top
logo

User Login




Home Maqaalada Maqaalada Waxaanu u dhimanaynaa faafinta diinta masiixiga
Waxaanu u dhimanaynaa faafinta diinta masiixiga E-mail
User Rating: / 16
PoorBest 
Written by Aayatiin   
Sunday, 23 August 2009 22:07

Afganistaan oo lagu qabtay haween diinta masiixiga fidinaysay

 

Ururada masiixiga oo marakan la soo baxay tab hor leh oo ay si qarsoodi ah ugu fidinayaan diinta masiixiga dowladaha muslimka ah, iyagoo isticmaalaya dhalliyaro naftooda u hurtay iyo dhakhaatiir

 

Waxaa bishan Agoosto 4dii 2009 laga soo saaray telefisoonka waddanka Jarmalka barnaamij ka hadlaya sida xag jirka masiixiga qaybtooda evangelical(Protestanten) ugu fidinayaan diinta masiixiga waddamada muslimka iyagoo isticmaalaya inay yihiin dad doonaya inay dadkaas muslimka ah caawiyaan. Waxay u badan yihiin inay yihiin dhallinyaro da’dooda u dhaxayso 18-29 sano. Barnaamijjkaan waxaa soo saaray telefisoonka labaad ee jarmalka ZDF, waxaana lagu magacaabaa barnaamijka Frontal21, wuxuuna soo galaa maalin kasta oo talaada ah saacaddu markay tahay 21:00.

 

 

Bishii Juulaay 2009 waxaa waddanka Yaman lagu dirlay labo gabdhood oo dhallinyaro ahaa, labadaan waxay ahaayeen kuwo faafinayey diinta masiixiga si qarsoodi ah. Waxayna ka shaqaynayeen isbitaal ku yaal tuulo ay dadka reer miyiga ah aad ugu badan yihiin. Waxaa weheliyey nin dhakhtar ka ahaa istibaalkaas iyo naagtiisa iyo saddex carruura ah oo ay dhaleen, iyaguna jarmal ahaa. Ilaa iyo hadda waa la la’yahay labadaas isqabay iyo carruurtooda.

Waxay dowlada Yamen sheegtay in qoyskaas isqabay mar loo digay oo ay u soo digeen dad waddanka u dhashay yiraahdeenna waa laydin ka warhelay inaad faafisaan diinta masiixiga ee iskaga baxa waddanka, wayse iska indhatireen oo wateen. Odayaasha magaalada iyo dhallinyaraduba waxay shir ku qabteen masaajid ku yaalla tuuladaas oo ay aad iyo aad uga doodeen waxa ay wadaan qoyskaas jarmalka ah iyo labadaas gabdhood.

Waxay marwalba aadi jireen miyiga oo dadka reer miyiga ah ka dhaadhicin jireen diinta masiixiga.

 

Labadaas gabdhood waxay ka soo baxeen dugsi lagu baro sida si qarsoodi ah waddamda muslim ah loogu faafiyo diinta masiixiga. Dusigaas waxaa lagu magacaabaa die Bibelschule Brake kuna yaal magaalada Lemgo ee waddanka jarmalka.

Qaar ka mid ah dhallinyarada dhigata dugsiga waxay sheegeen inay iyagu si aan jajuubo lahayn iskuugu qoreen dugsigaan, ogyihiinna in khatar weyn ay tahay in waddan muslim ah dhexdiisa lagu faafiyo diinta masiixiga. waxay kaloo qireen inay u dhimanayaan oo raalli u yihiin in lagu dilo iyagoo faafinaya diintooda.

 

Ururka ugu weyn ee faafinta diinta masiixiga wada waa ururka lagu magacaabo Reach Across. Wuxuu joogaa waddamo badan oo afrika iyo aasiya ka mid ah. Waxaad gashaa homepage kooda oo ah Reachacross.de waxaad ka helaysaa waddamo badan oo ay soomaaliya ku jirto inay ka howgalaan.

 

Waxay shaqadoddu tahay ururkaan siday wariyaasha barnaamijka Frontal21 u sheegeen inay caawiyaan qaxootiga ku jira meelaha loo dhisay xeryaha qatooxiga afganistaaka iyo kuwa joog bagistaan, waxaana ka caawinaa xagga dhakhtarnimada iwm, dabadeedna sidaas ayaan ku faafinaa diinteenna.

 

Waxaa jiray in waddanka afganistaan lagu qabtay labo haween ah 2001  oo si qarsoodi ah haweeka iyo carruurta ugu qaybiyeen buugga masiixiga(bibel) iyo iyagoo tusay sawiro iyo filimo ka sheekaynaya nabi ciise(jesus). Afganistaan waxay xireen labadaas haween ka ah, dabadeedna wadahadal dhexmaray labada dowladood ee afganistaan iyo jarmalka ayaa lagu soo daayey. Mid ka mid ah haweenkaas la soo daayey ayaa wariyayaasha u sheegtay inay diyaar u ahayd in la dilo, waayo waxaan faafinayey diintayda waana u hurayaa naftayda ayey tiri. Ururka ay u shaqaynayeen labadaas haweenka ah waa urur lagu magacaabo Shelter Now. Ururkaan Shelter Now waa urur caalami ah aadna u caawiya waddamada bakistaan iyo afganistaan, waa urur aad iyo aad isku qariya markuu faafinayo diinta masiixiga.

 

Waxaa jira ururo badan oo ay ka mid yihiin Diakonia, Caritas, Red cross iwm oo iyagana aad iyo aad isku qariya markay faafinayaan diinta masiixiga. Ninka mid ah dadka u shaqeeya ururadaan mid ka mid ah ayaa yiri: Diinta iyadoo qayaxan uma dhiibno dadka, ee waxaan marka hore tusnaa wanaag iyo naxariis, dabadeena diinta ayaan u dhiibnaa. Ururada masiixiga waa kuwo marwalba isbitaalada iyo xeryaha qaxootigu ku xeraysan yahay ka shaqeeya si ay dadka dhibaataysan naxariis u tusi lahaayeen, dabadeeedna uga dhaadhicin lahaayeen diintooda.

 

Markaan akhriyey homepage-ka ururkaan Reach Across waxaan ka helay in afrika ay ka shaqeeyaan sida ku qoran homepagekooda 5 waddan afrikaan ah, xooggana waxay saareen reer miyiga iyo qabiilada waa weyn ee afrika sida:

 

- Soomaaliya: Waxay ka joogaan urukaas Reach Across xeryaha qaxootiga ku jiraan ee ku yaalla jabuuti. Waxayna ka shaqeeyaan meelaha isbitaalada ah. Waxay caddeeyeen inay soomaali badan ka dhigeen masiixi. Dadkaas soomaaliyeed ee qaatay diinta masiixiga ayaa marakan howshii la wareegay faafinayaanna diintaas. Waxayna qireen inay dadka u qaybiyaan bibelka oo afsoomaali ku qoran.

 

- Canfar: 45 sano ayey ururkaan iyo xulafadiisu ka wadeen masiixeyta waddankaa jabuuti si dadka reer miyiga ah ee canfarta ah u noqdaan dad haysta diinta masiixiga. Waxaa ka mid ah dadka qaatay masiixiga Suldaaka (Cowsa)Aussa.

Waxaana la diyaariyey bibel ku qoran afka canfarta iyo filim afka canfarta ah oo ka sheekaynaya jesus.

Raadiye ku hadla afka canfarta oo diinta laga bartana waa la sameeyey.

 

- Biedscha: Waa qabiil reer guuraa ah oo ku dhaqan waqooyi bari ee waddanka suudaan una guur guuraan waddamada eretareeya iyo masar. Qiyaastii waxaa lagu qiyaasaa dadkaa 2 malyan. waana muslim.

 

- Fulani: waa qabiil reer guuraa ah qiyaastii ah 20 malyan. waxay degaan inta u dhexeysa Senegaal iyo suudaan. Waana dad muslim ah. waxaa la sameeyey bibelka afkooda ku qoran iyo filimo.

 

- Soninke: Waa qabiil xoolo dhaqata ah degana inta u dhaxeysa senegaal, muritaaniya iyo maali. Waa qabiil ay aad ugu dheer tahay muslimnimada. ururkaan wuxuu sheegay inay qoreen bibel afka qabiilkaan ku qoran iyo filimo.

Halheyska ururkaan Reach across waxaa weeye Helping muslims follow Jesus(micnaheedu waa caawi muslimka dabadeedna sii diinta masiixiga) homepage-kooda ayey dusha sare kaga qoran tahay oo aysan qarineyn.

 

Haddii aad urur ka shakidaan inuu masiixi yahay oo uu doonayo inuu dadka soomaaliyeed masiixi ka dhigayo, qora magaciisa kana raadiya internetka ururkaas iyo waxa uu ku salaysan yahay shaqooyinkiisa.

Dhammaantood waxay isku sheegaan inay yihiin ururo rayad ah oo aan dowladda ku xirnayn. Ururada dowladda ku xiran waa kuwo aan faafin karin diin, intooda badana dowladu uma dirto meel aan dowlad ka jirin. kuwaan imaanaya meesha aan dowlad ka dhisnayn waa kuwo diin fidiya. Magacyadooda way qariyaan si aan looga garan inay masiixi lug ku leeyihiin.

halkaan ka daawo Frontal21:   http://frontal21.zdf.de/ZDFde/inhalt/5/0,1872,7611653,00.html

http://www.reachacross.de/Afrika

http://www.reachacross.de/Asien

http://www.shelter.de/

Aayatiin.

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS