top
logo

User Login




Home Maqaalada Maqaalada Reer galbeedka oo masaajidada carruurta quraanka lagu baro indhaha ku haya
Reer galbeedka oo masaajidada carruurta quraanka lagu baro indhaha ku haya E-mail
User Rating: / 13
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Friday, 21 August 2009 22:01

Somali gangs

Waalid walba oo soomaali ah wuxuu jecel yahay in carruurtiisu noqdaan kuwo dhaqankooda, hiddahooda iyo diintooda kaga deydaan oo ay ku dhaqmaan. Dhallinyarada ku dhalatay ama iyagoo aad u yar la keenay waddamadaan reer galbeedka waxaa noloshooda ku hardamaya saddex waxyaabood oo kala ah: Waalidkood, Wadaadada sida xun kitaabka u fasira iyo dhaqankii reer galbeedka. Su’aashu waxay tahay ilmahaas soo koraya ama koray waddadee marayaan?

Walaalayaal qormadayda oo aad u dheeraatay ayaan jeclaystay inaan saddex qaybood u kala saaro  1.Waalidka, 2. Wadaadada sida xun kitaabka u fasira iyo 3. Dhaqanka reer galbeeka.

Waa qaybtii ugu dambeysay.

 

 

 

3. Dhaqanka reer galbeedka

 

Waddan kasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay dhaqan iyo hiddo, taasoo looga sooci karo waddamada kale ee dunida ku yaal. Qaar waddamada way isku dhaw yihiin dhaqankooda iyo hiddahooda, kuwaasoo isku soo dhawaanshahaas lala xiriiriyo diinta ay haystaan wadamadaas. sida Waddanka soomaaliya oo dhaqanka uu haysto lagu sifeeyo inuu la dhaqan yahay waddamada iyaguna muslimka ah sida Carabta, Turkiga, Malaysiya, Induniisiya iwm.

 

Waddamada Reer galbeedka ah waxaa la yiraahdaa waa isku dhaqan dhow yihiin dhammaantood, waayo badankoodu waxay haystaa diinta Masiixiga, inkastoo waddanka Jabaanka uusan diintaas haysan, haddana waxaa lagu tiriyaa inuu la xulufo yahay marwalba waddanka maraykanka, dhaqanka reer galbeedkana qaatay.

 

Dhaqanka reer galbeedka waxaa ka mid ah inaad meel kasta ku arkaysid baarar lagu cabbo khamriga, meelo khamaarka lagu ciyaaro. Taasna waa dhaqanka waddamadaas oo sida innaga meel kasta aadku arkaysid mukhaayad wax laga cunno iyo dukaanka cabidda iyo sigaarka. Dhallinyarada meelahaas aada waa dhallinyaro ka heray nolosha ummadooda layskana takooray. Waxaana u badan dhallinyaro shisheeye ah oo iyagana ka haray inay nolosha waddankaas la qabsadaan ugu wacan tahay badankoodu waalidkood oo aan fahmin dhaqanka waddamadaas, kadibna si xun ugula dhaqmay dhallinyaradaas intay yaraayeen.

 

Waxaa iyadana hoos yimaada dhaqankaas reer galbeedka in dhallinyarada ama ilmaha dadkaas waddanka u dhashay dhaleen haystaan qalabka elektaroonka ah ee lagu ciyaaro sida balay-isteeshinka(oo noocyo badan leh) oo ku ciyaaraan cayaaro badan oo kala duwan, balse qalabkaas waxaa kala duwan sida ay dadka soo galootiga ah ilmahoodu isticmaalo iyo sida ilmaha waddankaas reer galbeedka ah u isticmaalaan. Ilmaha reer galbeedka ah qoysaskooda wanaagsan waxay isticmaalaan in ilmahooda loo sameeyo hal saac oo kaliya maalintii inuu daawado TV ama uu ku ciyaaro qalabkaas elektaroonka ah, halka ilmaha soogalootiga ah(soomaalida ku jirto) aysan bilaa saacad maalintii oo dhan korfadhiyaan qalabkaas ama tv-ga ama internet-ka.

Ilmaha reer galbeedka ah ee aan haysan waalid wanaagsan waxay iyaguna ugu ciyaaraan qalabkaas sida ilmaha soogalootiga ah.

 

Waxaan jeclahay inaan u kala qaado labo qoys dhaqanka reer galbeedka. Qoyska hore waa qoys  dhaqankoodu aad u qaldan yahay. Qoyska labadaasna waa qoys dhaqankoodu wanaagsan yahay. Waxaa kaloo jira qoys seddexaad balse waa qoys labada dhinac u dhexeeya oo isagana waad garan kartaan markaan labadaan qeexo.

Qoys qaldan

Qoyskaan waa qoys ka mid ah qoysaskaan reer galbeedka, waana qoys labada waalid midna shaqayn oo ku nool lacagta ceyrta ah ee ay dowladu bixiso. Qoysaskan noocaan oo kale ah waa qoysas ilmaha ay dhalaan noqdaan sida ay iyagu yihiin. Waxaana dhacda in ka ab ka ab saas u soo noolaayeen qoysaskaan. Waxaana lagu gartaa qoysaskaan:

-  tan hore iyadoo labada waalid midna shaqayn,

-  in ilmahoodu ku xun yihiin dugsiyada,

-  in ilmahoodu aysan ku qorin ama xubin kaga dhigin isboortiga,

-  in aysan ilmahoodu u raacin dugsiyada markay casumaad uuga timaado.

-  in ilmahoodu yihiin kuwo tuuga ah,

-  in ilmahoodu yihiin kuwo iyaga un isla saaxiiba,

-  in ilmahoodu noqdaan kuwo nacasta gada ama caba

-  ilmahoodu markay waynaadaan waxay noqdaan kuwo aan marna ka bixin xabsiga,

- ma kala jecla in ilmahoodu dugsiga dhammeeyaan iyo in kale,

Qoysaskaan waa qoysas ka go’an dhinac walba dadka ay isku dhaqanka yihiin ee meel ka soo wada jeedaan. Qoyskaan waa qoys intaas dhibaato dhextaal, waalidkana u noqon karin carruurtooda waalid ay ku daydaan. Carruurta iyo waalidku waxay noqdaan kuwo la saaxiiba soogalootiga waddankooda, waayo soogalootigu ma kala garan karo qoysaska wanaagsan iyo kuwa xun.

Qoys wanaagsan

Qoysaskaan waa qoys ka mid ah qoysaskaan reer galbeedka ah kana heli kartid waddankasta oo reer galbeedka ah. Qoyskaan labada waalid mid baa shaqeeya ama labaduba way shaqeeyaan, mid kood ama labaduba waxay haystaan shahaado jaamacadeed. Waxaa lagu gartaa qoysaskaan:

-  Iyagoo la arko labada waalid mid ama labadaba shaqeeyaan,

-  in ilmahoodu ku wanaagsan yihiin dugsiga,

- inay ilmahooda ku qoraan isboortiga, raacaanna markay ciyaar leeyihiin ilaa qiyaastii 17 sano,

- inay tagaan marwalba marka ay casumaad kaga timaado dugsiga

- inay ilmahooda ka wareystaan waxa uu maanta ka soo bartay dugsiga

- inay la fariistaan markuu ilmuhu ka shaqaynayo layliska,

- ilmahooda waxay ku dadaalaan inay noqdaan kuwo ka baxa dugsiga sare dabadeedna jaamaca.

- ma ay jecla in ilmahoodu khamriga barto ama uu cabbo nacasta ilaa uu jaamacad ka galayo.

Qoyskaan waa qoys marka ay guriga joogaan ku wada ciyaara cayaaro kala duwan, ama isku raaca meelaha daawashooyinka ku wanaagsan. Waalidka qoyskaan waa waalid jecel inay  baraan carruurtooda wax walba intay dibadaha ka soo baran lahaayeen dhaqan qalafsan. Qoysaskaan waa kuwo carruurtooda u sheega carruurta ay isku dugsiga yihiin kuwa ay la saaxiibi karaan iyo kuwa kale. Intooda badan waxay carruurta qoysaskaan la saaxiibaan isla iyaga dhexdooda ama haddii waalidku arko shisheeye ku wanaagsan waxbarashada, ama waalidka dhalay ilmahaas shisheeyaha ku dadaalayo inuu ilmihiisu noqdo mid dugsiga sare u diyaarinaya waxay ku yiraahdaan ilmahooda la saaxiib ilmahaas shisheeyaha ah, waayo waa arday ku wanaagsan waxbarashada.

 

Waxaan jeclahay inaan ku soo noqdo sheekadii ay huwaneyd maqaalkaan oo ahaa ilmaha soomaaliyeed oo dhaqanka reer galbeedka ka mid yahay waxyaabaha ku hardaya noloshooda. Labadaan qoys waxaa nooga dhadhamay sida ay u kala fogyihiin dhaqankooda, waliba iyagoo isku dhaqan iyo isku dad ah.

 

Qoysaska soomaaliyeed ee ku soo biiray dadkaan dhaqanka kale haysta, waxaa ku adkaata meesha ay wax ka bilaabi lahaayeen. Tan koowaad waxay ka bilaabaan inay iyagu isxigsadaan iskana ilaaliyaan dhaqankaan cusub, taasna maaha mid ay ku qaldan yihiin ee waa mid ummad walba oo dhaqan cusub tagta samaysa. Reer yurub markay tagaan carabaha, iyagaa israaca oo isxigsada, waxay furtaan dugsiyo, naadiyo lagu ciyaaro iwm. Tan kaliya oo aynu kaga duwan nahay dadkaas reer yurub ee carabaha tagay waa inagoo horey wax u soo baran badan kayagu, taasna ay keento dhibaato aan laga sheekayn karin inay soo gaarto carruurteenna.

 

Waxaan la sheekaystay hooyo soomaaliyeed oo ii sheegtay sheekadaan:

Markaan imid waddankaan reer yurub, waxaan watay saddex carruur ah. Wiilka iigu weyn wuxuu jiray labo sano, gabarta xigta hal sano, kann ugu yarna dhawr bilood ayuu jiray. Ninkaygii soomaaliya ayuu ku haray. Waxaan subixii aroortii la soo jarmaadi jiray carruurtaas oo aan kan ugu yar saari jiray gaariga carruurta, gabadhana dusha gaariga ayaan iyadana saari jiray meel ay waxyar ku fariisato, kan ugu weyna(labo jirka ah) socod ayaan isaga iyo aniga socon jirnay. Laba jirka markuu daalo canaan aan kala go’a lahayn ayaan intaas eber kaga dhigi jiray, marmarna markuu socon waayo waan jiidi jiray. Intaas oo dhib ah waxaan u mari jiray xafiiska qatootiga oo layga doonayo 7 subaxnimo inaan gaaro haddii kale lacag layma siinayo.Cid aan kaga tago carruurtana ma haysan.

 

guriga markaan ku soo noqono oo ilmaha yar yar oo yaan ama wax halleeyaan waxaan canaanan jiray kan weyn oo aan iraahdaa nacas yahow maxaad carruurta wax uga qaban weyday iwm. Waxaan u arkayey wiilka laba jirka ah nin weyn oo ila heyn kara carruurta. Muddo dhawr sano kadib qiyaastii 4 sano waxaa yimid ninkaygii. Waxaa halkaas ka bilowday 4 carruur oo hor leh inaan dhalo. Waxaana meesheedii ka sii socotay garaacistii wiilka weyn iyo xaarxaaradii, haba ugu darraadee ninkayga. Waxaa bilaabatay inuu wiilkii noqdo mid aan reerka ku tirsanayn oo jecel inuuu intaas dibadda ku soo ciyaar. Markuu 14 sano jirsaday ayuu bilaabay seeg seeg dugsi iyo inuu habeen dhax bilaabay. Wuxuu marwalba oran jiray hooyo iyo aabbe aniga ima jeclidiin, waxaad iga jeceshihiin walaalahayga kale. Hadal iyo dhammaantii wuxuu wiilkii noqday mid wax walba sameeya tuugimo, dil, nacas cab iwm. aakhirkiina wuxuu galay xabsi. Markuu mid dhammaado waxaa bilowda mid kale. Maskaxdayda ayaan ka shaqaysiiyey waxaana u tagay dadka dadka la taliya. Waxayna ii caddeeyeen inaanu wiilkaas laga bilaabo maalintii aan imid yurub ilaa uu 14 sano gaarayey aanan wax kalgacal ah tusin. Markay i waydiiyaan xanaanada dadka ka shaqeeya oo ay igu yiraahdaan wiilkaaga cidna lama ciyaaro xanaanada isagaa meel kaligiis ku ciyaara ee ma u sheegtay ama ma tustay inaad jeceshahay wiilkaaga. ayaan oran jiray maxaan uuga sheegayaa waa uu ogyahaye. Taas marakan waan badelay sidaan u arkay wiilkaas dariiqa uu qaaday. Waxaan isku dayaa inaan xaaladda carruurtayda marakan la socdo. Carruurtii kale rabbi waa uu wanaajiyey waxayna dhigtaan dugsiyada sare, midna jaamacad ayey bilowday sanadkaan 2009.  

 

Hooyadaan soomaaliyeed waxay noo sheegtay in dhaqanka cusub dhib weyn wato. Waalidka oo is oranaya u roonow ilmahaaga ayaa haddana waxaa ku cusub dhaqankaan oo wuxuu la dagaalamayaa labo furin mid ah carruurtaada yeysan dacdiyin iyo tii dhaqanka cusub. Waalid dunida ku nool oo jecel inuu carruurtiisa xooro ma jiro. Haddaba xoorid kama duwana haddii aad carruurtaada dhaqankaan cusub aadan ku hagin dhanka wanaagsan.

Nin ka mid ah dadka reer galbeedka ayaa ii sheegay oo iyri: Dhaqankayagu ma wada wanaagsana oo waxaa ka buuxa waxyaabo badan oo  waalidka reer galbeedka ka mid ah dhibsadaan. Waxa kaliya oo aynu kaga badbaadnaa waa annagoo ilmaha gacanta ku hayna ilaa ay ka gaarayaan jaamacad, haddii kale banaanka waxaa buuxa rag intaas nacasta dariiqyada ku iibinaya, caweysyada iwm. Gacan ku heynta waxaan ugala jeedaa inaan ilmaha meel kasta oo uu aadayo iyo dadka uu la ciyaarayo aanu la socono, waxaanu isku daynaa inaanu xubin kaga dhigno naadiyada cayaaraha kubadda lagu ciyaaro ama dugsiyada lacagta ah ee laga barto muusiyda ama dabaasha taasoo aanu doonayno in ilmuhu hilmaamo dhaqankeena qaytiisa xun. Carruurta aanu isleenahay waa xun yihiin waanu ka ilaalinaa inuu raaco.

 

Dadkii reer galbeedka ahaa haddii ay iyagu sidaa u kala baqayaan maxaanu carruurteena kaligood meel walba ugu dirnaa. Waxaa jira carruur waalidkood aanu raacin marka dugsiyada xaflad qabaan oo ilmaha kaligiis aado, taasna wuxuu ilmuhu dareemayaa in waalidkiis aaneyn jeclahayn marka uu arko ilmihii kale oo waalidkood halkaas jooga. Ha ka baqin in af oo aadan garanayn uuga harto xafladaas ama adigoo ilmo kale haysta aad istiraahdo armaa lagula yaabaa. reer galbeeka kulama yaabayaan ee tag oo tus inaad ilmahaaga jeceshahay, waxa uu baranaya jeceshahay.

Talo

Waxaan jeclahay inaan waalidka kula taliyo hal talo.

Waalidnimadu maaha mid la dhayalsan karo. Qof waalid noqda ayaana garan kara in waalidnimadu tahay mid wanaagsan, waalid walbana wuxuu soo xusuustaa waalidkii isaga dhalay.

Soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa „Nimaad dhashay kuma dhalin“

 

Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad carruurtiinna laga bilaabo markuu gaaro inuu aado xanaanada carruurta  inaad ogsoonaataan in dhaqanka waddanka aad joogtaan uu ka duwan yahay dhaqankii aad ku soo korteen.

- waa inaad marwalba waraaqaha la imaanaya xanaanada carruurta akhrisaan oo aad ka jawaabtaa, haddii laguu yeerana aad tagto. Isku day inaad guriga wax ku barto iyo inaad la ciyaarto(dhammaan carruurtaada oo idil) Cayaarta waalidka wuxuu ilmaha ku baranayaa kalgacalka waalidka, wuxuuna ogaanayaa in waalidkiis aad u jecelyahay.

- markuu ilmuhu gaaro dugsiyada hoose iyo kann dhexe la socoto meesha uu aadayo iyo ilmaha uu raacayo.

- isku day inaad ku qorto naadiyada kubadda iyo dabaasha iwm, una raacdo.

- samayso inaad maalintii 2 saacadood ilmahaaga oo kaliya la ciyaarto ama aad u waddo maktabadaha wax lagu akhristo, halkaas oo ay ka soo akhrisanayaan buugaagta aad adigu u doorto. Adigaa waddada ilmahaaga uu qaadayo ilaa iyo 18 sano lagaaga baahan yahay inaad tusto oo aad dhaqanka xun ka ilaaliso.

- Isku daya in ilmihiina noqdaan kuwo jaamacadaha gala dabadeedna noqda kuwo dhakhaatiira oo idin daaweeya, injineero nooc walba oo aanu u baahanahay bart iwm. oo wax idin tara.

 

Waxaa jira arrin ay waalidiinta soomaaliyeed iskaga mid yihiin waddan kasta ha joogaane. Taana waa iyagoo ku mashquulsan dhibaatada soomaaliya ka taagan oo maalin iyo habeen dhagta u dhigaya qabiilada dagaalkoodu aanu dhammaan. Waxaan idin leeyahay taas waxaad ka qaban kartaan ma jirto ee ha dayacina ilmihiina yar yar iyagaa idiin baahan, haddii aad ilmahaaga badbaadisid igow inaad tahay qof soomaaliya oo dhan badbaadiyey, waayo wanaaga ilmahaaga waa wanaaga magaca soomaaliyeed.

-isku day inaad ilmahaaga intay yar yihiin inaad u dajisid sharci ku saabsan Tv-ga, kumbiyuurtarka, balayisteeshinka iyo internetka. Waxaan wanaagsan inaad maalintii ilmihiiba 30daqiiqo sii sid. Mid markuu daawanayo ama ku ciyaarayo u diid kuwa kale inay la fariistaan oo ay daawadaan, waayo mid markuu dhammaystirto 30 daqiiqo, wuxuu haddana 30  kale la daawanayaa ilmo kale oo halkaas waxaa laga yaabaa inuu ilmahaas isagoon ciyaarayn uu kor fadhiyo qalabkaas muddo dhawr saacadooda ah. Isha ku hay waxa ay ku ciyaarayaan ilmahaaga oo la soco.

 

 

Maqaaladaan markii aan aayatiin ku daabacay ayaa waxaa dhammaan dacalada dunida iiga yimid warqadaha laysku kuugu diro aalada kumbuyuutarka(e-mail), kuwaa soo aad iyo aad dad badan iigu tahniyadeeyeen(rag, dumar iyo dhallinyaro) sida wanaagsan ee aan u qoray maqaaladaas taasna waxay ahayd waxaanan ka sheekayn karin sida aan u jeclaaday qormooyinkooda. Waxaan halkaan markale ugu mahadcelinayaa dhammaan dadkaas inkastoo aan e-mail-ladoodii uga jawaabay. Maqaalkaan wixii talo ah ama wanaag ah iigu soo qor e-mailkayga.

Hurdiwaa

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Maqaaladihii hore:

2. Wadaadada:

 http://aayatiin.net/index.php?option=com_content&view=article&id=334:reer-galbeedka-oo-masaajidada-carruurta-quraanka-lagu-baro-indhaha-ku-haya&catid=43:maqaalada&Itemid=80

 

1. Waalidka:  

 http://aayatiin.net/index.php?option=com_content&view=article&id=325:reer-galbeedka-oo-masaajidada-carruurta-quraanka-lagu-baro-indhaha-ku-haya&catid=43:maqaalada&Itemid=80

 

daawo filimka gangs soomaaliyeed ee isku laayey London

http://www.youtube.com/watch?v=fJ5nCEVcb58 qaybta 1

http://www.youtube.com/watch?v=pp2m72wdAfk qaybta 2

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS