
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| WELIBA MA XOROOWIN |
|
| Written by Abdisalamm Alow |
| Tuesday, 01 December 2009 22:52 |
|
WELIBA MA XOROOWIN Xornimadu waa siduu qof waliba u fasrito ama u arko. Qof ayaa faras magaaladu u tahay xabis, baadiyahuna xornimo iyo waasacnimo. Qofbaa dhulkiisa xornimo ku joogaa, qofna dibedda ku xabisan yahay. Qof baa xero qaxooti xornimo ka raadiyey, xabsi u arkay in xuduuda dhulkiisa lagu xumeeyo. Waa maxay xoriyada?. Ma xor beynu nahay?.Yaynu ka xorownaa? Ma gumesyi shisheeye baa ina hesyta?. Su'aalahaan oo dhan waxay u baahan yihiin jawaabo. Saddex nooc oo shacabka Soomaliya mid keliya oo ka mid ah ayaa ka jawaabi kara: 1. Midka Qoriga hesyta inuu walaalkii ku dilo 2. Midka Qaadka u fadhiya ee qabardaarka ah 3. Midka Qaxootiga ah ee dibedda ku maqan · Midka qoriga hesyta inuu walaalkii ku dilo wuxuu ogyahay inuu sabab u yahay baaba'a iyo burburka waddanka, hadduusan qori qaadan, wax dilin, wax burburin, waddanka nabad ayuu ahaan lahaa; ma laga qaxi laheyn, waxaanoo rafaad ma dhici laheyn, caruur badan ma habaabeen, dhiigaan badan ma daateyn, waddanka waa loo soo noqon lahaa. · Midka qaadka u fadhiya waa warmoog. Maalin baan waxaan soo agmaray goob lagu qayilo oo ay ugu magac dareen warmoog, waxaan iri walee waa warmoog qofka halkan ku qarsoon, qol gudcur ahoo qofkii galaa uu liqayo. Waddan baa burburay, dhiig baa daatay, waa lagala qaxay, waxba ma ka warqabo qaadkiisu iska ruugayaa. Goorta keliya uu soo baraarugayo waa marka cuno qabtayen lagu soo rogo oo qaadka laga jaro: Mirqaanka maandooriyaha markii laga masuugo buu miyir leeyahaye. Maalmaha kaloo dhan wuu ku mintidaya madax adeygiisa. · Midka qaxootinimada waddanka kaga maqan ayaa si xaqiiqa ah u dareensan xornimada waxay tahay. Waddankaaga xornimo ku joog micnaha weyn ku jira. Qurbajooga waa midka aan habeen hurdin subaxna soo kicin ainuu ku riyooday berri ayaad waddanka hooyo u galban doontaa mooyee. Qurbajooga waa qaxooti, qaxootinimaduna waxaa ka sharaf badan waddankaaga qiimo iyo qaayo ku joog. Dawladaha lagu soo qaxo shacabkoodu waa muwaadiniin dalkooda dhistay, amaankiisa sugay, nabad ku noolaaday, aanan dagaal sokeeye ku burburin waddankooda. Waxaan is weydiiyaa goor walba Soomaaliya hub ma sameysan kartee, hubka xagee kaga yimaadaa qof raba inuu walaalkii ku dilo?!. Waxaan is weydiiyaa mar walba haddii hub lagu siiyo, walaalkaagana la soo hubeeyo ma is dileysaan?!. Aaway caqligeena?!. Aaway Islaamka? Aaway ilbaxnimada iyo aqoonta?!. Wallaahi Billaahi Tallaahi inaan xor aheyn. Ma Itoobiyaan iyo Eritriyaan ayaa dhinac noo kala jiidanaaya?!. Adduunweynaha waa ogayahay halka hubka uga yimaado kooxaha hubesysan ee mucaaradka iyo xukuumada. Qorshaha loogu talo galay Soomaaliya waa in inay dhinac uga nuuxsan xaalada ay maanta ku sugan tahay oo ah: Nabad toosan ma jirto, dagaal weyn oo joogta ah oo dareenka caalamka soo jiidanaya ma jiro, horumar ma jiro, nolol way ka jirtaa oo teknoloojiyada ugu dambeysa ayaa sida internetka iyo moobaaylka ayaa laga isticmaalaa, iyagaa is dilaaya cid kale ay dhib ku hayaan ma jirto, dagaalkooda iyo burburkooda wuxuu ku egyahay xuduudooda, lacag tiro badan ayaa lagu cuni karaa, in hub si qarsoodi ah looga iibiyo, in mashaariic horumar aan waxqabad laheyn loo sameeyo, in sharikaadka ka ganacsada isgaarsiinta ku tartamaan, kheyraadka badahooda ku dihin la sii daldasho inta ay is dil iyo is burburin dhexdooda ku howlan yihiin. Waa amakaag iyo yaab. Waana yaabka yaabkiisa inay sidaan inoo dambeyso!. Intaas waxaa u sii dheer in fac cusub oo maskaxdooda la rogay la rabo in lagu talaalo waddanka, ka dib markii faca maanta jira ku dabar go'aan dagaalada iyo qurba jooga. Haddii aynu sida sawirada muujinyaan qolooyinka aan la yaabi jirnay ka hor 30 sanno oo kale ku sii socono, wallee inaysan wax la maleysan karin aheyn inaan lala yaabi doonin sida kuwa waraabha wadada la socoda. Haddii aan Islaamnimo dheegano aan is qabano oo danaheyna fiirsano.
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow





