
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| WHO oo lagu eedaynayo inay lacag laaluush ah qaateen |
|
| Written by aayatiin |
| Saturday, 12 June 2010 12:55 |
|
Darajada Lixaad waxay tahay mid lagu qasbayo in waddan walba ee dunida saaran uu iibsado daawada ka hortagaysa cudurkaas. Saasna ay ku wadagateen waddamo badan oo dunida saaraan noox walba kuwo dhaqaale leh iyo kuwo aan lahayn, waayo waa khasab. Waxaa haddaba soo baxaya in 3 nin oo ka shaqaynayey WHO lagu soo eedeyey inay ka qoreen hargabkaas Doofaarka ah maqaalo ka naxiyey WHO dabadeedna darajada lixaad ku dhawaaqay. Wargeyska British Medical Journal iyo Bureau of Investigative Journalism ayaa soo ogaaday inay jiraan raggaas ka shaqeeya lacag ka qaateen labada shirkadood ee sameeyey daawada looga hortagayo hargabkaas. Labada shirkad waxay kala yihiin shirkadda Rosch iyo Susnef.
Haweenayda xukunka WHO ayaa warqad u qortay wargeysyadaas kuna sheegtay qiran inay jiraan eedaymahaas. Waxayse sheegtay inay wax ka badeli doonaan qaabka ay u shaqeeyaan oo ah inay talo waydiistaan shirkadaha sameeya daawooyinka ama dadka iyaga talada siiya ay wadashaqeeyaan shirkadahaas.
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow





