiina ka soo baxaan guryaha habeenkiinna goor dambe ku noqdaan guriga. Waxa ay haweenta maalintaas oo dhan la tiir iyo tacabbeelayso carruurta, isagu wuxuu ka yahay dhib laawe.

Wadaadada wanaagsan waxaan farayaa inay iyagu noqdaan kuwii lagu dayan lahaa, bartaanna afka looga hadlo waddamada ay joogaan, raacdaanna cilmiga mid adduun iyo mid aakhiro, tusaana ummadda soomaaliyeed in labada dhinac laysku haysan karo. Tusaanna in gurigaagu (ilmahaagu) ka horreeyo wax walba, lana arko iyagoo la socdaan carruurtooda gabar iyo wiil(oo aysan ka xaysan wiilasha oo kaliya), la ciyaaraan carruurtooda guriga iyo dibeddaba.

 

Dhallinyarada wadaadada ah ee marakan la soo baxay seef diimeedka, waxaa la ogaaday inay 90% yihiin kuwo waddamada reer galbeedka noloshooda la qabsan waayey oo uu ku dhacay jahwareer dhaqan. Waxayna wadi waayeen waxbarashadii wadamadaas, raadsan waayeyna shaqo. Taas markay ku dhacay ayey ku yaaceen masaajidyada, halkaas oo aan looga baahnayn af shisheeye iyo dhaqan kale. Halkaasna waxaa ku kulmay dhalliyaro dhinac walba bulshadii ay ku dhex noolaayeen la qabsan waayey. Waxay istuseen inay quwad iyo magac kaga  helayaan bulshadii soomaaliyeed ee iyagana wadamadaas nolol iyo nabad ka soo doontay.

 

Masaajidyada la galo ma aha wax dhib leh ee waxaa dhib ah inaad masaajidka dhib ka abuurto meeshii aad diinta wanaageeda baran lahayd, bulshadii soomaaliyeed iyo tii aan martida u ahayn labadaba la galiyo dhibaato aan laga sheekayn karin, taasi waa masiibada ugu weyn ee ay dhallinyarada diinta ku cusub wadaan.

 

Bulsho sideedaba waa in laga helaa dad diinta yaqaan, dad dhakhaatiir ah, dad fuudi ah, dad darawalo ah iwm, ee waa inaysan noqon bulsho wadaado kali ah oo diinta un maahee wax kale ku sii jeedin. Waxaad ii sheegtaa haddii diinta kaliya aynu wadabarano yaa noo sameenaya baabuurta marka ay naga xumaadaan, yaa samaynaya ama galinaya korontada lagu ifinayo masaajidyada, yaa na daaweynaya markaan jirano iwm. Intaas oo dhan ma waxaan ka dhawreynaa dadka aad leedihiin waa gaalo inay noosameeyaan???.... jawaanbtu waa maya.  waa inaynu noqonaa bulsho iyada wax walba samaysata.

 

Haddii aad leedihiin waxaan nahay dhallinyaro diinta wanaageeda wada ee aan xumaan wadin walaalayaal tusa bulshada inay wax walba baran karaan, ee aydaan oran qofkii waxaan diin ahayn barta waa gaal. Tusa in bulshada waddamadaan ay yimaadeen ka bartaan tacliinta taal kuna anfacaan waddankoodii oo dib ugu celiyaan.

 

Waxaan ku waaninayaa wadaadada in la joojiyo lacagta laga uruurinayo masaajidyada, taas oo lagu laynayo bulshada muslinka ah ee soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaa oran lahaa in masaajidyada loo badelo meel ummadda soomaaliyeed ee ku dhaqan waddamda reer galbeedka ka helaan gargaar dhinac walba leh oo ka caawinayo wadanka ay joogaan, sida mid ka caawiyo dhallinyarada dugsiyada dhigata laylisyada loo soo diro(waa haddii masaajidkaas joogaan dad wax ka bartay waddankaas) haddii kale ay qortaan macalimiin maadooyinkaas ka caawina dhallintaas, sidaan la socono waalidka soomaaliyeed maaha sida waalidka waddamada aynu joogno kuwo ka caawiya carruurtooda laylisyada loo soo diro dhawr arrimood darteed, tan ugu muhiimsan waa waalidka oo aan aqoon afka waddanka iyo qaar waalidka ka mid ah oo aan waxba ka soo baran waddankeennii hooyo.  Inay haweenka ka caawiyaan sida wanaagsan oo ay carruurtooda u korin lahaayeen sida in hooyada la baro in nadaafadda guriga wanaagan tahay iyo sida loo nadiifiyo guriga, harqaan in la baro, in afka wadamada ay joogaan laga saacido. Haddii masaajidyadu baahidaa carruurta soomaaliyeed daboolaan waxaan qabaa inaynu helaynu bulsho wanaagsan oo diintiina ka barata masjidka iyo wixii kale ee nolosha biniaadanka u baahnaydna ka barta. Masjidkana wuxuu noqonayaa meel lagu soo yaaco, ee aanu noqon meel laga yaaco sida hadda magaalooyinka qaarkood ah.

 

Sidaan wada ogsoonahay masaajidyada wadamadaan reer galbeedka ka furan waxaa dhammaantood lagu soo furay sida inay yihiin kuwo urur bulshada soomaaliyeed wax u qabanaya,  siiba carruurta iyo haweenka. Qaarkood waxaa dhexyaalla miisaska lagu ciyaaro bilyaardiga si loo tuso wadamadaas in masjidkaas carruurtu ku ciyaaraan,kuna helaanna macaawino dhaqaalo oo ka timaada  dowladdaha reer galbeedku. Haddaba haddii masjidka sidaas lagu dhisay maxay u noqdaan kuwo dad yar markaas gacanta u gala oo la aadaan jahada ay rabaan. Waxaan qabaan in haddii masaajidyadu helaan hogaan wanaagsan in bulshada soomaaliyeed lays kuugu keeni lahaa kuna wada tukan lahaayeen.

 

Qore: Hurdiwaa

Walaalayaal waxaan idinka codsanayaa inaad iga soo siisaan qoraalkaan wixii dhaliil iyo wanaagba ah oo aad ku soo dirtaan iyadoo qoraal ah Aayatiin This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it ama This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it mahasanidin. Qoraalka  3. Dhaqanka reer galbeeka.

 

Halkaan ka akhriso maqaalkii 1.Waalidka

 http://aayatiin.net/index.php?option=com_content&view=article&id=325:reer-galbeedka-oo-masaajidada-carruurta-quraanka-lagu-baro-indhaha-ku-haya&catid=43:maqaalada&Itemid=80

 

 

 

 

 

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS