|
Sunta :Shirkadaha reer galbeedku waxey ku qubaan sun xeebaha Soomaalia
Qashinka sunta aan la arag ee nokliyeerka (radio activ) Fuustooyin qashin suna ka buuxdo iyo kiimiko ayaa in badan shirkadaha reer galbeedku ku daadinayeen biyaha bad Soomaliya, Qubarada Qaramada midoobey waxey cadeeyeen in aad macquul u tahey in ilaa hada ay sii wadaan ku daadinta xeebaha Soomaliya suntaan khatarta ah,sababtoo ah ma jirto dowlad rasmi ah Soomaaliya.
Waxaa soo diyaarisey maqalkaan Julie Hjerl Hansan,Joornaliste u shaqeysa wargeyska Information ee Danmark
Markii duufaantii (tsunami) ay boqolaalka kun oo qof ay biyaha ku dishey maalmihii ugu dambeeyey sanadkii(xiligii chrismaska) 2004 tii waxa xeebaha soomaliya soo gaarey hirarkii biyaha oo wata qashin hirarkaasoo ka yimid dabeylihii ka dhacey meel saomaliya u jirta 4500 kl(hindiya,Indanuusiya) hirarkaan waxey kaloo xeebaha Soomaliya wax yeeleen tuulooyin ku yaaley xeebaha,badii soo fatahntey waxey soosaartey oo xeebaha Soomaliya keentey wax yabo ku qarsoonaa gunta xeebaha Soomaliya .
Ninka qaramada midobey u direen arimaha Soomaliya Ahmadou Ould-cabdulah wuxuuu u sheegey wargeyska Information ``Tsanami-dii ka dib waxaan ku aragney xeebaha qashin badan oo biyuhu soo tufeen,dad badan ayaana ku jiradey``wuxuu kaloo yiri Konteenro ay ka buuxaan qashin suna ayaa xeebaha yimid kuwasoo keeney in dadkii daganaa xeebaha uu jirkooda wax cambaar ookale ah yeesho kadibna jirkii dildilaaco afkana dhiig ka keenaan,qaarkood dhiig xinjir ah sida beerkii oo burburey oo kale kqaar badi waa u dhinteen isla markiiba,taasi waa sababta keentey ind ad badani aaminsanyihiin in sunta kimikada iyo Nukliyreerka lagu qubo xeebaha Soomaaliya. ayuu u sheegey Axmedou abdale wargeyska Information ee ka soo baxa Danmark.
Waxey ka joogtaa halkii tan 1000 dollar Yurub in shirkadaha laga soo daadsho qashinka kimikida iyo Nukliyeerka(waa marka Yurub gudeheeda lagu aasayo ama lagu habeynayo) lakiin Soomaliya markii lagu soo qubayo waxey joogtaa tankii 2,5 dollar (dabcan Soomali baa la shaqeysa oo qaadatan lacagtaa yar) sida uu sheegey Roger Middleton oo ka tirsan machadka Chatham House ee wadanka Ingiriiska `` qiima jabnidu waa sababta keentey in ilaa waxkhti dheer ay shirkadaha reer galbeedku ku daadshaan sunta xeebaha Soomaliya, Kooxaha Suuqa madow (Criminal groupes) Yurub ee ka shaqeysta khaarajinta suntaan ayaa heshiis la gala Qaar ka mida qabqablayaasha dagaal ee Soomaliya,kuwasoo u ogolaada in xeebaha Soomaaliya ay ku qubaan xaraaga ama qashinka kimikooyinka iyo Nukliyeerka iyagoo lacag qaadanaya, ayuu yiri Roger Middleton ,wuxuuna raacshey in ay macquul tahey in ilaa hada ay sii socoto ku qubida suntu bada Soomaliya.
Sidoo kale waxaa aaminsan ninka Qaramada midoobey u qabilsan arimaha Soomaaliya ahmdou Abdalah,isagoo raacshey ``Joogitaanka ay joogaan maraakiibta dagaalka ee la dagaalama Burcad badeedka ayaa ka indha saabtey caalamku inuu arko dhibaatada sundaadinta.macnuhu wa waxaa lagu mashquulsanyahey burcad badeedka, wuxuu kaloo yiri isagoo hadalkiisii sii wata waxaan aaminsanahey in ay wali ku qubaan sunta xeebaha Soomaliya,waxey haystaan jaanis weyn iney iney ku daadshaan qashinka sunta xeebaha Soomaliya ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisii.
Qashinka Radioaktivt (kimikada ama nukliyeerka aan la arag)
In qashinka sunta lagu daadshey bada Soomaaliya,ayna u badantahey nooca Radioactiv,waxaa cadeeyey ama lagu sheegey warbixino badan oo Qaramada midoobey soo diyaarisey.
Warbixintii ay qortey UNEP 2005tii ka dibmarkii ay dhacdey duufaatnii(Tsunami) 2004 tii ayaa lagu xusey in duufaantaas ka dib ay dadbadan qaadaan cuduro jirkood ku dhacey,dhaliyeyna in jirku yeesho calaamado ka dibna googo´o jirku sababtuna aheyd qashinka sunta ee duufaantii ku dhufatey bada Hindia 2004 ay soo saartey,waxaa kaloo lagu xusey warbixintaas in xitaa tan iyo sanadadii 1980 tamaadkii ay markiib badani si sharci daro ah ugu qubi jereen qashinka sunta nukliyeerka nooca radioaktive xeebo badan.
Daadinta suntaan waxey ku sii socotaa meelaha aan daganeyn ee dagaaladu kasacdaan maamuladuna aysan ka jirin Soomaliya,ayey warbixintaani qortey,
warbixintaan waxaa lagu xesey in conteenaradii qashinka sunt ee laga heley meelo badan oo xeebaha Soomaliya ah ay wax yaabah ku jira kamid ahaayeen Uran,qashinka Radioaktive(oo ah nooca ugu daran),Bly, iyo qashin sun ah oo kasoo ahrey Isbitalada iyo warshadaha.
Si loo ogaado suntaan lagu qubo Soomaliya waxey Qaramada midoobey u direen wafdi Soomaaliya sanadkii 2005 laakiinn sababo la xiriira dagaaladii soomaliya ka socdey uma saamixiin kooxdii loo direy in hesho macluumadkey doonayeen ,waxey joogeen wadanka 4 maalmood iyo waxlamida waqtigaas yarna wax laguma ogaankarin mana aysan heli karin 4 maalmood cadeymahey raadinayeen.
Qaybta labaad ee qoraalkaan waxaan idiin soo gudbineynaa markale, hamoogaan waxaan heynaa cadeymo in daadinta sunta lagu daadsho xeebaha Soomaliya ay kulug leeyihiin Mafida Talyaaniga iyo Rag badan oo siyaasiyiin Soomli ah,haba u horeeyee Cali mahdi
waxaa qorey qoralkaan oo dheer wargeys ka soo baxa Denmark oo layiraahdo information.
|