
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Yaa masuul ka noqon in Ciidamo ajnabi ahi ay Soomaaliya yimaadaan |
|
| Written by Siciid Cali Axmed maqaalo.siciid.cali@gmail.com |
| Wednesday, 29 July 2009 23:56 |
Yaa masuul ka noqon in Ciidamo ajnabi ahi ay Soomaaliya yimaadaanSh.Shariif waxa uu mudooyinkii ugu danbeeyay caalamka ka dalbanayay in lala soo gaadho ciidan milatari oo dawladiisa difaaca. Sidoo kale qaar ka mida madaxda sar sare ee dawlada ku meel gaadhka ah ayaa iyaguna qaylo dhaano ay dawladaha caalamka u direen waxa ay ku waydiisteen dawladahaas in lala soo gaadho ciidan iyo saanad milatari oo ay iskaga caabiyaan xoogaga iyaga ka soo horjeeda. Masuulka ugu sareeya ee xarakada Shabaabku cajalad uu isna dhawaan suuqa soo galiyay waxa uu ku sheegay in gaaladii meelo badan lagu jabiyay isla markaana ay dawladii Islaamku Afgaanistaan, Paakistan, Soomaaliya iyo Ciraaqba ka soo if baxayso!. Sidaas oo kale waxa uu cajaladaas ku tilmaamay in dagaalka ay Shabaabku Soomaaliya ka wadaan uu yahay dagaal caalamiya, aamiirka mujaahiduuntuna uu yahyay Usaama Bin Laadin.! Waxa kale oo uu Sheekh Shariif iyo dawladiisa ugu baaqay in ay sida ugu dhakhsaha badan ay iyaga isugu soo dhiibaan si maxkamad Islaamiya loo saaro. Hadaba hadaladan iy ficiladan sidan ah ee dhincayadan is haya ka soo baxayaa sabab ma u noqon karaan in ciidamo ajanabi ah oo ay Itoobiyaanku ku jiraan ay Soomaaliya soo galaan, waa su’aal la is waydiin karo? Waxa iyana su’aal kale oo la is waydiin karo ah hadii ay taasi dhacdo cida arinkaas ka masuulka ah? Itoobiya way soo noqon hadii ay maslaxadeedu khatar gashoSanadkii 2006-dii ayay ahayd markii ay ciidamada Itoobiya qabsadeed inta badan Koonfurta Soomaaliya. Waqtigaas ciidamada Itoobiya umay iman Soomaaliya in ay xoojiyaan ama ay dhisaan dawlad Soomaaliyeed. Waxa ay u yimaadeen in ay suuliyaan khatar ay is tuseen in ay wadankooda kaga soo socoto dhinaca Soomaaliya. Laba sano ka dib -markii ay Itoobiyaanku ciidamadooda kala baxayeen Soomaaliya - madaxdoodu waxa ay sheegeen in ciidamadoodu ay suuliyeen khatartii uga iman lahayd dhinaca Soomaaliya. Xaqiiqduse waxa weeye in Soomaaliya ciidamada Itoobiya Soomaaliya lagu jabiyay. Waxa iyana xaqiiq- kale oo iminka soo if baxaysa- ah in siyaasad ahaan Itoobiyaanku ay duulimaadkaas ka gaadheen guulo siyaasadeed oo aan yarayn. In wadaadadii shalay Itoobiyaanka qoriga ku saaray ay maanta iyagii madaafiic isla dhacayaan waxa ay guul siyaasadeed u tahay Itoobiyaanka. Sidoo kale in sheekhii shalay hogaaminayay ciidamadii muqaawamadu uu isagii maanta Itoobiyaankii -uu shalay la dagaalamay- ka baryayo in ay difaacaan dawladiisu iyana waa guul siyaasadeed oo ay Itoobiyaanku dagaalkaas ka gaadheen. Sidaa daraadeed inta ay Soomaalidu dhexdooda xabada isla dhacayaan isla markaana ay dadkooda barakicinayaan, ma jirto sabab ay Itoobiyaanku ciidankooda Soomaaliya ugu soo celiyaan. Gumaadka iyo barakicinta ay Soomaalidu isu gaysanayaan ayay –Xabashidu- korka ka daawan iyaga oo waliba markan qoslaya. Hadiise, ay –Itoobiyaanku- arkaan in khatartii ay shalay sheegeen in ay ciidamadooda keentay Soomaliya ay mar labaad soo noqotay, markaas waa la filan karaa in ciidamo Itoobiyaan ah iyo ciidamo kaleba ay Soomaaliya soo galaan, waxayse markan iman iyaga oo ay galbinayaan qaar ka mida kuwii shalay ka soo horjeeday ee diidanaa in ciidamo ajnabi ahi ay lugta soo dhigaan Soomaaliya. Sheekh Shariif iyo ciidamada ajnabigaSiyaasada Sheekh Sharif intii aanu madaxwaynaha noqon waxa udub dhaxaad u ahayd in ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka baxaan. Inkasta oo lagu doodi karo isla markaana ay xaqiiqo noqon karto in heshiiskii Jabuuti uu ahaa midka kala jabiyay qolooyinkii dagaalka kula jiray ciidamadii Itoobiya hadana lama yarayn karo doorka heshiiskan ee bixitaanka ciidamada Itoobiya. Itoobiyaanka waxa saaray ma ahayn oo kaliya dagaalka qoriga, waxa saaray waxa uu ahaa dagaalka qoriga oo lagu daray dagaal siyaasadeed. Dagaalkan siyaasdeed ee Itoobiyaanka lagu saarayna waxa hogaankiisa hayay Sheekh Shariif iyo intii ku qancday in dagaalka siyaasadeed uu dhamaystir u yahay Waxa hadaba dad badan oo Soomaaliyeed ku adkaatay in ay fahmaan isbadalkan ku dhacay siyaasada Sheekha ee ku saabsan doonitaankan uu Sheekhu ku doonayo in uu helo ciidamo ajnabi oo dawladiisa difaaca. Ma aaminsani in Sheekh Shariif iyo saaxibadiis ay jacaly u qabaan ciidamo ajnabi laakiin isbadalkan siyaasadeed ee ku dhacay Sheekh Shariif waa natiijadii ka dhalatay dagaalada ay mucaaradku kula jiraan dawladiisa. Dagaalada Shariifka iyo wadaadada mucaaradka ah u dhaxeeya, diidmada mucaaridku ay diideen heshiis in ay la galaan dawlada Shariifka iyo hadafka mucaaradka ee ah in ay dawlada Shariifka ridaan ayaa keentay in uu Sh.Shariifna badalo aragtidiisa ku saabsan ciidamada ajnabiga ah. Waa mawqif khilaafsan mawqifkiisii hore laakiin waa mid ku yimid mawqifka mucaaradku ee ah in iyaga mooyee aan cid kale aanay jiri karin. Musiibaduna waxa weeye in dad badan oo markii hore diidanaa ciidamo ajnabi ayba iminka u arkaan in ay ciidamadaasi yihiin xalka kaliya ee dagaalada wadaada dhexdooda lagu soo afjari karo. Al-shabaab fikirkooda ayaa masuul ka ah
In ay maanta Soomaaliya noqoto meel caalamka badankiisu u arko in ay khatar ku tahay caalamka waxa ka masuul ah fikirka Al-shabaab ee ah in ay duulaan ku yihiin caalamka oo dhan, in ay xidhiidho la leeyihiin ururo ay afkaartoodu durugsantahay, in Usaama yahay amiirkooda guud, in ay ku duulayaan Itoobiya iyo Kiiniya. Fikradahaas Al shabaabka ee aan kor ku sheegay weeye kuwa ka masuulka ah sii joogitaanka ciidamada ajanabiga ah ee maanta ku sugan Koonfurta Soomaaliya. Fahamka siyaasadeed ee ururkani waa faham aan toosnayan, hadii ay fahamkaas ku sii socdaana wuxuun baa la filan karaa in mudooyinka soo socda uu dhulka Soomaalidu noqdo goob dagaal oo mar katsaba ay ku sugan yihiin ciidama ajnabi. Sida ugu dhakhsaha badan ee ciidan ajnabi lagu saari karaa waxa weeye in wadaadani ka tanaasulaan fikirkan dawlad diidka ah ayna ogolaadaan in ay heshiis la galaan dawlada Shariifka. Taas weeye sida ugu fudud ee ciidan ajnabi Soomaalida dhulkeeda looga hor istaagi karaa isla markaana kuwa iminka joogana lagu bixin karaa. Su’aashuse waxa weeye wadaadani ma fahmi doonaan sidaas mise tooduunbaa u cadaan…!. Siciid Cali Axmed This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow





