
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Xulka kubadda Cagta ee Waddanka Jarmalka |
|
| Written by Aayatiin |
| Friday, 18 June 2010 21:09 |
|
Waddanka waa waddanka kaliya ee cayaaraha adduunka ee kubbadda cagta aan waligii u soo safin cayaartooy aan dhalad jarmal ah aheyn. Xulalka dhallinyarada ee 16sano,19sano iyo 21 sano ee kubadda cagta ee waddamada yurub ayey jarmalku sanadkaan iyo sanadkii la soo dhaafayba waddada qaadeen. Waxaana xulalkaas u safnaa cayaartooy aan dhalad jarmal ah ahayn ama waalidka mid ka mid ah uu shisheeye. Waxaa la ogaaday dhammaan xulalkaas inay ku yaraayeen cayaartooyda dhaladka jarmalka ah, taas ayaa keentay in xulka marakan u ciyaaraya jarmalka ee ka ciyaaraya waddanka Koonfur afrika ay 10 ka mid ah yihiin cayaartooy aan dhalad jarmal ah ahayn. Cayaartooyga: Sami Khedira Nr. 6 khadka dhexe Aabbihii Tuniisiya, hooyodii jarmal. Mesut Özil Nr. 8 Khadka dhexe waalidkii ka yimid labadaba Turkiya. Cacau Nr. 19 weerarka waalidkii ka yimid Baraasiil. Wuxuu yimid jarmalka 1999 isagoo la socda koox ciyaarta ciyaaraha dhaqanka, dabadeedna helay koox aad u yar. 2001 ayuu helay kooxda FC Nürberg. Mario Gomez Nr. 23 weerarka Aabbihii Isbeeyn, hooyadii Jarmal. Lukas Podolski Nr. 10 weerarka waalidkii Boolaand. Miroslav Klose Nr. 11 weerarka waalidkii Boolaand. Piotr Trochowski Nr.15 Dhexe waalidkii Boolaand. Dennis Aogo Nr. 4 Difaaca, Aabbihii Naayjeeriya, hooyadii Jarmal. Jerome Boateng Nr. 20 Difaaca, Aabbihii Gaana, Hooyadii Jarmal. Marko Marin Nr. 21 Dhexda, waalidkii Bosniya, dagaalkii ayeyna ka soo baxsadeen. Serdar Tasci Nr. 5 Difaac, waalidkii ka yimid Turkiya. Dhammaan waxaad halkaan ka daawataa sawirada mid walba, adigoo riixaya meesha magaca qofka ku qoran yahay. http://www.dfb.de/index.php?id=128 Jarmalka waxay ogaadeen in dhallaanka ka soo jeeda shisheeyaha yihiin kuwo horumar leh xagga ciyaaraha iyo waliba dhan walba haddii lala dadaalo, noqonayaana sida waddamada Hoolaand, Faransiiska iyo Ingiriiska xulalkooda oo ay iyaguna u badan yihii cayaartooyda shisheeyaha ah.
Aayatiin Jarmalka
|
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow


Xulka Jarmalka oo markii ugu horreeysay ay u soo saftaan cayaartooy aan dhalad jarmal ah ahaynoo walidkood ama mid ka mid ah ka yimid waddan kale, tirada xulka oo ah 22 waxaa ah shisheeye 11 ciyaartooy. Cayaartii ay maanta la ciyaareen xulka Seerbiya ayey kala kulmeen guuldarro 0-1. 


