top
logo

User Login




Home Maqaalada Maqaalada Dhulalka qaaradda afrika oo la boobayo
Dhulalka qaaradda afrika oo la boobayo E-mail
User Rating: / 13
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Sunday, 27 June 2010 20:27

waddamada afrika oo dhulalkii kala wareegayaan shirkado shishiyeeye iyagoo lacago la siinayo sidii lagu sameyn jiray waddamda aasiya. Waxaana ka mid ah dhulalkaas la boobayo Somaliland, Itoobiya, Suudaan iwm. Shirkadaha shisheeye waxaa iska leh qaarkood sida shirkadda african govermance initiative ninka lagu magacaabo Tony Blair, raysalwasaarihii hore ee dalka ingiriiska.

 

 

Gumaysigii waddamada horeyumaray ku yimaadeen afrika wuxuu bilowday 1830 taasoo uu bilaabay waddanka Faransiiska qabsadayna waddanka Aljeeriya.

Sida uu ku bilowday gumaysigaasna wuxuu ahaa iyadoo 1873-1896 ay ka dhaceen waddamada reer yurub suuq xumo xagga iibgeynta alaabta ay waddamadaas soo saaraan. Shirkadahoodii wax soo saari jiray arkeen in afrika uu yahay suuq aad iyo aad u wanaagsan, kagana badbaadayaan suuq xumida haysato alaabtooda, waddankana dhaqaalo xumida haysatana kaga badbaadayo.

 

Waxaanu gumaysigaas ku tilmaami karnaa inuu ahaa mid warshadlayda ama shirkadlayda ay ka dambeeyeen inuu yimaado afrika. Hadda oo ay ka soo wareegtay muddo lagu qiyaaso 50 sano, in inta badan waddamada afrika 1960 ka xorroobeen gumaysigaas xagga dhaqaalaha ku yimid afrika.

Ayaa marakan aynu joogno waxaa iyana bilowday gumaysi cusub oo loogu magacdaray „boobkii dhulka ama dafiddii dhulka“ afka ingiriiskana lagu yiraahdo“Land grabbing“.

Dad badan ayaa isweydiinaya markay maqaalkaan akhriskiisa bilaabaan iyo markay dhammeeyaan in afrika gumaysigii ku soo laabtay iyo inkale. Jawaabtu waa, waa uu ku soo laabtay isagoo magacyo cusub iyo shirkado cusub ah.

 

18.November 2009 waxaa ka furmay qolka shirarka ee lagu magacaabo (Queen Elizabeth II. Conference Center) ee waddanka Ingiriiska, shir loogu magac daray Madashii maalgalin uraadinta ee waddanka Sierra leone(Sierra Leone Investment Forum). Madashaas waxaa khudbad ka jeediyey Raysalwasaarihii hore ee waddanka Ingiriiska Tony Blair. Wuxuu shirka ka sheegay in waddanka Siiraryoon uu leeyahay malyan hiktaar oo dhul ah, kuna wanaagsan beeraha. Yirina in dhulkaas ay ku noolyihiin dhawr milyan oo dad ah. Wuxuuna dadka u sheegay inay wanaagsan tahay in dhulkaas la iibsado, lana beerto.

Shirkad uu leeyahay Tonay Blair oo lagu magacaabo „african govermance initiative(agi)“ ayaa ahayd mid ka mid ah shirkadihii soo qaban qaabiyey shirkaan. Sida ku cad hoyga shirkadda www.tonyblairoffice.org  waxaad ka akhrisan kartaa waxyaabo muujinaya in dhulka dadka laga boobayo.

 

Bangiga dunida laantiisa( International Finance Corportion, IFC), Sanduuqa horumarka beeraha(International fund for Agricultural Development,Ifag iyo waliba ururka nafaqaynta dunida (Food and Agriculture Organization FAO), ayaa ka dambeeya inay xayeysiiyo lagu sheegayo in dhulalka afrika la maalgashado, inkastoo ninka ururka nafaqaynta dunida madaxda u ah ee lagu magacaabo Jacques Diouf oo dhalashadiisu tahay Sinigaal, uu ku sheegay dhulalka afrika laga danayo ama la ijaaranayo kuwo ah „Gumeysi Cusub“.

 

Waddank Shiinaha wuxuu waddanka Democratic Republic of Kongo ka gatay dhul gaaraya 2,8 Milyan oo hiktar, wuxuuna doonayaa inuu ku beero beerta ugu weyn dunida ee soo saarta saliida qunbaha.

Shirkadda lagu magacaabo Investmentfonds Jarch Capital, ayaa waxay dhul dhan 400,000(afarboqol kun) ka ijaartay waddanka suudaan meesha uu dagaalka ka socdo. shirkaddaan waxaa masuul uga ahaa iibinta dhulkaan ninka lagu magacaabo Philippe Heilberg, dhanka suudaan waxaa ka socday wiil uu dhalay ninka dagaalka kaga soo horjeeda waddanka suudaan ee lagu magacaabo Paulino Matip. Dhulkaan dagaalka uu ka socdo oo aan deganayn waxaa la yaab leh sidee loo kala ijaaran karaa, maxaase faaiido ah oo ay shirkaddaan maraykanka ah ka helaysaa. Waxay ka helaysaa inay dunida u sheegto haddii ay degto meeshaas inay igu leeyihiin dhulkaan. Waxaana la sheegay in CIA-da inay heshiiskaas lug ku leeyihiin.

Shirkaddaan waxaa leh rag lagu tirinayo inay xoog weyn ku leeyihiin ama meelo waaweyn oo masuul ah la hayaan dowladda maraykanka.

 

Philippe Heilberg wuxuu afkiisa ka caddeeyey in dhulalka laga iibsanayo ama laga ijaaranayo afrika ku jiraan waddamada Soomaaliya, Itoobiya, Suudaan, Naayjeeriya iyo kuwo kale.

 

Waddanka Indiya waxay dhul 600,000 hiktar ka ijaarteen waddanka Itoobiya. Itoobiya waxay wali raadinaysaa dhul intaas ka sii badan shirkadihii ka ijaaran lahaa. Waliba yihiin meelaha ugu biyaha badan.

 

Waddamada afrika oo waxa ay soo saaraan iyagoo awalba yaraa, ayaa hadda waxaa ku soo socda in dhulkoodii waxyaalaha laga soo saaro loo soo dhoofiyo dunida horeyumaray, taasoo suuqii yaraa ee waxyaabaha ay soo saaraan u soo dhoofin jireen waddamada horeyumaray ayaa noqonaya mid laga xiro.

 

Waddamadaan boobaya dhulalka afrika waxay wataan shirkado ay ku sheegayaan inay yihiin dhirkado rayad ah balse ka dambeeyaan waddamada horeyumaray oo daba taagan markay dhibtimaato oo u soo diraya ciidamo waddankaas ama siyaabo kale u caawinaya. Waxaa kaloo aad iyo aad u caawinaya bangiga dunida ee world bank lagu magacaabo loona dhisay markii sii hore in lagu lafa jabiyo waddamada soo korayo. Bankigaan dunida marka waddan afrikaan ah deyn waydiisto waa uu u diidaa, wuxuuse maalgalin weyn siiyaa shirkadaha waddamda horeyumaray kuna guubaabiyaa inay afrika dhul ka gataan.

Waxaa jira urur rayad ah oo lagu magacaabo Coalition for the protection of african Genetic Heritage inuu isku dayey iyagoo ay kaalmaynayaa dad khibrad u leh beeridda dhulka inay beeralayda kaalmeeyaan, dowladaha afrikana u sharxaan dhibaatada beeralayda danyar ah haysata, tusaanna inay beeralaydooda kaalmeeyaan.

Oktoobar 2009 ayuu ururku oo ka kooban xubno dhammaan afrika ka soo jeeda qoreen warqad u qoreen madaxda afrika uguna sharxayaan inay joojiyaan iibinta dhulalka, kuna sheegeen inay ku tahay khatar beeralayda danta yar ee afrika. Ilaa iyo hadda lama hayo wax calaamad ah oo ay ku dhaqaaqeen madaxda afrika.

 

Afrika uma baahna in laga gato ama laga ijaarto dhul beereedka, balse waxay u baahan tahay in madaxda ay fahmaan in beeralayda u baahan yihiin maalgalin iyagaa wax walba soo saari lahaa iyo waliba inay ku dagaalamaan in waddamada horeyumaray ku cadaadiyaan inay u furaan suuqooda alaabta beeraha afrika ka soo baxda.

Waxaa laga baqaa in beeraha ay beeranayaa shirkadaha ka soo jeeda waddamada horeyumaray ay ku beertaan wax dan u ah waddamadooda oo kaliya, waddamada afrikana waligood gaajadaas ku jiraan sida waddanka simbaabwi waxa ay sameen jireen beeralaydii caddanka ahayd. Waxay beeran jireen oo kaliya tubaakada una iibgeyn jireen waddamada horeyumaray. Waddanka simbaabwina halkaas dadkiisa jaago ku baaba’een. Markii laga qaaday beerihiina waxay ku doodayeen inay beeri jireen wax walba oo ay shaqaalaha siin jireen shaqo.

 

Ninka ay sida goonida ah ugu xilsaartay UN qaybteeda lagu magacaabo“Right to Food“ ayaa sheegay in waddamada afrika aysan haysan cunno una baahan yihiin inay iyaga cunnadooda ka soo saartaan dhulkooda, balse haddii hadda lagala wareegayo dhulkoodii waa wax aan sahlaneyn.

Waxaase la yaab leh in madaxda afrika iyo dadka hormoodka u ah markay saxiixayaan dhulalka ay ku wareejinayaan shirkadaha shisheeyaha ah inay wanaagsan tahay inay la tashadaan baarlamaankooda lagana wadahadlaa oo waxay gaari lahaayeen inay ku khasbaan shirkadahaas shisheeye inay heshiiska ay la galayaan ku saxiixaan in cunnada ka soo baxda beerta boqolkiiba kontan lagu gado waddanka gudihiisa, basle wuxuu yiri taas ma sameeyaan. Mid waxay ka baqayaan in lacagta ay qaateen la ogodaado.

 

Heshiisyada shirkada shisheeye wataan waa heshiisyo ay dhinac walba ka soo baaraan degeen oo aan wax faa’iido ah ugu jirin afrika. Inta waddamada akhriyin heshiiska ayaa dadka yar ee madaxda ah lagu harqiyaa lacag halkaasna ku saxiixaan heshiis aysan akhriyin ama aysan waligood akhrin doonin, lagana yeelo sidii la doono markay saxiixaan. Shirkadahaan waxay dhulalka ay ijaarayaan afrika ka ijaartaan heshiis dhan 40 ilaa 100 sano inay iyagu beeran karaan beertaas.      

 

Halkaan ka akhriso maqaalada afka shisheeye ku qoran oo aan soo xiganay

http://www.washingtonpost.com/wp-dyn/content/video/2009/10/21/VI2009102103302.html?sid=ST2009112201942

http://www.democracynow.org/2009/8/12/land

http://sudanwatch.blogspot.com/2009/01/former-wall-street-banker-philippe.html

http://www.landcoalition.org/cpl-blog/?p=468

http://www.monde-diplomatique.de/pm/2010/01/15.mondeText1.artikel,a0040.idx,11

 

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS