
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Raggii dilay halyeygii afrika Patrice Lumumba |
|
| Written by aayatiin |
| Monday, 21 June 2010 11:44 |
|
dilkii Patrice Lumumba wuxuu ahaa mid dhammaan afrika gilgilay. Halyeygii mar kaliya u soo baxay waddanka Kongo iyo dhammaan afrika waxaa dhacday in raggii dilay ay marakan qoslayaan sheegayaanna sidii ay u dileen. Hal cad lagma reebin waxaa lagu shubay inta la jar jaray aaysiidh. daawo filimkaan.
Raggaan ka dambeeyey dilka Lumumba sida iyaguba sheegi doonaan inay soo direen boqortooyada Biljam caawinayeenna sirdoonka maraykanka CIA-da. Dilka waxaa u keenay khudbad uu ka jeediyey waddanka biljam oo aan la oran jeedi. Waxaana halkaas markii hore ka jeediyey khudbad boqorka biljam kuna sheegay in waddanka Kongo xoryahay. Waxaa isagana ka hadlay Nin madaxweyne ku sheeg kongo ahaa una abaalnaqay biljam, balse waxaa iska istaagay isagoon ku qornayn inuu khudbadeeyo Lumumba. Boqorka iyo dhammaan reer biljam ayaa ka xanaaqay isada uu u hadlay iyo waxa uu ka sheegay biljam inay ku kaceen intay gumaysanayeen kongo. Waxaa halkaas ku sugnaa wariyayaal caalamka ka socday oo baahiyey khudbadiisii, ilaa iyo haddana caan ah. Markii la dilay ayaa adduunka oo dhan lagu faafiyey inuu ka baxsaday xabsigii dabadeedna ay dileen dadkii reer kongo ahaa oo isaga ka soo horjeeday. Wargeysyada dunida reer galbeedka ayaa lagu qoray lagana sii daayey idaacadaha ay leeyihiin. Beenta intaas le'eg ayey marakan filimkaan dhexdiisa ka caddeynayaan inay been ahayd oo iyaga qoreen. Haddaba beentaas mid la mid ah iyo kuwo kale oo badan sidii 11Sep., ayaa lagu wadaa inay marwalba dunida ku fidiyaan reer galbeedka, iyagoo wali adeeganaya wargeysyadooda iyo TV-da ay leeyihiin oo dunida soo koreysa u haystaan waxa ay qoraan ama sheegaan mid run ah. Halkaan ka daawo http://video.google.com/videoplay?docid=5027192261852823192#
Waxaan idinka codsanaynaa inaad ráyigiinna noo soo qortaan ku saabsan Lumumba iyo sida aad u aragtaan Aayatiin maqaalada ku soo baxa wanaag iyo dhalliilba. This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow


dilkii Patrice Lumumba wuxuu ahaa mid dhammaan afrika gilgilay. Halyeygii mar kaliya u soo baxay waddanka Kongo iyo dhammaan afrika waxaa dhacday in raggii dilay ay marakan qoslayaan sheegayaanna sidii ay u dileen. Hal cad lagma reebin waxaa lagu shubay inta la jar jaray aaysiidh. daawo filimkaan.



